Sunday, August 24, 2014

SHEEKO: Cidd ma leh!

fadumo 666

W/Q: Fadumo Bintu Adan Buuni

Magacoodda cidi ma taqaan. Ciddna ma yaqaanaan. Hoy ma leh. Mana haystaan meel ay u hoydaan ooy hurddo ka dayaan. Kulaylka Cadceeddu ma damaqdo, Mana diiriso. Halkay ugu dhacdo ayey hadana ugu soo baxdaa. Da’ ahaan Da’o badan bay iskugu jiraan. Ma yaqaanaan ciddladda. Se way ku Caano maalaan. inta badan lagama waayo dayrarka Meheraddaha iyo Dooxyadda Magaalooyinka. Qaarkood duruuf iyo darxumaa u gaysay daganaanshaha  meelahaas,  qaarna dar kalaa la daggan Adduunyo kale oo inoo muuqana way joogaan Aakhirana may tagin .
Dushooda diif iyo.....
darxumaa ka muuqata dockastaana way dalooshaa. Ma dareemaan Daalka se way daaf wareegaan. Huggoodda dushoodda saaran indhahaaga ku hayn kari maysid. Markaaba waxaad odhanaysaa alla yaa ka saara.
Cuntadoodu waa hambadda hudheeladda hadayba helaan.
Markaasaa sida Xawaanka wax loogu tuuraa oo ay dhulka ka soo qaataan baqasho laga baqayo qaarkood . Naxariis kama Helaan Dadka qaarkood iyo niyad wanaagsan oo naruuro leh, kamana naawilaan  habo yaraatee, Magacyo qalafsan oo qaydhin  baa loogu yeedhaa qadarintooduba ha danbaysee, Lama qasaarin lagamana quusan, se waa qaddar Alle oo Ilaahay u qoray qaarna iyagaa halkaa is dhigay oo is baylihiyey, isna bahdilay. Qaar kalana dantaa badday oo bartaa dhigtay.
Qaarkood  markay iskugu yimaadaan meelahay  Howga ka daydaan way is dillaan. waliba is tumaan, iskumana tudhaan dhafoor kastana way is jabiyaan, hadbana kolba kii roon baa reerka u hadha. Way is dhaawacaan. dhakhtarna mararka qaar ma helaan. Hadana nolosha ay ku jiraan way u dhabar adaygaan.
Markay dadku  wada faraxsan yihiin iyaga waa u muruggadoodda, waayo dadku  lama wadaagaan iyaga Farxadda. Ma helaan dad ay la caweeyaan. lana ciyaaraan. oo  hadana  la sacabo tumtaan , si ay naftooda uga bad-baadiyaan gaajo iyo haraadd mararka qaarna horseeda dhimasho, waxay ku kacaan ficilo aan la fili Karin marnaba Foolkaaga ku soo dhacayn, wayse ku qasban yihiin sidaa. Sababtoo ah noloshoodaa ku xidhan kumase saxsana. Waa la iska wayneeyaa. loomana haysto qaar Cudurkan haya ee sidan u curyaamiyey laga carbiyeyn karo lagana caawin karo, waaba se lagu  caayaa.Looma haysto dad maskax leh.  muruqna u dheer yahay. looma gargaaro. lamana garabasado.
Maxaa inoogu wacan sidan. maxaynu galabsanay. Ma Waalidkeen iyo wakhtigaa  sidan inoo galay, mise inaggaa  aafo afaysan oo  faralaga qaada noqonay oo la inoo taag hali waayay.  Goormaynu halkan nimi. Maxaase ina keenay. Yaa ina dhalay. Waa ayo se ciddeenu.  maxaa boggeena madhiyey. Hadana maxay busaaraddu inoogu dheer tahay.  Oo hadana maxaa Beerkeena buuxiyey ee hawada beentee sumaysan ka buuxiyey.Maxaynu u baqanaa. Hadana  bahaladu I noo weeraraan oo Wadnuhu buggtaa inoo hayaa.
Maxaa la inoo budeeyaa ee hadana la inoo bidhaansadaa. Maxaa la inoo dillaa. hadana la inoo dulleeyaa. Maxaynu wax u taransan waynay. ee aynu hadana la tiiraayeysanahay, Maxaynu la tukubaynaa ee aynu hadana la taag daran nahay. Maxaa wax la inoogu tari waayey,Hadana la inoo taakulayn waayey, Maxaynu dadka uga liidanaa.Hadana uga libidh san nahay. Maxaa la inoogu turxaami waayey. Hadana la inoo talo siin waayey. Maxaynu dadka ugu soocan nahay ee gooni socodka inaga dhigay. maxaynu qayrkeen u gaadhi waynay  ee hadana la qasaarnay.  Maxaynu se u quusanay.Maxaa se  joog iyo jiif inoo diiday  ee sidan inoo jideeyey. Maxaa  se sidan inoo galay hadana u silloonahay.
Waa waydiimaha ugu badan  ee ay is waydiiyaan inta miyirka qabtaa waxna kala garanaysa,  Cidd se ma leh.  uga war celisa Waydiimahooda  oo u Waranta.

W.Q :Fadumo Bintu Adan  Buuni

No comments:

Post a Comment