Friday, January 23, 2015

Xusuus qorka waayihii waxbarasho ee dugsiga sare Maxamuud Axmed Cali (2007-2011)




Waxa qoray: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Waxay ahayd sannadkii 2007 dii markii aan ka mid noqday ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, wakhtigaas oo aan ahaa fasalka koowaad ee dugsiyada sare ama form one ka loo yaqaano. Sannad waliba waayihiisa lehe, waxa aan waxyar ka milicsan doonnaa mahadhooyinkii taariikhiga ahaa iyo waxyaabaha xusuus qorka ah ee aan ka xusuusto mudadii

Friday, January 9, 2015

Sheeko: Shalay Iyo Maanta!


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Warmooge waa wiil yar oo wakhtiga iyo waayuhu wax bareen. Waalid iyo wehel kale oo aan adeer ay aabihii ilmo adeer ahaayeen oo uu gurigiisa joogay ahayna kumuu garaadaysan. Aabihii wuxuu dhintay isaga oo hooyadii caloosha ku siddo, hooyadiina waxa ay xijaabatay isaga oo dhawr gu’ jira. Walaal ka weyn iyo ku ka yar midna ma uu haysan, waxaana uu waayay cid kale oo daryeesha, oo dugsi ama goob waxbarasho gaysa. Gabadha uu adeerkii qabay waxa ay ahayd mid aan u wanaagsanayn oo mar walba canaanata kuna caansiirisa cuntadda ay siinayso, halka wakhtiyada qaar ay u diidi jirtayba. Wuxuu inta badan ku fikiri jiray sidii uu noloshan uu ku noolyahay uga bixi lahaa, isagoo aaminsanaa in xitaa

Friday, January 2, 2015

Maqaal: Ma Qumanna Qabyaaladdi


W/Q: Maxamed Fu’aad Xsan Dhago-Cadde
Haa, ma qumanna qabyaaladdi oo waa wax xun, waa mid aan xumaanteeda haddii la is yidhaa qora oo qalin u qaata laga gayoonayn, waan hubaa se in qofkii caqli leh maskaxda ugu suntantahay dhaxalkeeda iyo cidhib xumadda laga muto. Tusaale la igama rabo oo wax aynu taariikh ku maqalnay oo la inoo soo tabiyay iyo wax aan maanta daah inaga saarnaynba waynu ka dharagsanahay, su’aashu se waxay tahay yaa meesha ka saaraya qabyaaladda sida xun u ragaadisay dadkeenii maanta? Ma arko mana maqlayo, cidna uma maqna