Tuesday, December 8, 2015

Milay Lumiye!



W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Waayadii hore marka ay asxaabtu muddo badan kala raagto waa ay isku soo boholyoobi jireen oo kolka ay meel ku kulmaan, maqaaxi, gurri, goob waxbarasho ama meelo kaleba ammin badan ayaa ay wada sheekaysan jireen. Waa la wada shaahayn jiray ama la wada sharaabi jiray, waxbaa la wada cunni jiray oo kolba kii haya ayaa madasha la fadhiyo dalabka gudbin jiray; nin walibana waxa uu rabo ayaa uu diran jiray, kadibna waa la isku warami jiray oo kolba midi waxa uu hayo ka hadli jiray. Warka maalmahaa jira, wadciga iyo waayaha