Tuesday, November 25, 2014

Sheeko: Intii aanan ku baran ayaan bad qabay!


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)
Maanta waa tan oo inantii Ilsan waxa uu waagu ugu baryay doon-doonistiisa, docda[1], du’dada[2] iyo dhammaan kambalka[3] reerka intaba waa ay ka fiirisay, cabbaar markii ay ku daashay, ayaa ay ugu timid isaga oo ardaaga sidii qof madluunsan oo aad moodo in loo soo tebiyay war dhiilo xambaarsan kadalooba, dadku waxa ay u arkayeen millaygaa[4] in uu maskaxda ka jiran yahay, waxa se uu la walbahaarsan yahay jacayl oo jaan iyo cidhib......