Sunday, August 24, 2014

SHEEKO: Cidd ma leh!

fadumo 666

W/Q: Fadumo Bintu Adan Buuni

Magacoodda cidi ma taqaan. Ciddna ma yaqaanaan. Hoy ma leh. Mana haystaan meel ay u hoydaan ooy hurddo ka dayaan. Kulaylka Cadceeddu ma damaqdo, Mana diiriso. Halkay ugu dhacdo ayey hadana ugu soo baxdaa. Da’ ahaan Da’o badan bay iskugu jiraan. Ma yaqaanaan ciddladda. Se way ku Caano maalaan. inta badan lagama waayo dayrarka Meheraddaha iyo Dooxyadda Magaalooyinka. Qaarkood duruuf iyo darxumaa u gaysay daganaanshaha  meelahaas,  qaarna dar kalaa la daggan Adduunyo kale oo inoo muuqana way joogaan Aakhirana may tagin .
Dushooda diif iyo.....

Friday, August 22, 2014

Hambalyo guulaystayaashii tartanka Sheeko iyo Shaahid 2014

Axmed-yaasiin Rashiid Cabdi, Nasra Cali Nuux iyo Muna Axmed Cumar
21-08-2014, waxay ahayd habeenkii ku dhawaaqista Guulaystayaashii tartanka Sheeko iyo Shaahid oo sannad walba ay qabato xarunta Redsea Cultural foundation kaas oo ay ku tartamaan dad aad u tiro badan iyaga oo soo qora sheekooyin ay kasoo tuujiyaan maskaxdoodda isla markaana ku salleeya duruufo iyo waxyaabo baddan oo ka jira adduunka gaar ahaan waddanka aynu ku noolnahay iyo saamaynta dhaqan, dhaqaale, bulsho ee ay inta badan inagu yeeshaan dhacdooyinka ka dhaca hareeraheenna .

Tartankan oo ahaa kii todobaad waxa uu kaga duwanaa kuwii hore hablaha oo si gaar ah loogu sameeyay tartan loo bixiyay (qaybta hablaha ee Sheeko iyo Shaahid) sababta oo ah tartamadii hore tirada hablaha kasoo qayb galaa aad ayaa ay u yaraan jireen, balse tartanku sannadkan waa uu ka muuqaal duwanaa sannadadii ka horeeyay, waxa la bixiyay 3 kaalmood oo tartanka guud ah iyo 3 kaalmood oo tartanka hablaha ah, waxa inan (wiil) ahaa baratamaha ku guulaystay kaalinta koowaad oo kaliya halka inta kale ay ahaayeen hablo. 

Guulaystayaashii tartanka guud ee lagu dhawaaqay ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan una kula horeeyaan:
1. Axmed-yaasiin Rashiid Cabdi (Labo-labo)
2. Muna Axmed Cumar
3. Nasra Cali Nuux

Guulaystayaashii tartanka hablaha ayaa kala ahaa:
1. Muna Axmed Cumar
2. Nasra Cali Nuux
3. Saamiya Maxamed Cabbaas iyo Raxma Maxamed Yuusuf

Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (HAL-QOR) ayaa iyadu sannadkan aad uga dhex muuqatay tartanka iyada oo ay ka tirsanaayeen guulaystayaasha kala ahaa:
1. Axmed-yaasiin Rashiid Cabdi (Labo-labo)
2. Nasra Cali Nuux
3. iyo Saamiya Maxamed Cabbaas oo ka mid ah xubnaha sida wayn ula shaqeeya Bahda.

Bahda HAL-QOR waxa kale oo uga qayb galay tababarkii tiraab qorista bilan ee lagu qabtay xarunta dhaqanka Hargeysa 12 xubnood oo ka tirsan Bahda, halka tababarkii sawir qaadistana uu uga qayb galay 1 xubin oo ka mid ah Bahda.

Bahda HAL-QOR waxa kale oo ay qayb libaax ka qaadatay bandhigii buugaagta Hargeysa ee 8dii bishii 8aad ka furmay Hoolka Shaqaalaha Dawladda Hargeysa iyada oo soo bandhigtay buugaag kala duwan oo aad u tiro badan.

Ugu dambayn guud ahaan xubnaha Bahda HAL-QOR waxa ay hambalyo u dirayaan guulaystayaasha tartanka SHEEKO IYO SHAAHID ee sannadka 2014ka, waxay bahdu isku duubni u leedahay halkaa kasii wada dadaalkaa balaadhan ee darajada aad ku kasbateen, Allena waxa aan idiinka baryaynaa in uu idiin siyaadiyo maskaxdiina idiina rumeeyo rajooyinkiina mustaqbal. Aamiin