Saturday, July 25, 2015

Sheeko Gaaban: Agayn “Again”

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Wakhti, waayadii lasoo maray ka mid ahaa, ayaa laba nin oo reer baadiye ilmo adeer ahi u dhoofeen dhankaa iyo dalka ingiriiska, kadib markii mid ka mid ah labada nin walaalkii lasoo hadlay una sheegay inuu u dhoofinayo qurbaha maalintaas iyo saacaddaas oo ay sii diyaar garoobaan.  Siday mii uga yimaadeenna xitaa magaalo wuxuun bay u ahayd tii ay diyaaradda kasoo raaceen oo gaadhigii kasoo qaaday ku hor dajiyay gegidii diyaaraduhu ka haadayeen goor gabal dhac ah. Waxay la amakaagsanaayeen bilicda, binooyinka iyo bidhaanka meesha ay soo galeen, iyaga oo moodayay in dibadii