Jacaylkii
beri samaadka
Qore: Maxamed Fu'aad Xasan Dhago-Cadde
Aniga oo aad u da’ yar ayaa aan bilaabay in aan hablaha la haasaawo.
Caruurta aannu isku filka nahay waxaabay ka xanaaqi jireen haddii la yidhaa
yaad jeceshahay. Waxa aan dhigan jiray iskuul ku yaala degmada aannu deganayn
balse aad uga fogaa xaafadayada. Aan iska yaraadee haddana waxaan ahaa wiil maaweelin
fiican gaar ahaan ardayda aannu isku fasalka nahay. Waxa aan inta badan ka hor
sheekayn jiray fasalka hortiisa. La yaab ma laha oo awlaadda kale kolba Sheeko
xariirrada ayaa ay jeclaysanayeen. Hal-xidhaalayaasha
oo aan habaar ku qabay maalin walba ardayda mid baa aan sii weydiin jiray.
Macalin Cabdilaahi[1] oo soomaaliga dhigi jiray
ka soo garta xabbad nac-nac ah ayaa uu siin jiray. Aad baa ardaydu ii jeclaayeen
maamul iyo macalimiina hadalkoodaba daa. Marka aan subixii iskuuulka kusii
socdo iyada ayaa aan sii mari jiray. Ma garanayo wax aan ku akhriyi jiraye.................
mooraal jab baa ku dhici jiray, maalinta aan maqanyahay ma ay tagi jirin iskuulka. Nususaacaha inta aan quraac iyo iskiriin iibsano ayaa aan laag iskuulka dhiniciisa galbeed ah kuwada cuni jirnay. Malcaamad uu macalin faarax lahaana waanu wada dhigan jirnay, inkasta oo ay malcaamada higgaada iga sareysay, anigu waxa aan marayey “An fadxa tay an, in kisra tay in”[2], iyaduna “Alxamdu”[3] baa marka loo bilaabay. Daasad caano koosto ka dhamaatay oo kursigii malcaamada ahayd ayaa aan gurigooda hor dhigan jiray inta ay soo baxayso. Iyadu waxay ahayd curad iyo guri dambays oo aad baa looga war hayn jiray kaligeedna may tagi jirin malcaamada, anna waxaan ahaa meel dhexe oo qaarna waa ay iga waynaayeen qaarna waa ay iga yaraayeen. Waxa aan labadayaduba sii wada akhriyi jirnay higgaada looxa naloogu dhigi jiray. Maalinta ay higgaadu igu adagtay waa ay ii marin jirtay. Khadka lagu qorayo looxa oo laga samayn jiray dhuxul waa aannu soo wada samaysan jirnay. Sonkorta khadka lagu dari jiray iyada ayaa xaafadooda kasoo qaadi jirtay. Gabal dhicii waxa aan iman jiray aqalkooda hortiisa. Waxay caruurtu kuwada ciyaari jireen cado lool. Habeenadda qaarkood ayeydeed Cambaro[4] ayaa labadayadaba nooga sheekayn jirtay Sheeko caruureed. Anigu waxaan dhawri jiray ereyada qaraamiga ah ee ayeeyo Cambaro afkeeda kasoo burqanaya. Iyadu se aniga ayay sidii oo aan hadlayo igu dhaygagtaa oo kolba isoo jaleecdaa. Xaafadoodu aniga waxay ii arkayeen wiil yar oo iyada oo kale ah. Inta badana waxaan u marin jiray casharada iskuulka naloogu soo dhigo.
mooraal jab baa ku dhici jiray, maalinta aan maqanyahay ma ay tagi jirin iskuulka. Nususaacaha inta aan quraac iyo iskiriin iibsano ayaa aan laag iskuulka dhiniciisa galbeed ah kuwada cuni jirnay. Malcaamad uu macalin faarax lahaana waanu wada dhigan jirnay, inkasta oo ay malcaamada higgaada iga sareysay, anigu waxa aan marayey “An fadxa tay an, in kisra tay in”[2], iyaduna “Alxamdu”[3] baa marka loo bilaabay. Daasad caano koosto ka dhamaatay oo kursigii malcaamada ahayd ayaa aan gurigooda hor dhigan jiray inta ay soo baxayso. Iyadu waxay ahayd curad iyo guri dambays oo aad baa looga war hayn jiray kaligeedna may tagi jirin malcaamada, anna waxaan ahaa meel dhexe oo qaarna waa ay iga waynaayeen qaarna waa ay iga yaraayeen. Waxa aan labadayaduba sii wada akhriyi jirnay higgaada looxa naloogu dhigi jiray. Maalinta ay higgaadu igu adagtay waa ay ii marin jirtay. Khadka lagu qorayo looxa oo laga samayn jiray dhuxul waa aannu soo wada samaysan jirnay. Sonkorta khadka lagu dari jiray iyada ayaa xaafadooda kasoo qaadi jirtay. Gabal dhicii waxa aan iman jiray aqalkooda hortiisa. Waxay caruurtu kuwada ciyaari jireen cado lool. Habeenadda qaarkood ayeydeed Cambaro[4] ayaa labadayadaba nooga sheekayn jirtay Sheeko caruureed. Anigu waxaan dhawri jiray ereyada qaraamiga ah ee ayeeyo Cambaro afkeeda kasoo burqanaya. Iyadu se aniga ayay sidii oo aan hadlayo igu dhaygagtaa oo kolba isoo jaleecdaa. Xaafadoodu aniga waxay ii arkayeen wiil yar oo iyada oo kale ah. Inta badana waxaan u marin jiray casharada iskuulka naloogu soo dhigo.
*****
Milaygu[5] markan aan ka warramayo
wuxuu ahaa dhamaadkii qarnigii hore. Inkasta oo ay aniga iga yar waynayd, hubaal
se iyadu haba yaraatee ma ay aqoonin jacaylka, Maqalkiisu se kuma yarayn oo hal-xidhaalayaasha
aan waydiiyo ardayda ayaa ay mar-mar ku maqli jirtay magaciisa, kolkaasna waxa
aan arki jiray iyada oo afka haysata sidii qof xishoonaya. Anigu se waan yaqaanay
waxa jacaylku yahay laakiin micno iima samaynayn wakhtigaas aan joogo wallow la
i odhan jiray jacaylow. Mana dhaaddani
astaantiisa oo waxaan arki jiray ardayda iga waaweyn ee inamada ah oo waraaqo wadne
lagu sawiray u qoraya hablaha ama dul dhigaya kursiga ay fadhiisato. Inantanna
magaceed ha jiree aad bay u qurux badnayd
waxaanay ahayd dhabeel dhawr iyo tobban jir ah. Dhismaha jidh ahaaneed waxay
ahayd dhamaystirran aan dheeliyin. Dhaayaha indhaha qofkii dhugtaa waan hubaa
in aannuu dhan uga jeesteen. Timaha lagu taashay ayaa kolba tidica lagu
tiirshaa. Suniyaha iyo baadadka indhaha ma aqaan wax aan ku tilmaamo. Eegmada
qurxoon iyo indhaha laydh tiriiga ah. Sanqaroorka dheer iyo wajigeeda
suuraysan. Dibnaha maddow iyo ilkaha dhay cadaanka ah. Sawtka, milgaha loo
hadlayo iyo mabsuud raali ahaanshaha. Maqalka, waalid adeeca iyo maamuuska martida
loo sooryeeyo. Camamka, cabaadhyaha qoorta iyo caynada ay tahay. Gim-gimnaanta
gacmaha ay leedahay iyo xaada dul hogonaysa. Shafka taagan (naasaha shushuban)
iyo shacniga dhabarkeeda. Sinta hoose, sinaanta lugaha iyo socodka miisaaman.
Caam ahaana cutigaad ka garanaysay culayska ay lahayd e. Caadi maaha waxa dahab
la sudhay dul iyo farihiiba. Xag kastood ka eegtana cilmi baad ka baran lahayd e.
Subxaana laah dhamaan sifihii billaw aadamna!!
*****
Ardayda iskuulka ee fasalada sare dhigataa way la hadli jireen.
Kulama ay dhici jirin baa aan u malaynayaa se jacayl, ee Sheeko wuxuun baa ay
ka ahayd maxaa maanta la idiin dhigay iyo xiisaddee baad jeceshahay. Waan ooyi
jiray kolba marka uu wiil la hadlo. Waxa aan u arkayay wakhtigaas oo aan anigu
ahaa dugsi hoose in aan lala hadlin ardayda fasalada sare gaar ahaan fasalka sideedaad.
Waa aannu ka fogaan jirnay meelaha ay joogaan. Waxaan ku fikiri jiray wakhtiga
aan halkaas mar uun gaadhi doono. Markaas oo aan ku qancin jiray naftayda
heesta: “Qayrkaa darajada uu helay, rabbi kaama daayine, dadaal gaadhi doontide”[6]. Waxa aan ku jiray
guddi iskuulku lahaa. Waxa aan u bixi jirnay tartamo lagu qaban jiray Garoonka Tima-Cadde oo la qaadi jiray
marka la tagayo “waa kedise, kedise kaalaya aqoontiina korodhsadda, kedis waa
waxbarashee kaalaya………………” iskuulada
ayaa uu tartan aqooneed dhex mari jiray. Waxa kale oo aan iskuulada ku ciyaari
jirnay kubadda cagta iyo ciyaar la odhan jiray “xadhko jiid”[7] oo galaasyadu wada
ciyaari jireen. Inantan aannu isku xaafada ahayn sidoo kale waxa aannu ahayn
isku fasal. Marka aannu galno tartan way i hambalyaysaa waxay i odhan jirtay
walaahi khatar baad tahay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiil hor-jooge noo
ahaa oo la odhan jiray “Lafle”[8] ii yeedhay waxay
ahayd markii lagu soo noqonayay xiisadii nususaacaha kadib. Wuxuu ii dhiibay
warqad waxa aanuu igu yidhi waxa aad u dhiibtaa inanta aad is raacdaan. Isla
markaas alifluhu waxa uu ii tilmaamay meel iskuulka dhabarkiisa ah oo ay
fadhiday. Wuxuu igu yidhi hadaad anoo ku arkaya imika u dhiibi waydo warqadaa,
waan ku qorayaa oo macalinka ayaa aan kugu dirayaa maalin walba. Ardayga
macalinka loo sheego dhagaha qabso ayaa la odhan jiray waana la dhangadayn
jiray. Waxa aan ku idhi waayahay ee isoo eeg annaa u dhiibaya e. Warqadii waxa
aan dhex geliyay buug ka mid ah buuggaagtaydii isagoo i arkaya. Waxaan u
dhaqaaqay geedkii ay hoos fadhiday, waxa la fadhiyay wakhtigaas hablo kale oo
aan isku arday ahayn. Waa aan u yeedhay, ka dib waa ay soo kacday, waxa aan u
dhiibay buug aan ahayn kii ay warqadu ku dhex jirtay. Waxa aan u tilmaamay meel
banaanayd oo aan ku idhi walaal adoo raali ah iisoo qor casharkaas banaan.
Waayahay ayaa ay igu tidhi maxaa aad hadhaw markaynu sii socono iigu dhiibi
wayday. Anna mooji ayaa aan ku idhi inta aan qoslay. Waxa aan ku qoslayay waxa
ay ahayd farsamada aan sameeyay, balse aniga oo cadhaysan ayaa aan dib usoo
noqday, intii aannan soo gaadhin horjoogihii ayaa waxa dhacay jalaskii lagu
galayay xiisadaha. Ardaydii oo dhan hablo iyo inamaba waxay kuwada carareen
fasaladoodii. Alifluhu waa uu i arkayay markii aan buugga inanta u dhiibayay,
intii aan kusoo socdayna waataas la garaacay jaliska oo waan is arki waynay, meel
walba na waxa yaacaysay arday. Intii yarayd ee aan jidka soo socday kuna socday
kaaba galaaska wadnuhu wuxuu i lahaa “dhug dhug dhug…” naxdin aawadeed. Waxa
aan ka naxsanaa tolow biluu eegaa buuggaagta aad sidato ka dibna arkaa
warqadii. Nasiib wanaag waa aan kala qarsoonnay, balse warqadii inta aan
yareeyay ayaa aan gashaday sharabaadka. Aliflihii ayaa markii la dareeray igu
yidhi waa aan ku arkayay, laakiin maxaa ay ku lahayd, yaa soo qoray miyaa? Haa,
laakiin waxa aan ku idhi ma garanayo, akhri adaa garan doona. Iyaduna haye ayaa
ay igu tidhi. Sax, sax, saaxiib maalin dambe macalinka laguuma sheegayo iska
had-hadal ayaa uu iigu warceliyay! Allaa xaal og. Sidii caadada ahayd iyadii
ayaa aanu isa sii raacnay. Walaahi waa aan gariirayay waxa i haysay ciyaalnimo
oo waxan is lahaa tolow goorma ayaa ay ku odhan doontaa warqadda aad hayso i
tus. Iyo bilay isagii isku yimaadaan oo uu waydiiyaa ma aragtay warqadii tolow ma
u dhiibtaa imika? Maya ha u dhiibin ayaa aan ku adkaystay. Maalintaa markii
aannu sii wada soconay waxa aad moodaysay in gurigii kolba sii durkayo, waxaa na
aan karahsanaa maalintaas la socodkeeda. Sidii baa aan xaafadihii ku gaadhnay.
Isla markiiba waxa aan galay musqusha gurigayaga waxa aannan kala fur-furay
warqadii. Mise waxa ku sawiran wadne weyn oo dhexda ku leh falaadh iyo laba
indhood oo ooyayaa ama ay ilmo ka socoto!!! Wadnuhu waxa uu ku muunadaysnaa
midab casaan ah. Wadnaha waxa wehelinayay waxyaabo kale oo ay ka mid ahaayeen
shimbir cad oo aad loo midabeeyay oo afka ku sida warqad. Waxa kale oo warqada
ku sawirnaa ubaxyo noocyo kala duwan leh. Intaas waxa raacsanaa oo xaga dambe ee
warqada ku qornaa qoraal ku qoran qalin beensal ah waxaana lagu bilaabay “ka
timid naf wax jecel” waxa ku xigtey “ku socota naf la jecelyahay” Intaa ka dib waxaa ku qornaa hadal
codsi ah oo uu inanta leeyahay waan ku jecelahay ee maad i jeclaan? Waxa uu ku
beerlaxawsanayay inanta in uu ku dari doono guddida galaaska, macalinkana u
sheegayn haday hadasho. Wuxuu magiciisa ku xusay xaga hoose ee warqada,
waxaanuu ku qornaa qalin cas. Jab-ba waa ka dambeeyee jacayl waan maqli jiray
uun weli se ma aan samayn, waxa aan mar uun ku hamiyi jiray in aan qof jeclaado
weliba aan iyada jeclaado inta ay doonto ha igu qaadatee. Ogsoonow oo
warqadaasi waxa ay noqotay mid i dhaxal-siisay khibrad iyo hab aannan markii
hore u lahayn aqoon. Waxaa isla maalintaa i galay hami aan marwalba maanka ku
hayn jiray, waxaanna ay noqotay halkii aan wax ka bilaabi lahaa. Alxamdulilaah,
Lafle na waan u mahad-celiyay.
*****
Muddo yar kadib ayaa aan aabahay ku idhi; aabo ii soo iibi bogos[9]
kalaro ah oo aan casharada iskuulka mariyo, isaguna waayahay ayuu igu yidhi,
waana uu iisoo iibiyay isla habeenkii ba. Waxa aan qoray warqad la mid ah
warqadii, sababtoo ah waxa aan ka eeganayay naqshadda iyo sida ay u
dhigantahay. Waxa aan sawiray dhamaan wixii ku sawirnaa warqada. Waxa kale oo
aan qoray qoraalkii ku qornaa intii isaga ka waramaysay waan wada bedelay. Waxa
aan qorayay warqada lix iyo tobban maalmood, sababtuna waxay ahayd waxan qori
jiray habeenkii marka la wada seexdo. Sanqadhi haday ii baxdo waan qarin jiray
warqada oo waxan is odhan jiray waata lagu arkay. Habeenada qaarkood sida aan u
qorayo ayaa faynuusku iga dami jiray oo aan iska xarayn jiray. Ilaa intii aan
qorayay waxay ku jiri jirtay faamalaydhka guriga inta aan buug dhex geliyo, si
aan loo arag. Markii aan dhameeyay warqadii ayaa aan inantii u dhiibay. Hasoo
akhrisato mooyee ismaan lahayn waxay ku odhan doontaa maxay ku saabsan tahay. Waxa
aan is yidhi u sheeg waxa ay tahay, markaas ayaa aan ku yidhi waa warqad……………
halkaaba waan dhaafin waayay ka dibna waxay igu tidhi ii sheegdee iyada oo
dhoola cadaynaysa. Malahayga waxa aan is lahaa way fahantay waa tan qoslaysa e.
Balse waxa aan ku idhi markii aan dhaafin waayay waa warqad…, qalinka ku qor
kolba xarafka aan kuu yeedhiyo. Waayahay ayay igu tidhi. Kadibna waxa aan ku
idhi waxaad qortaa “J”, waan qoray, haddana
waxaad qortaa “A”, waan qoray, haddana
waxaad qortaa “C”, waan qoray, haddana
waxaad qortaa “A”, waan qoray, haddana
waxaad qortaa “Y”, markaas ayaa ay
aamustay, anna waxan ku idhi ma qortay, markii aan kalmadaas ku idhi ayay
inantii oohin bilawday. Waxaanay ahayd maalintii iigu naxdinta badnayd.
Muddadii ay ooyaysay waxa maskaxdayda ka dhex guuxayay su’aalo dhawr ah waxa
aan islahaa tolow ma jaceyl bay la oyday, mise………………….. dee manaad caayin ee
maxay la oyday?
………“Wax aan dado jacaylka ba,
Daayo hadaladiisa ba,
Dadka aan ka qariya ba,
Waa dacare soo bood,
Sidii daad isoo jiidh,
Dibnahayga soo dhaaf,
Hadday maqashay dunidii,
Aduun baan ku doortee,
Dambi kale miyaan falay?........”[10]
Waxa ay iigu jawaabtay iga tag, waana ay iga dhaqaaqday. Hah! Maalintaasi
waxay ahayd maalintii iskugu kaaya dambaysay muddo sannad dugsiyeed ah. Ku dhawaad
ilaa siddeed bilood ma aan wada hadal, isma aannu raacina.
*****
Maalinta khamiista oo la dareeri jiray nususaacaha ayaa ay sannado
kadib ii yeedhay. Waxay igu tidhi maxaa aad iila hadli wayday ee ku helay?
Kadib waxa aan ku idhi ma garanayo, horta ma anigaa kaa goostay mise adaa ila
hadli waayay?! Kolkaas ayaa ay qososhay kadibna igu tidhi iga raali ahaw. Ana
waayahay ayaa aan ku celiyay. Cajab!! Tolow maxaa ay kugu samaysay ee ay kaa
raali gelinaysaa ayaa aan hoosta iska idhi, kadibna kala tagnay.
*****
Iyadda oo xaalku sidaas yahay ayaa uu haddana xidhiidhkayagii
walaaltinimo ee markii hore naga dhexeeyay aan dareemayay in aannuu soo noqon,
wallow wax aanay garanayn aan la soo hadal qaaday. Balse iyadu waxay noqotay
qof xishood aan xad lahayn lagu soo rogay. Mar mar waa ay ila hadli jirtay. Wejigeeda
waxaad ka dareemaysay war-war iyo walbahaar, dadka qaarkoodna waxay odhan
jireen maxaa helay tolow. Isbadelka ku dhacay wuxuu ahaa mid dooriyay dhamaan
hab dhaqankeedii iyada oo maalin walba macalinku casharka ku canaanan jiray,
wax ay sidaas ku socotaba waxa ay ka baxday malcaamadii. Muddo yar dabadeedna
waxa ay iskaga tagtay iskuulkii. Waxa ay noqotay qof aan lagu arag guud ahaanba
agagaarka gurigooda, maan garan waxa hayay laakiin waan dareemayay in isbedel
jiro, balse waxa aan is lahaa adiga ayaa galaaftay nolosheedii loogama horayn
maalintii aad warqadda u dhiibtay. Haddii ardaydu soo hadal qaado waan nixi
jiray, waxa aan xusuusan jiray maalintii warqadda iyo ilmadii ka qubanaysay
wejigeeda.
*****
Dharaaro kadib maalin maalmaha ka mid ah ayaa macalinkii malcaamada
noo dhigi jiray i weydiiyay halka ay ku maqantahay inantii aannu isa soo raaci
jirnay. Waxa aan garan waayay waxa aan macalinka ugu jawaabo waxaannan ku idhi
macalin ma garanayo, malaha xaafada ma joogto. Macalinkii wuxuu noo diray
xaafadii ay daganayd aniga iyo dhowr hablood oo kale oo aannu malcaamada wada
dhigan jirnay. Ma diidi karayo macalinka, gurigoodana ma tegi karo. Ax maxaa
aan sameeyaa haddaba?. Waxaan soo kaxeeyay hablihii waxa aan tusay gurigii
inanta una sheegay magaca hooyadeed haddii ay albaabka ka furto iyo ayeeyadeed
Cambaro oo guriga la joogtay. Hablihii way i diideen waxaanay igu yidhaahdeen
maya ma garanayno anagu guriga idinkaa reerka is yiqaana ina keen. Waxa igu
ciirtay talo, waxa aan ku idhi inna keenna waayahaye aniga oo anfariirsan oo is
leh ma inanta aad ka oohisay ee adiga aawaddaa uga baxday waxbarashadeedii ayaa
aad gurigooda gelaysaa, ku darsoo weliba xaafadooda maan hor mari jirin wixii
ka dambeeyay maalintii aannu kala hadhnay, waxa aan ka wareega jiray xaga dambe
ee gurigooda. Waxa aan horgalay hablihii, waxa aan koray kaabadii guriga kadibna
waxa aan garaacay albaabkii, habluhuna waxa ay hoos taagan yihiin kaabada
aqalka. Ayeeyo cambaro ayaa albaabka iga furtay waxaanay markiiba igu tidhi;
Alla hooyo xageed ka dhacday, maxaad noogu iman weyday beryahaa kumaanu arage,
soo soco iyadiina way joogtaaye, way iska ladan tahay imikee. Waxay maqashay
hadalkaygii waanay soo kacday waxa ay igu tidhi soo gal walaalo. Intii aanan
gelin qolkii ay jiiftay waxa aan u sheegay in ay ardaydii malcaamada oo macalinku
usoo diray ay ila socdaan. Waxay tidhi walee, soo socda ku dheh, ayeeydeed waxa
ay iska jiifsatay qolkeedii, gurigana cid kale ma joogin, kedibna aniga ayaa
kacay oo u tagay hablihii waxaan ku yidhi soo dhaafa, waana ay soo galeen.
Cabitaan ka dib waxa ay ka sheekaysay xaalka ay ku sugnayd muddadii ay
malcaamada ka maqnayd iyo in ay xanuun la ildarnayd. Anigu inta ay sheekaynayso
waan naxsanahay, madashiina waxa ay noqotay wada hablo oo dhana waan ka yara
xishoonayaa. Ugu dambayn Waxa ay ardaydii u fartay macalinka sidaas ugu sheega
malcaamadiina waan imanayaa haddaan ladnaado ku dhaha. Waayahay iyo maca
salaama ayaa ay ardaydii ku dhaafeen. Markii aan is idhi raac ardaydii aannu
wada soconay ee aan kabaha xidhanayo ayaa ay gacanta i qabatay waxaanay igu
tidhi Alla walaal ila yar joog. Hadalba wuu iga soo bixi waayay naxdin
aawadeed, waxa aan iska saaray kab aan xidhay, waxa aannan wada galnay qolkii
ay jiiftay. Waxa ay iiga sheekaysay dhibaatadii iyo xanuunkii ay la kulantay
intii aannu kala maqnayn. Waxay iisoo saartay warqadii aan u dhiibay maalintii
waxa ay igu tidhi ma xusuusataa warqadaas. Haa si fiican. Waa ay ceshetay waxa
ay sanduuq kasoo saartay iina dhiibtay warqad kale oo iyadu ay iisoo qortay.
Waxa ay ii sheegtay in ay qortay xilli hore laakiin ay garan la’ayd si ay iigu
dhiibto iyo meel ay iigu dhiibto midna. Maanta ayaa aan jaanis kuu helay waxa
tahay qof aan mar walba niyada ku hayay, waxa tahay qofkii i baray jacaylku
wuxuu yahay, waxa aan jeclaan lahaa in aad noqoto qof i jecel, ii daacad ah,
iguna abuurto kalsooni maanta wixii ka dambeeyana waxa aan taagnaan doonnaa
garabkaaga. “Beer nugaylka uma dhalane, wax aad igu beertaa ila galay bad weynta e”.[11] Hadaladaasi
iyo hadalo kale oo aniga igu reebay mahadho ayaa ka midahaa ereyada ay igula
hadlaysay. Waxa ay ii sheekeynaysay ku dhawaad laba saacadood iyo badh, waxa ay
iga dhaadhicinaysay in jacaylkii aan maalintaa usoo bandhigay ay garatay wakhti
dambe, aqoon na aanay u lahayn markaas. Waxa ay balan qaaday imika inay diyaar
u tahay unkamka jacayl cusub iyo nolol wanaagsan oo ku salaysan xidhiidh iyo
kalsooni waarta haddii Rabbi idmo.
*****
Ugu dambayn waxaan noqonay laba qof oo wadajir ah waxa aannu noqonay
dad wadaaga dhib iyo dheef intaba, inkasta oo ay ciyaalka xaafadu nagu hayeen
aflagaado, xitaa magacaygii iyo magaceedii markii dambe lagu qoray gidaar walba
oo xaafada ku yaalay. Caruurta qudhoodu markaas ma ay lahayn la yaab oo waxa ku
cusbaa hebel iyo heblaayo ayaa is jecel. Aniguna waxaan noqday qof ka dhex
tilmaaman xaafada, ma aannu wada ciyaari jirin dhalinta aannu isku xaafadda
ahayn, waxa ay iigu yeedhi jireen magaceeda anna wa aan ka xanaaqi jiray. Hooyaday
waxa ay igu odhan jirtay hooyo inantaa ma kuu guuriyaa markaas ayaa an ku odhan
jiray haa, markaas ayaa ay i odhan jirtay haddana yara weynow waayahee hooyo. Sida
aan filayay inta aan anigu hadal haynteeda maqlayo, iyadana lagama maqnayn ee
waa la ila soo hadal qaadi jiray.
*****
Sannado kadib anaga oo ul iyo
diirkeed isku ah ayaa nasiib daro waxa aan anigu ka guuray xaafadii aannu wada
daganayn markaas. Waxa aannu degnay xaafad ka fog halkii aannu markii hore
deganayn, basaska iyo gaadiidkuna waxa ay ahaayeen qaar aad u tiro yar,
magaaladu sidan ay maanta tahay way ka duwanayd, waxa teel-teel ku ahaa
magaaladda tilifoonada guryaha la dhigto, telefoonada kale ee gacanta lagu
qaatana waxa keliya ee markaas un la keenay wadanka noocii ugu horeeyay waxaana
qaadan jiray masuuliyiinta dawladda iyo dadka shirkadaha ka shaqeeya iyadda oo
ay shicibka aad ugu yaraayeen. Siyaabo kale oo loo wada xidhiidhaanaa ma ay
jirin, weliba dhalinyarta da’da yar ee wada sheekeysanaysa. Tiknoolajiyad yaraanta
ayaa saamayn nagu yeelatay, facebook[12]
iyo wax laga wada hadlaana ma ay jirin. Waxyaabahaas oo dhan waxa ay na
dhaxalsiiyeen in aannu muddo laba sanno ah kala maqnaano, war na aannu kala
wayno anagoo weli is jecel.
*****
Ku dhawaad laba sanno iyo dheeraad waayuhu na kala kaxeeyay, maanta
waa annagan is aragnay. Waxa aannu isku aragnay suuqa weyn, waxa ay ka mid
ahayd dad usoo ambabaxay ka qaybgalka xuska munaasibad qaran oo sannad walba
maalin la xuso. Waxa aannu is fiirinaynay cabaar, anigu waxa aan is lahaa
malaha ma’aha iyadii ee waa inan u eeg, laakiin eegmo badan kadib waa aan wada
hadalnay. Waxa aan ka baxnay suuqii, waxa aannu wada raacnay bas xaafadooda u
bixi jiray. Ilaa intii aannu jidka kusii jirnay waxa ay kolba igu lahayd imika
ma adigii baa, iyada oo dhoola cadaynaysa. Aniga qudhayda waxa iga daadagi
lahayd maanta in aan wada socono iyada. Waxa aan ka dagnay baskii, waxa aannu
fadhiisanay geed hadhac ah hooskii, waxa aannu iska waraysanay intii aan kala
maqnayn oo dhan. Waxa ugu la yaab badnaa in labadayaduba aannu niyada gelinay,
mar hadaad kala maqan tihiin sannado dib iskuma arki doontaan, wallow aannaan kala samrin.
“dadkaba laba beerka iyo,
Boga iyo laabta iska jecel,
Hadday baryo kala lumaan,
Bad iyo berri kala tagaan,
Calafka lama baajiyo e,
Beri ba waa kuwaa kulmee………….”[13]
Amintu xiligan waa duhur, oo waxa markaas un la tukuday salaadkii
duhur. Qoraxdu aad bay u kululayd. Wax ay sheekadu noo socotaba waxa aan u
sheegay in wakhtigu sii durkayo, waxa ay ii qortay nambar tilifoon oo nooca loo
yaqaano laynka, oo markaa lagu wada xidhiidhi jiray, inkasta oo ay yaraayeen.
Nasiib daro ma aan haysan wax aan ku qorto, kadibna waxa aan isku soo raacnay
dukaan ka dhawaa halkii aannu taagnayn oo na siiyay warqad iyo qalin. Aniguna sidoo
kale waxa aan u qoray nambarkii xaafadayada. Baska oo inbadan la sugi jiray
ayaa ay ila sugtay, waxa aan ku kala tagnay; waa aynu soo wada hadlaynaa
walaalo, nabad gelyo imikana. Waxa aan soo raacay baska ilaa labadii duhurnimo.
Qushi, waayo wax walba waxa igala weynayd warqada uu nambarkeedu iigu qoranyahay
oo aannan jeeb ba gelin ilaa intii aan xaafadda soo gaadhayay. Ma aan qadayn
markii aan qaraacay. Hamuum baa aan u qabay, maalintii oo dhan hadal wuxuu ii
ahaa keeda. Laga bilaabo maalintaas waxa si weyn iigu sii tarmay jacaylkii aan
u qabay.
*****
Sannado kadib ma wada
socono, sababtuna waxay ahayd danta iyo duruufta markaas jirtay ayaa waxa ay
ahayd nolol aannuu haba yaraatee wax jacayl ahi ka suurto galayn. Ardaynimadda
iyo kala fogaanshaha markaas ayaa iyaguna ahaa laba isku lamaane ahaa. Aniga waxa
ay ahayd markii iigu horeysay ee aan qof jeclaado. Nasiib daro waxa dhamaatay
sheekadii, meel looga dhaqaaqo oo lagu soo af-jaraana ma ay jirin wakhtigaas. Da’da
aannu markaas ku jirnay lama odhan karayn waxa aad soo gebo-gebayn doontaa
jacaylka, micnaha waxa aad ku dhaqaaqi guur, waayo ma ay jirin hamo guur. Dheh jacayl, laakiin wuxuu ahaa mid aan
garaadaysan. Waa sababta aan ugu bixiyay jacaylkii beri samaadka.
Faah-faahin:
sheekadani ma aha
mala-awaal (fiction), laakiin waa qiso dhab ah oo aniga isoo martay, wakhtiga
aan ka sheekaynayaa waa intii u dhaxeysay 1999 kii ilaa horaantii 2004 tii.
Da’daydu waxa ay ahayd markaas toddoba (7)
sanno, iskuulka waxa aan ahaa fasalka koowaad (1), nasiib wanaag maanta waxa
aan ahay arday jaamacadeed oo sanadkii u dambeeyay ku jira. Bal qiyaas mudada u
dhaxeysay jacaylkii xiligii uulada iyo qoraal ku samayntan heerka jaamacada
imika ah?
-------------------------------------------------------------------THANK
YOU------------------------------------------------------
[1]
Cabdilaahi: macalin maadadda soomaaliga dhigi jiray
[2]
Mid ka mid ah casharada higaada ah ee lagu dhigto malcaamadaha
[3]
Alxamdu: suurada ug horeysa quraanka ee suuratu al faatixa
[4]
Cambaro: waxay ahayd inanta ayeeydeed hooyo oo guriga joogtay
[5]
Milayga: wakhtiga
[6] Hees uu qaado Abwaan C.naasir Macalin Caydiid
[7]
Xadhko-jiid: ciyaar laba kooxood iska hor imaadaan oo la kala jiidan jiray
xadhig
[8]
Lafle: magac naaneys ah oo uu lahaa kaaba galaaskii ama horjoogihii fasalku
[9]
Bogos: waa kartoonka ay ku jiraan qalimaanta iyo waxa la midka ah
[10]
Hees ay qaado fanaanada Nimco Yaasiin Caraale
[11] Tuduc
ka mid ah hees oo ay kusoo hal-qabsatay inantu
[12]
Facebook: waa dagal ama mareeg ku jirta aalada internetka oo lagu wada
xidhiidho
[13] Hees
uu qaado fanaan
No comments:
Post a Comment