Friday, March 14, 2014

Sheeko gaaban:Waayahay macalin!

 Sheeko gaaban: Waayahay macalin!
W/Qorey: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Waxaa lagu jiraa fasaxii sanad dugsiyeedka, oo ay markaas wax yari ka hadhsanayd ka soo noqoshadii fasaxa. Macalin Maxamuud oo maadada xisaabta ka dhigi jiray iskuulka ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka soo raacay bas xaafada Masalaha ee ku taala koonfurta magaaladda hargaysa, isla markii uu macalin Maxamuud soo fuulay baska, waxa uu fadhiistay oo u banaanaatay kaliya kursiyada dambe ee laba labadda iskugu samaysan, baska intiisa hore na...........

Tuesday, March 4, 2014

Maqaal: Fekradaha Dhantaalan

Fekradaha Dhantaalan
Qore: Khaalid Ismaaciil Yuusuf (Muumin)
In dhawaalahan waxa sida toggaga u burqanaya qalinka da’yarta, waxana si aan kala go’ lahayn u soo baxaya maqaalo, sheeko faneedyo iyo buug-yareyaal kala ujeedo iyo abbaar duwan. Dedaalka dhalinyarta qalinka godlay waxa ummada inteeda kale gaadhsiiya wiilal iyo hablo aan tiro yarayn oo dhiilasha u culay dambarka khadka qalinka qoraayada ugubka ah, dunidana waxa ay ku gaadhsiiyaan ilbidhiqsiyo kooban.
Farshaxannimada jiilkan maskaxda maalay ayaa..................

Sheeko:Fikirkii habeennimo!



Fikirkii habeennimo! 
W/Q: Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan (Raage)
Caawa xilli dambe ayuu soo hoyday, kadib wakhti badan oo uu albaabka garaacayey oo waliba uu shiid iyo dhagaxaan ugu daray, waxa ka furtay walaashii ka yar oo karahsan, hiifaysa, haaraamaysaa, hoosna u gunuunucaysa. Waxa uu inantii ku cannaantay in ay hore uga furi wayday. markii uu albaabka sidaa uga soo galay ayaa uu.................

Monday, March 3, 2014

Sheeko: Jacaylkii beri samaadka!


Jacaylkii beri samaadka
 Qore: Maxamed Fu'aad Xasan Dhago-Cadde
Aniga oo aad u da’ yar ayaa aan bilaabay in aan hablaha la haasaawo. Caruurta aannu isku filka nahay waxaabay ka xanaaqi jireen haddii la yidhaa yaad jeceshahay. Waxa aan dhigan jiray iskuul ku yaala degmada aannu deganayn balse aad uga fogaa xaafadayada. Aan iska yaraadee haddana waxaan ahaa wiil maaweelin fiican gaar ahaan ardayda aannu isku fasalka nahay. Waxa aan inta badan ka hor sheekayn jiray fasalka hortiisa. La yaab ma laha oo awlaadda kale kolba Sheeko xariirrada ayaa ay  jeclaysanayeen. Hal-xidhaalayaasha oo aan habaar ku qabay maalin walba ardayda mid baa aan sii weydiin jiray. Macalin Cabdilaahi[1] oo soomaaliga dhigi jiray ka soo garta xabbad nac-nac ah ayaa uu siin jiray. Aad baa ardaydu ii jeclaayeen maamul iyo macalimiina hadalkoodaba daa. Marka aan subixii iskuuulka kusii socdo iyada ayaa aan sii mari jiray. Ma garanayo wax aan ku akhriyi jiraye.................