Tuesday, October 7, 2014

Sheeko: Ma tahriibay?

W/Q: Sakariye Cabdixakiin Maxamed (MIIDO)
Waa fiid   aad moodo gawaadhidii magaalada in ooda laga qaaday, hadba guuxa,qiiqa iyo boodhka ay ki ciniyaan waxa ay jeeniga ku qaadayaa dadka intii lugta maalaysa ee socodka miciinsanaya. Dadku kala waayo duwane fiidkani waa fiid baas oo u soo galay wajiga ayuu dadbayaa waxa u hoosta ka caayayaa gawaadhida sida xawligaa ku dhaafaysa ee siigada iyo boodhka indhaha kaga saydhaya oo isaga...............

Wednesday, October 1, 2014

Sheeko: Hagrashada hablaheena iyo hu’ la’aanta hankeena!

 sheekaddii kaalinta Saddexaad ka gashay tartankii sheeko iyo shaahid 2014
W/Q: Nasra Cali Nuux
Waxa ay ahayd hillaadii dabayaaqadii qarnigii tagay. Waxa aanu ahayn qoys ka kooban todoba qof; saddex wiil, saddex gabdhood iyo hooyaday. Alle ha u naxariistee aabahay waxa uu dhintay anaga oo aad u yar yar maanaan lahayn adeer na kafaaalo qaada oo noo gala kaalintii aabahay. Aniga iyo dhammaan carruurtayadu waxa aanu dhigan jirnay dugsiyada ku yaal gobolka gabiley. Maanaan lahayn ilo dhaqaale oo iskuulka naga wada kaafisa dhammaantayo, xitaa kharashaadka kale iyo quutal daruuriga ayaa aad noogu adkaa.
Hooyaday waa Xaddiyo oo waxa ay aad ugu adadagtahay............

Sheeko: "Aheey!! Bal Maxaan U Xasuustay"

 sheekaddii kaalinta koowaad ka gashay tartankii sheeko iyo shaahid 2014

W/Q-  Axmed-yaasiin Rashiid Cabdi (Laba-laba).

Xatabada hore ee gurigayga oo laba qol ka kooban ayaan fadhiyey, dhinaca galbeed oo laydh qabaw yar wadataa ka soo dhacaysaan ujeeday. Gacanta waxaan ku haystay sigaar aad u gaaban oo qiiq si u dhuubani ka baxayo. Hadba mar ayaan nuugayaa, dabeed intaan gafuurka cirka u taago naqas uuro madaw wata hawada ku afuufayaa, oo aan aagga wasakhaynayaa.                                                                                                                                   
Maankayga iyo maskaxdaydaba waxaa ku soo noqnoqonaysa..........