U FIIRSO QORAALKAN OO WAX KU QAADO FADLAN
Soo eeg, si aad u
ogaato!
Qore: Maxamed Fu’aad Xasan
Dhagocadde
1. Soo eeg siiradii
rasuulka (scw), si aad wax uga ogaato sifaadkiisii wanaagsanaa, waxaad ka
dheeraan doontaa iimaan la’aanta iyo aduunyo jacaylka, waxaad ka dhaxli doontaa............
hab dhaqanka nolosha iyo waajibaadka saaran qofka muslinka ah.
hab dhaqanka nolosha iyo waajibaadka saaran qofka muslinka ah.
2. Soo eeg xaramka, noloshaada hal mar ama sanadkasta hal mar, si aad iskaga
soo baabiiso danbi wixii aad gashay, waxa aad ka dheeraan doontaa xumaan dambe,
waxaad ka dhaxli doontaa taqwad iyo Alle ka cabsi.
3.
Soo eeg, xabaalaha todobaad kasta
hal mar si aad u ogaato noloshu waxa ay tahay, waxaad ka dheeraan doontaa
macaasida, waxa aad ka dhaxli doontaa camal iyo cibaado suuban iyo quluubtaada
oo qoyda.
4.
Soo eeg cisbitaalada bil kasta hal
mar, si aad u ogaato waxa uu caafimaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa
dayacaada wakhtiga aad caafimaad qabto, waxa aad ka dhaxli doontaa karti iyo
firfircooni dheeraad ah iyo inaad ka faa’iidaysato wakhtiga aad caafimaad qabto.
5.
Soo eeg hal mar oo ka mid ah nolashaada jeelka ama xabsiga
si aad u ogaato qiimaha xoriyada, waxa aad ka dheeraan doontaa ku dhiirashada dunuubta
ka dhanka ah dadka kale, waxa aad ka dhaxli doontaa edaab iyo adeec.
6.
Soo eeg maktabadaha iyo xarumaha
kaydka aqoonta, si aad u ogaato qiimaha erayga qoran, waxa aad ka dheeraan
doontaa wax lagaaga sheekeeyo, waxa aad ka dhaxli doontaa cilmi iyo aqoon
korodhsi.
7.
Tijaabi nolosha guurka xalaasha
ah, si aad u ogaato raxmada iyo naxariista uu Illaahay Quraanka inoogu sheegay
ee nolosha lamaanaha, waxa aad ka dheeraan doontaa sinada, waxa aad ka dhaxli
doontaa ubad iyo arsaaq waasac ah.
8.
Soo eeg iskuulada iyo madarasadaha
si aad u ogaato qiimaha waxbarashada u leedahay bulshada, waxa aad ka dheeraan
doontaa jahliga, waxa aad ka dhaxli doontaa fahan iyo mustaqbal fiican.
9.
Soo eeg macalimiinta iyo goobaha
ciyaalka wax loogu dhigo maalin kasta hal mar si aad u ogaato waxa uu dul
qaadku yahay, waxa aad ka dheeraan doontaa dabeecad xumaanta, waxa aad ka
dhaxli doontaa khibrad iyo dad kala duwan la dhaqanka ama la noolaanshaha.
10.
Soo eeg goobaha ka baxsan magaalooyinka (miyiga) si aad u
ogaato halkii aynu ka nimid waxa aad ka dheeraan doontaa ka maagida iyo in aad
ka faanto hidahaagii soo jireenka ahaa, waxa aad ka dhaxli doontaa hal-adayg
iyo ku hirasho milgahii dhaqankeena iyo dhab ahaan waxa ay ku tiirsan tahay
nolosheenu.
Wabilaahi tawfiiq.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan
Dhago-cadde
Arday, kulliyada sharciga
jaamacada hargeysa, iyo
Kuliyadda maamulka iyo
horumarinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda (CSI).
Xubin ka tirsan Bahda
Hal-abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)
ama
booqo
Mareegta:
Www.bar-qoraal.blogspot.com
Tell:
063-4470220
No comments:
Post a Comment