Friday, February 27, 2015

Ereyada Casriga ah ee Qabyaaladda!


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Ereyadan aan hoos ku xusi doonno ayaa ah kuwo inta badan loo isticmaalo warbaahinta iyo goobaha shirarka ama khudbadaha madaxda qaarkood jeediyaan, waana kalmaddo maqalkoodu kusoo noqnoqdo dhagaha dadka, kuwaas oo aan odhan karno waa reer hebel baanu nahay oo la casriyeeyay ama marka aad maqasho cid leh aad si fudud u aqoonsanayso cidda hadlaysa iyo qabiilka hadlaya ama shiraya. Waxaan u kala saaray heerar kala duwan sida heer jihooyin loo adeegsado, heer xaafad loo isticmaalo, heer degmo ahaan loo soo qaato, heer gobol