Monday, October 31, 2016

Golaha Deegaanka Hargeysa; Xaabo Ay Bulshadu Qiiq Un Ka Dhaxashay!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Magaalo waliba waxa ay leedahay gole deegaan oo lagu soo doorto doorasho cod-bixin ah oo ay dadku codkooda siiyaan kolba cidda ay u gartaan in ay wax ka qaban karto bilicda iyo nadaafadda degmadooda. Golaha deegaanka ayaa ay shaqooyinkiisa ka mid tahay ka shaqeynta arrimaha nadaafadda, bilicda magaalada, dhisida waddooyinka iyo waxyaabo kale oo aan intaa ka durugsanayn, iyada oo xubnaha mudadaa loo soo doorto maamulka golaha deegaanku masuul uga noqdaan bulshada inay uga shaqeeyaan arrimahaas iyo waxyaabo kale oo badanba. Hadaba tuke baal cadi tilmaamane golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa noqday fadhiid aan