W/Q: Maxamed
Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)
Maanta waa tan oo inantii Ilsan waxa uu waagu ugu baryay
doon-doonistiisa, docda[1],
du’dada[2]
iyo dhammaan kambalka[3]
reerka intaba waa ay ka fiirisay, cabbaar markii ay ku daashay, ayaa ay ugu
timid isaga oo ardaaga sidii qof madluunsan oo aad moodo in loo soo tebiyay war
dhiilo xambaarsan kadalooba, dadku waxa ay u arkayeen millaygaa[4]
in uu maskaxda ka jiran yahay, waxa se uu la walbahaarsan yahay jacayl oo jaan
iyo cidhib......
meel uu u jarmaado ayaa uu garan la’yahay. Cajab! Milicsi badan dabadeed
ayaa ay Ilsan[5]
oo u qaadan la’a meeshan uu joogo Sugulle[6]
la hadashay oo waydiisay waxa ku dhacay. Sugulle oo aad moodo markaas in aanuu
waa sani u baryin ayaa ay ugu darsantay naxdin ka dhalatay kulanka kediska ah
ee qofkii uu waayo ku talamayay kana fikirayay , jawaab degdeg ah oo aanuu u
kasin isla markaana aanuu hubin run ahaanteeda ayaa uu ku yidhi “Haa, maya
walaal waxba ima helin”. Ilsan oo durbadiiba si dhaw u akhriday dareenka isku
dhafan iyo xaalka murugsan ee sugulle ayaa ugu hal celisay “haye waxa aan kuu
rajaynayaa maalin san”. Intaa markii ay ku tidhi ayaa ay jaanta ka rogtay oo ay
ku fooftay dano markaas qabyo ka ahaa oo ay hiyiga ku haysay dhamaystirkooda.
******
Sugulle
iyo Ilsan waxa ay ahaayeen barbaar deegaan wadaag ah oo aad isku fahmay, isla
markaana soo wada taabtay nolosha labadeeda dacal ee dhibta iyo dheefta. Waxa
ay inta badan ku wada haasaawi jireen erayo nuxur iyo nur-khayr ba leh, oo
aanay ka madhnayn daacadnimo.
Reerka
uu ka dhashay sugule waxa uu ahaa qoys dan yar ah, Ilsan se reerkoodu waa uu ka
duwanaa xaalka reerka sugulle oo jeeb ahaan waa ay dhaameen, dhaqaale fiicana
waa ay haysteen.
******
Dhawr
sanno kadib, waxa ay la kulmeen dagaalo sokeeye, waxaanna ay reerihii ka qaxeen
deegaankii ay ku wada noolaayeen, waxa ay u boqooleen dhankaa iyo tuulo ku
taalay galbeed. Dhammaan dadku mid xoolo lahaa iyo mid aan waxba haysan waa ay
ka sinaayeen qaxa iyo dhibaatadda qaxoontinimada, waxa ay wada gali jireen
safaf dhaadheer, iyaga oo sita warqadahoodii qaxoontiga oo ay ku qaadan jireen
waxogaa cunto ah si ay dharaaro u quutaan. Ilsan iyo Sugulle markan iskuma
hayaan wakhti firaaqo ah oo la mid ah kii ay haysteen markii ay ku noolaayeen
magaaladda, mid walba dushiisa waxa ka muuqata darayo, la yaab se ma laha oo
duruufta ayaa sidaas baday, jacaylkii ay isku qabeen se waxa uu ku sii nagi
yahay halkiisii waayo hore ayaa loo yidhi:
“Ma dawoobo caashaqu,
Iska daana kuma tago,
Dareenkaaga kama go’o…...”[7]
Wax
waliba waxa ay u dhici jireen si ka gedisan sida ay doonayaan, walow samirku u
ahaa udub dhexaadka jacaylkooda. Qaxoontinimada ka sokow waxa ay ka soo gudbeen
dhibaatooyin aad u badan oo kaga imanayay xaga asxaabtooda gaar ahaan inanta oo
ay saaxiibadeed kula talin jireen in ay iskaga hadho inankan aan waxba haysan,
weliba ka dhashay qoyska dan yarta ah, maadaama oo ay iyadu ka dhalatay qoys
hanti iyo raasamaal ba leh, guursatana wiil u qalma oo ay isku heer yihiin,
sumcad iyo maamuus na ku dhex leh bulshada. Waxa ay ka daashay kaftan ay
halhays ka dhigan jireen marka ay la kullmaan iyada oo ahaa:
“….Maxaa naga galay danyare,
Haddaanu duunyaba lahayn,
Miyuu dadka naga xigaa,
Dardaaran haduu ka rabo,
Jaceyl doqonuu hayaa,
Candhuuftaada dib u liqoo,
Ku diidaye soco ku dhaha…..”[8]
Ilsan oo
ahayd sarriig[9],
karti iyo dhabeelnimo Illaahay iskugu daray ayaa iyadu aan waxba kasoo qaadi
jirin hadalada ay kula talinayaan asxaabteedu. Taasi oo markii dambe isku
bedeshay cay iyo in ay ku tilmaamaan qof waalan oo la sixray. La yaab se may
lahayn oo waxa ay u haysteen in jaceylka iyo saboolnimadu ay yihiin kuwo kala
caaggan oo haba yaraatee aanuu wax xidhiidh ahi dhex mari Karin. Aflegaadada ay
ku hayeen saaxiibadeed waxa ay markii dambe wada gaadhay deegaankii ay ku
noolaayeen, iyada oo xitaa u gudubtay gurigoodii.
Si kasta
oo uu xaalku ugu xumaado Ilsan, haddana waxa ka go’nayd in ay lasii socoto Sugulle.
Waxa ay niyadda ugu dhisi jirtay in ay mar walba garabkiisa taagan tahay oo
aanay ku nacayn dhegxumada lagu hayo, iyo in ay mar walba raali kaga tahay
nolosha uu ku nool yahay, hore na ay ugu qanacsanayd in ay la wadaagto duruufta
uu ku sugan yahay. Waxa kale oo ay xusuusin jirtay in ay aduunyaddu gelin ba
cayn tahay, oo uu Illaahay qofka uu doono wax siin karo, ka uu doonana ka qaadi
karo; “haynta iyo maalkuna hiddo dhaxal ah maahee hadhwareega weeyoo la helaa
la waayaa”[10]
ayaa ay ku guubaabin jirtay. Waxa kale oo ay ku boorin jirtay in uu samir iyo
dulqaad la yimaado, maankiisana ka saaro werwerka iyo fikirka ka dhex hugmaya. Ereyadaasi
waxa ay ahaayeen qaar Sugulle ku abuuray hami iyo nolol cusub oo soo nooleysay
naruuro uu in badan tebeyay qalbigiisu, waxa irmaanaatey rajadiisii gudhnayd, in
uu mar uun guulle lagama waayee heli doono waxa uu rabo ayaa uu isugu niyad
qaboojiyay.
******
Afar
sanno oo ay ku jireen marxaladii qaxoontinimada kadib waxa ay ku soo guryo
noqdeen Hargeysa iyo hoygii ay ku ababeen. Magaaladu imika gebi ahaanba waxa ay
ka duwan tahay tii ay hore bilicda ugaga tageen, wax waliba waa ay is
dhalan-rogeen, oo deegaankan cusubi waxa uu u muuqdaa mid aan haba yaraatee wax
nolol ahi ka suurto gelayn. Dugaaga iyo duqeyntii madaafiicda ayaa magaalada u
dhalan-gediyay carro kale oo ay adagtahay in uu garto qofkii ka tagay. Waase
qoys kasta iyo halka uu kaga foofo raadcaynta nolol cusub iyo yagleelida[11]
qormooyinkii[12]
uu dagi lahaa.
******
Ilsan
iyo Sugulle xidhiidhkooda hada waxa uu la kowsaday noloshii bilawga ahayd ee
magaalada, Waxaana ay galeen iskuul. Muddo badan ayaa ay kuwada socdeen si
fiican, waxa ay noqdeen sidii carrab iyo labadiisii daan. Waxa dhiig cusub ku
shubay jacaylkii dhexdooda yaalay dhabar adaygii ay u muujisay Ilsan iyo talooyinkii
ay siin jirtay isaga. Waxa niyadiisa kusoo noqnoqon jirtay hees uu ku luuqeeyo
fanaanka Lafoole[13],
taas oo tidhaa:
“…..Nuurkii
indhaha iyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyay
Calaf in ay u noqotaay
Ku nagaatay labtoo
Nudayaasha beerkiyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyay
Calaf in ay u noqotaay
Ku nagaatay labtoo
Nudayaasha beerkiyo
Wadnahaad ku
nabantee
Naruuradii jacayl kee
Sharka laga nasahayeey
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Ilsan kuugu nugulahay
Niyadeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay…..”[14]
Naruuradii jacayl kee
Sharka laga nasahayeey
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Ilsan kuugu nugulahay
Niyadeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay…..”[14]
******
Maalin maalmaha
ka mid ah ayaa ay iyada oo ka timid iskuulka, soo gashay gurigoodii, isla
markii ay ka soo gashay afaafka hore ee aqalka ayaa ay maqashay aabaheed oo la
hadlaya hooyadeed. Waxa ay u dhag-raaricisay hadaladii ay is waydaarsanayeen
waalidkeed. Waxa ay maqashay aabaheed oo leh inanta waxa aan siinayaa nin lacag
leh oo u qalma, kanna yimid dibada, hooyadeed na ay ku leedahay waayahay ee
xaaji ma ku yeelaysaa horta, bal weydii marka ay timaado, aabaheed na uu ku leeyahay
waa ay yeelaysaa oo ma diidi karto, ee naa adigu waxaas dhegta ha ugu ridin
inanta yar.
Inantii
oo ka naxsan hadalkan kasoo yeedhay aabaheed ayaa soo gashay qolkii ay wada
fadhiyeen waalidkeed waa ay salaantay, kedib aabaheed ayaa ku yidhi “Aabo Ilsan
halkan agtayda soo fadhiiso maanta waxa aan kuu hayaa war farxad leh e’ ”. Waa
ay soo fadhiisatay iyada oo aan ka dhoohanayn warka uu aabaheed ugu baaqayo,
waxa ay iska dhigaysaa qof aan waxba ogeyn. Iyada oo wejigeedu badalan yahay
ayaa ay ku tidhi “Hee aabo maxaa aad ii haysaa maanta”. Aabaheed oo
dhoola-cadaynaya ayaa u sheegay inantiisii in uu doonayo in uu u guuriyo nin
lacag leh oo ka yimid qurbaha, una balan qaaday in uu siin doono marka uu yimaado
sannad kadib. Ilsan ayaa cabaar aamustay iyada oo uu aabaheed ka dareemayo in
aannay raali ka ahayn kuna qanacsanayn hadalka uu u sheegay ayaa waxa uu ku
celiyay haye aabo saw caadi maaha maxaad la aamustay. Maya aabo! Waxa ku
jawaabtay inantii oo cod daciif ah ku tidhi. Aabaheed oo ka xanaaqay diidmada
ay inantiisu kala hor timid ayaa ku yidhi maxaad ku diidaysaa guurka “Inani waa guur u jog aabo e’ .” Inantii
ayaa u sheegtay aabaheed in ay wiil wada sheekaysanayeen muddo ku dhaw toban
sanno. Cajab! Aabo waxaasi wax kaa soconaya maaha’e waayo wiilkaasi, halkuu
degan yahay, maxaa uu se ka shaqeeyaa, waxa yidhi aabaheed.
Inantii
Ilsan oo garan la’ wax ay kaga jawaabto su’aalahaas aabaheed isku daba dhigay,
ogna in haddii ay u sheegto cida uu yahay wiilku iyo halka uu degan yahay uu
aabaheed aqoonsan doono isaga, maadaama oo uu berri hore aabaheed kula taliyay
in ay ka hadho wiilkan. Mar labaad ayaa uu aabaheed ku celiyay inantiisii
dhakhso ii sheeg waayo dee. Aabo waa wiil ku nool xaafadahan inaga koreeya ee
Takaari[15],
waana wiil……………………, iyada oo aan hadalkii dhamayn ayaa uu aabaheed gartay
wiilka ay sheegayso, waxaana uu ku yidhi ma kii aan kaala taliyay ee aan ku
yidhi kuguma arki karaa? Haa aabo waxa aan u wada soconay sidii. Aabaheed ayaa
canaantay, hadalna ugu soo koobay in ay sida uu rabo maanka gashato.
******
Ilsan oo
ka murugaysan go’aankii aabaheed uu ka gaadhay, ayaa u baxsatay inankii maadaama
oo loo diidi jiray in ay baxdo lana ilaalin jiray. Isla markii ay gurigii
Sugulle soo gaadhay waxa ka il horeeyay isaga waana uu iska qariyay, sababta oo
ah ma uu jeclayn in ay guriga ugu timaado. Waxa ay waxogaa ugu yeedhay
magaciisii mase u muuqanayo, waxa ay dib ugu laabatay wadiiqadii[16]
aqalkooda, isaguna waxa uu ka wareegay halka dambe, kadib waxa uu u istaagay
marinkii ay soo maraysay marka ay soo noqoto. waxa uu hoos fadhiistay geed
qudhac ah oo ku yaalay waddada dhinaceeda. Waa tan oo gacanta ayaa ay dhabanada
ku haysaa, waxa ay ka xun tahay in ay arki waydo, waxa ay iskula hadlaysaa;
“tollow xaguu qabtay iyo……….”
Ilsan,
Ilsan, ……waxa ugu yeedhay Sugulle oo isagu arkayay ilaa markii ay qolqolka
aqalka taagnayd ilaa intii ay soo socotay. Waxa ay jaleecday dhankeeda midig,
waxa ay aragtay isaga oo fadhiya. Waxa ka go’day falaadh, oo maalmo badan
maanta ayaa u arag ah. Waa ay kusoo dhaqaaqday oo ay la fadhiisatay halkii uu
fadhiyay, waxa ay u sheegtay in ay rabto in ay kala hadasho arrin kusoo korodhay.
Illaahayow
nin aan waxba ogayn ha cadaabin! Ka hor intii aannay sheekadii u bilaabin waxa
wajigeedii ku dhacay gadoon[17],
waxa uu ka dheehanayaa in aannay faraxsanayn, wax dhacay se waxba kama oga.
Waxa ay bilawday oohin, waxa indhaheedii kasoo burqamay ilmo, waxa ay garan
la’dahay si ay ugu sheegto, iyo haddii ay u sheegto sida uu noqon doono. Waxa ay
qabsatay labadiisa garab iyada oo aad u anfariirsan. In muddo ah oo ay iyadu
marxaladaa ku sugnayd, isaga waxa lasoo deristay tiiraanyo oo waxa uu
isweydiinayaa waxa ku dhacay gacalisadiisa, waxa se uu maankiisu siiyay in ay
geeri ku dhacday oo ciddi ka dhimatay reerkooda, kadibna ay u sheegi kari
la’dahay. Cajiib! Cabaar murugo iyo calaacal la wada qaatay ayaa ay inantii oo
ku sugan marxalad geeridu dhaanto ku tidhi inankii “Walaal Sugulle wax kale ma
jiraan ee aabahay ayaa igu yidhi nin ayaa aan ku siinayaa sannad kadib”.
Ismooganaan ayaa uu fadhiga uga kacay, Yaah! Kadib ayaa ay hadana ugu celisay
intii ay markii hore ku tidhi. Haye
kadibna! Waxa ku yidhi Sugulle. Dee walaal wax aan sameeyo ma garanayo waxa
kaliya ee aan ku talin lahaa si aynu isku calfano inagu in aad i soo doonto
inta ka horaysa inta uu imanayo ninka uu aabahay sheegayaa. Sidaas waxa soo
jeedisay Ilsan. Haye ayaa uu ugu jawaab celiyay isaga oo aan arrin iyo adduun
toona isla hayn.
******
Adduun
waa marba nooc, waa sida geedka hadhkiisa, oo waa gelinba meelo u jeed eh,
Sugulle waxa uu shaqo ka helay dawladda. Waxa loo qoray mushahar joogto ah oo
ku filan xilligaas, qayb waxa uu siin jiray xaafadooda inta kalena waxa uu
dhigan jiray tukaan ku dhawaa aqalkooda. Wakhtigan xaadirka ah waa uu u baahnaa
shaqadan oo aad ayaa uu ugu farxay, sababta oo ah Ilsan ayaa ay balan kuwada
galeen in uu ka soo horeeyo muddada ninka aabaheed u balan qaaday ee uu
imanaayo waddanka.
Sanaddo
badan kadib, markii uu Sugulle u shaqaynayay dawladda ayaa uu reerkoodii ka
saaray marxaladii ay ku sugnaayeen wakhtigaas, una dhisay aqal wanaagsan oo ay
ku noolaadaan qoyskoodu, inkasta oo markii uu shaqaynayay kow iyo tobban bilood
shaqaddii laga eryay oo ay dawlad cusubi qabsatay wadanka. Si kastaba ha
ahaatee hadana Sugulle waxa uu urursaday xaddi lacag ah oo uu sii isticmaali
karo sannado dambe. Walow muddadii inanta aabaheed balanqaaday in uu nin ku
dari doono ay soo saaran tahay kaabiga oo culays weyn ku haysay isaga.
******
Sugulle
ayaa damcay in uu lacagtii ugu soo geed-fadhiisto[18]
Ilsan oo ay dhawr sanno sheeko wadaag ahaayeen, Samir iyo kalsoonina ku wada noolaayeen.
Odaygii inanta dhalay ayaa se u sheegay in aanuu inantiisa siinayn, sababta oo
ah waxa waydiistay wiil uu adeer u yahay oo ku nool carriga Maraykanka.
Hadalkan uu kala kulmay odayga ayaa laf dhuun gashay ku noqday hamigii iyo
riyadiisii ahayd in uu mar uun gogol iyo gasiin[19]
la wadaago Ilsan oo ay aad isku jeclaayeen. Ma ilaawi karo, maskaxdiisana kama
saari karo oo waxa ay ahayd sidii qayb ka mid ah jidhkiisa oo kale. Wax uu
sameeyo ayaa uu garan la’yahay oo waxa ku ciirtay talo, ugu dambayna waxa uu
noqday qof la nool fikir iyo walbahaar isaga oo ka shakisan una haystay in
Ilsan ay raali ka tahay go’aankan aabaheed gaadhay. Ma oga laakiin nasiib
wanaag Ilsan waa ay diiday in loo guuriyo ninkii uu aabaheed u balan qaaday,
waxaanna ay u nuglaatay jacayl oo waxa ay noqotay qof la nool werwer, in muddo
ahna il iyo baar ma ay saarin Sugulle oo ay u heelanayd.
******
Sugulle
waxa uu go’aansaday in uu ka suudalo[20]
waddanka, waxaana uu u sadcaalay dhankaa iyo yurub. Isla markiiba waxa uu cagta
saaray dhabadaa itoobiya, kuma negaanayn ee kolba dal ayaa uu doonayay in uu
iskaga gudbo. Adduun lacageed waxa uu sitaa waxogaagii lacagta ahayd ee inanta
loogu diiday, sahay kale oo uu safrada ka isticmaalo waxa uu watay roodhi uu
kasii qaatay dalkiisa iyo caagad yar oo biyo ugu jiraan. Dhibta tahriibtu waxa
ay ahayd mid aanuu ka dhoohanayn balse uu u badheedhay oo uu ka doorbiday
bay’adiisii ba’ iyo balanbal wixii uu la kulmaba. Intii ay wadada sii hayeen
waxa uu weheshanayay koox dhalinyar ah oo ay iska raaceen itoobiya, oo iyaga
laftoodu saluug iyo silic ku tilmaamay noloshii ay kasoo dhalandhooleen ee ay
kaga yimaadeen gayigoodii.
Sugule
waxa uu ku dhacay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, waana uu miyir-beelay,
dhalintii la socotay ayaa u qaaday dhakhtar ku yaala suudaan. Waxa laga helay
dhiig yaraan loo malaynayo in ay sabab u ahayd arrinkii soo qabsaday. Maalmo
tirsan oo uu ku jiray cusbitaalka waxa maankiisa kusoo noqnoqonaysay mahadhadii
murugada ku reebtay oo ahayd ta kobtaa dhigtay, kana soo kaxaysay dhulkiisii
hooyo. Saaxiibadiisii la socday waa ay ka tageen oo waxa ay sii wateen
socodkoodii. Dhakhtarkii cusbitaalka oo amar ka haystay waaxda socdaalka ee
dalkaas ayaa u sheegay sugulle in lagu celinayo halkii uu kasoo kicitimay, ma
uu jeclayn se in uu markaas ku noqdo magaaladii uu ka yimid beryo kahor,
sababta oo ah talaabadii uu kaga yimid dalkiisa waxa ay ahayd mid ku munaasib
ah markaas, waxa uu lahaa ujeedo, waxa uu rabay in uu mar uun dhaayaha saaro
yurub, noqdana nin qurbe-joog ah. Ujeedada uu go’aankaa u qaatay waxa ay ahayd
markii uu arkay qadarinta iyo mansabka uu bulshada ku dhex leeyahay qofka
dibada ka yimaadaa, iyo gacalisadiisii oo loo balan qaaday nin dibbad joog ah,
oo aan loo eegin ab, isir, dhaqan, iyo dabeecad wanaagsan toona. “Insha allah
waan hubaa in aan mar uun tagi doono qurbaha, oo aan ka magac sareyn doono
dadka qolqol jooga ah ee aan kaga imid wadanka”, ereyadaas waxa iskula
shawrayay sugulle.
******
Ayaamo
dabadeed waxa uu ka baxsaday dhakhtarkii, waxaana uu goor fiid ah u dhaqaaqay
dhinaca Liibiya[21]
iyo saxarihii weligiiba maqalka ku ahaa. Wakhtigan waa kaligii , waxba kama
baqayo oo waxa uu noqday qof adag, ku dhacna leh. Intii uu ku dhex jiray
saxaraha waxa uu ka war helay dhawaaq rasaas oo dhankiisa galbeed ka dhacaysa,
waa saxare sanqadha ka baxaysa meel dheer ayaa si sahal ah loo maqlaaye, waxa
uu bidhaan ka arkay siigo iyo boodh ka kacaya halkii xabbadu ka dhacaysay, waa
se uu arkayaa in aan baxsad u oolin, oo lagu soo wajahan yahay isaga, meeshuna
geed iyo kurtin la isku gudbo midna ma leh. Waxa uu ku celcelinayaa ashahaada,
Ashahadu an laa Illaaha ila Laah, wa ashahadu ana Muxamedu rasuulu Laah. Imika
waxa uu ka quustay naftiisii oo isma laha waad badbaadi, waa lagu dilli mooyee.
Nasiib wanaag
waxa ay u kaxeeyeen kayn xidh ah oo ku taalay dalka liibiya. Meesha waxa ku
sugnaa kooxo dhawr ah oo ka mid ah budhcada, waxa ay waardiye ka hayaan dad
badan oo ay ku hortaagan yihiin qoryo. Isla markii uu soo galay goobta waxa uu
isha qac ku siiyay saaxiibadiisii kaga yimid Suudaan oo ka mid ah dadkan lasoo
qafaashay. Nimanka uu gacanta ugu jiraa waxa kaliya ee ay ka doonayeen lacag,
waxaana ay u dhiibeen tilifoono si ay dalab lacageed oo madaxfurasho ah ugu
dirtaan qoysaskoodii. Sugulle xaafadoodu may lahayn tilifoon, xitaa cid uu kala
hadlo ma garanayo, nimanka haystaana ma sii daynayaan ilaa inta ay helayaan
lacagta ay ka dalbadeen, oo aan wax laga dhimayaa jirin. Isaga oo ku xidhnaa
halkaas muddo saddex bilood ah ayaa uu si kadis ah u arkay wiil ay isku xaafad
ahaayeen oo uu garanayay, kadib waa uu u yeedhay waxaana uu weydiiyay in uu u
sheego tilifoonka xaafadooda, si ay ugu yeedhaan cid ka tirsan minankooda oo ay
daris ahaayeen. Inankii waa uu ka aqbalay markii uu tilifooniyay xaafadoodii
ayaa uu ugu sheegay in ay cid ka tirsan xaafada sugulle ugu yeedhaan. Waxa loogu
yeedhay hooyadii. Hello, hooyo markii uu ku yidhi ayaa ay qabsatay oohin, ileen
waa hooyo e’ waxa ay la ooyaysay war la’aanta ka haysay inakeeda iyo marxalada
uu ku sugan yahay oo ay ugu dambaysay maalintii uu kasoo ambabaxay waddankiisa.
Waxyar kadib waxa uu u sheegay hooyadii in lagu haysto Liibiya oo laga doonayo
lacagta xadigaa leh. Hooyadii oo ilin ka qubanayso wejigeeda ayaa u balan
qaaday in ay usoo diri doonto lacagtaas meel ay ka keentaba. “Xoolo dirqi lama waayo” ayaa
soomaalidu tidhaahdaaye, hooyadii ayaa maalinkii ku xigayba u dirtay dhamaan
lacagtii oo ay kasoo amaahatay nin ay iyada ilmo adeer isku ahaayeen. Nimankii
haystay ayaa sii daayay markii ay soo gaadhay lacagtii ay ka rabeen.
******
Imika
waxa uu joogaa caasimad ku xigeenka Liibiya oo la yidhaa Banqaasi, wax lacag ah
hadda waxa uu sitaa inyar oo dulsaar uu ka dhigtay markii uu hooyadii lacagta
ka dalbanayay. Cajiib! Isaga ayaaba caqli badnaaye waxa uu maanka ku hayay in
aanuu helayn lacag dambe wixii imika ka dambeeya kadibna waxa uu israacsaday
dalabka lacagta mar keliya.
Caawa
waxa uu rabaa in uu soo eego meesha doonyaha laga raaco si uu u soo ogaado
xaddiga lacagta ay qofka ku qaaddo. Waxa uu la kulmay mukhalaskii doonida oo u
sheegay qiimaha lacagta la bixiyo iyo xilliga ay baxayso doonida u horeysaa.
Sugulle waxa uu go’aansaday in uu raaco doonida u horeysa oo shaaximanaysa
caawa, waxaana uu bixiyay lacagtii.
Markii
la gaadhay wakhtigii ay doonidu baxaysay ayaa uu u dhaqaaqay bartii ay ka
baxaysay, nasiib xumo waxa uu arkay askar gaaf wareegaysa xeeliga bada, inkasta
oo ay ka il horeeyeen iyagu. Waxa uu isku dayay in uu ka baxsado, misena uma ay
suurto gelin oo waxaaba uu u kacay dhinicii saldhiga, markiibana waa la qabtay
oo waxa loo taxaabay xabsiga. Ciilka iyo caloolyawga markan haysta waxa kaga
daran waxogaagii lacagta ahayd ee uu haystay oo uu sii siiyay mukhalaskii
doonida kiraynayay.
Waxa uu
jeelkii ku jiray ilaa toddoba bilood, intii uu xidhnaa war kamuu helin
reerkoodii, wax walba waxa kaga daran imika busaarada haysata ee xitaa uu
la’yahay wax uu wax ku cunno. Dantu waxa ay ku bartaa wax aannad hore u
aqoonine waxa uu ka shaqayn jiray dhismaha, inkasta oo xilliga ay shaqadu
dhamaato ee lacagta la siinayo shaqaalaha la weydiin jiray aqoonsi si loo siiyo
lacagtii uu ku shaqaynayay. Meeshu maaha dal uu dammiin iyo cid kale toona ka
garanayo ee waxa ay dantu ku kalifi jirtay in uu iska qaato waxyar oo cashada
habeenkaas ugu filan oo Illaahay looga yaabi jiray.
******
Sugulle,
duruufta qalafsan iyo saxariirta[22]
aan qiyaasta lahayn ee ay baday nolosha suudalka[23]
ah iyo arrinta Ilsan oo uu rabo in uu meel iskaga tiiriyo ayaa qalbigiisa ku
hirdamaya, ta danbe ayaana uu rabaa in ay guuleysato, balse goorma, sidee iyo
halkee ayaa kaga gudban sansaanta[24]
naruuro ee u bidhaamaysa. Tab iyo xeellad kasta ayaa uu u maraa bal in mar uun
uu ka xuub-siibto Liibiya iyo doonyaheeda, haddana turaanturo aanuu filayn ayaa
boqnaha qabata.
“….Allahayow dal ma aqaan, Allahayow dad ma aqaan, nin uu daad
sitaan ahay, dawga ha iiga raaridin……..”[25] Ayaa uu xaalkiisu kusoo
ururay.
Cataabida[26]
iyo cabashadu waa camalo shaydaan, waa calaamadaha liidashada iyo ducfiga[27],
waa tilmaamo ka dhan ah kana fog kartida,raganimada, calool adayga iyo
adkaysiga ee waayahaaga laabta ku hayso oo inaba yaan cidi wajigaaga ka
akhrisan waxa ay ku badeen Ilsan iyo Liibiya ayaa ah wehelka uu maankiisa kula
shawro.
******
Maalin
waliba warkeed iyo waayaheed leh e’ Sugulle iyo saaxiibadiisii tahriibka waxa
mar qudha usoo dhacay war dhab-nimadiisa iyo sida ay wax uga jiraan ba ay
hubsan kari waayeen, war ku noqday farxad lama filaan ah oo aanay haba yaraatee
meesha soo dhigan. Warkani waxa uu odhanayaa “In dawladaha Liibiya iyo
Talyaanigu[28]
ay si ku meelgaadh ah ugu heshiiyeen in dhamaan tahriibayaasha ku sugan Liibiya
la siin doono fursad ay ku gaadhaan dalka Talyaaniga balse wixii intaa ka
danbeeya la xidhi doono dhammaan xuduudaha badeed ee u dhaxeeya labada dal”.
Talaabadani
waxa ay noqotay farxad cirka ku shareertay shucuurtiii tahriibayaasha waliba si
gaar ah Sugulle oo lacag la’aani haysatay, qodax uu arkayo ayaa ka go’day,
waxaana uu markaa kadib bilaabay ka fikirka nolosha cusub ee uu wajihi doono
iyo waxa laga yaabo in uu muto.
Fariinta
labaad ee tahriibayaashu heleen muddo laba cisho gudahood ah ayaa noqotay in
dhammaantood ay isku diyaariyaan, safar lagu kala jeexi doono bad weyn
dhereran, baaxad aan qiyaas lahayn, dhamaadkeeduna uu ku eegyahay xeebaha
bilicda san ee Talyaaniga. Safar dheer kadib waxa laga dajiyay jasiiradda
Laambaduusa oo ka tirsan dalka Talyaaniga, taas ooh ore hoy ugu ahayd kuwo
badan oo isaga kaga soo horeeyay dhulkan Sugulle ula muuqda dunidda kale.
******
Nolosha, hab-dhaqanka,
afka, diinta iyo dadnimada uu kala kulmay kuwan uu ciiddooda martiyay waxa ay
gebi ahaanba jaah-wareer iyo qaadan waa ku abuureen Sugulle, meel uu wax ka
bilaabo ayaa uu garan la’yahay, cid garwaaqsata oo la wadaagta duruufta
nololeed ee uu ku jiro ayaa uu arki waayay, ciirsi la’ aan cid uga gargaartaa
jirin in uu ku jabay ayaa u cadaatay, werwer uu ku qabo waxa ay hada ku
sugantahay Ilsan ayaa ugu darsantay. “Biyo dahab la moodyeey,
buuraha dhexdeeniyo, badda yaa intuu dhurro, berry laga gudbaayiyo, ban cid la’
kawada dhiga, aan dib ugu beegsado, beledkaygii hooyee….”[29]
Ayaa uu
nafta ku maaweeliyay. Maxaa se ka dan ah mar haddii cidda uu heesta uga dan
leeyahay war iyo wacaal aanuu caano maalo badan arageeda daayoo warkeeda maqal.
******
Faraj
khayr qaba iyo shimbir ayaa loo soo diray markii mid ka mid ah asxaabtiisa ay
iskugu dhawaayeen uu u sheegay in gabadh ay walaalo yihiin oo joogta caasimada
Rooma[30]
isla markaana ka shaqaysa waaxda socdaalka ee dalka Talyaaniga ay dhawaan
kaxayn doonto labadooda oo ay gayn doonto Rooma. Wax waliba sidii ay filayeen
ayaa ay u dhaceen, Sugulle iyo saaxiibkii inkasta oo aanay jeclaysan in ay
cidla kaga dhaqaaqaan saaxiibadooda ku wehelinayay safarka eek u go’doonsan
jasiiradaa cidlada ah haddana danta iyo duruufta ayaa diiday wada joogistooda.
Waxa la gaadhay Rooma waxaana Sugulle iyo saaxiibkii lagu dejiyay goob ay isla
markiiba ku xuub dhacsadeen oo ay ku reebeen diiftii iyo diihaalkii weheliyay.
Muddo afar sanno ah oo uu Sugulle ku sugnaa Rooma waxa is badalay gebi ahaanba
noloshiisii, waxa uu noqday qof si fudud oo aan hore loo arag ula qabsaday
nolosha reer Rooma, si qoto dheerna u dhexgalay habdhaqankooda, waxa uu ka
korodhsaday aqoon iyo khibrad uu hadda kula tartami karayo, kuwo muddo dheer ka
hor sidiisa oo kale ugu soo haajiray dalkan, balse waxa qalbigiisa aan marnaba
ka bixin Ilsan iyo warkeed, “Dhulkaa igu balaadhee beryo kaama raagine”[31],
ayaa uu qof aan maqlayn maalin iyo habeen ugu heesa, waxa uu go’aansaday in
sannad shannaad aanuu ugu bilan geyigan shisheeye isaga oo aan il iyo baar
saarin Ilsan. Markan waxa uu kaga dhabeeyay go’aankiisii kusoo guryo noqoshada
dalka hooyo iyo halkii ay berry samaadkii ka abqaaleen iniinta jaceylkooda oo
haatan jiridaystay.
******
Aroor
hore oo ay ceeryaamo iyo dhedo is huwani gebi ahaanba dhulka qariyeen ayaa uu
Sugulle soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, boholyaw raagey iyo
daltabyo[32]
ay weheliso werwerka uu ka qabo nolosha Ilsan ayaa uu sugi kari waayay inta ay
diyaaraddu qumaati isku taagayso oo uu isaga oo kankoonsan ka booday albaabka
oo markaas un la balaqay. Maba uu sugin ee waxa uu degdeg ku dhaafay
xayndaabkii madaarka. Waxa uu ku dhacay tagsi isaga oo afka saaray xagaa iyo
dhinicii uu ku ogaa guriga Ilsan. Cabbaar kadib ayaa uu soo gaadhay gurigii oo
albaabkii si aan naxariis lahayn u qaraacay, meel yara durugsan ayaa uu isha ku
dhuftay laba hablood oo isaga kusoo maqan lana moodo in ay war isaga ku saabsan
si hoose isugu dhiidhiibayaan, waa uu yara naxay, dan se kama uu galin ee waxa
uu sii watay garaacistiisii guriga. Gabadh shaqaale ka ahayd guriga ayaa ka
furtay. “Ilsan, Ilsan”, ayaa kasoo fakatay, haddana garay in inantu aanay Ilsan
iyo mid u dhaw toona ahayn. “Ilsanaa, miyay dhimatay, maxaa ku dhacay”, ayaa ay
inantii oo naxsani isagii ku celisay, iyada oo u haysata qof ka yimid
dhakhtarkii ay ku jirtay Ilsan. Cabbaar is-fahan la’aan ah kadib ayaa Sugulle
oo aad moodo in hadda uun uu miirkii kusoo noqday inantii si dagani ka muuqato
u waydiiyay bal in xaafadu tahay tii ay muddo ka hor ku noolayd Ilsan. “Waa iyadii
ee ma joogto.” ayaa ay si aan naxariisi ka muuqan ugu tidhi. “Waa tii inta uu
aabaheed nin siiyay diiday kadibna inan ay jeclayd oo la yidhaahdo Sugulle loo
sheegay in uu tahriibay sidaas darteed imika waa bukaan aan sariirta ka kicin oo
dhakhtarka ayaa ay muddo afar sanno ah ba ku jirtay.” Ayaa ay haddana u
raacisay. Sugulle naxdin iyo af kala qaad ugama horeyn hadalka kasoo yeedhay
inanta. Dibno qalalan iyo carrab candhuuftii ka gudhay ayaa uu si dirqi ah ku
yidhi “Walaal dhakhtarka ii tilmaam.” “Waa sekeda afaraad ee halkan mar oo
gurigaa ganjeelka weyn leh ee midabka cad leh waxyar dhaaf”, Ayaa ay ku tidhi.
Sugulle socod cago jiid ah ayaa uu ku gaadhay halkii tilmaamtu ahayd, waxaana
uu sheeda ka arkay dhakhtarkii ay ku jirtay Ilsan. Markii uu soo gaadhay kadib
waxa uu isku qaaday qaybta daryeelka bukaanka ee haweenka. Mar kaliya waxa uu
isha ku dhuftay koox dhakhaatiir ah oo ku urursan gabadh bukaan ah oo sariir
saran. Kooxdan waxa ka muuqata reyn-reyn iyo farxad, meel agtiisa ah waxa hoos
iskula sheekaysanaya laba dhakhtar oo kale midkood ayaa ka kale weydiinaya waxa
ay tahay gabadhani iyo xanuunkeedaba, kii kale ayaa ugu jawaabay; “ Waa gabadh
la yidhaahdo Ilsan oo muddo afar sanno ah aan ku xanaaneynaynay dhakhtarka,
muddadaa badan waanu ku dawakhnay xanuunkeeda oo waanu garan waynay meel laga
hayyo, laakiin Illaahay mahadii maanta ayaa ay ugu fiicantahay, mar aan la
sheekeystayna waxa ay ii sheegtay in dhibka kaliya ee haystaa uu yahay jacayl
ay u qaaday wiil ay muddo ka hor is barteen oo la yidhaahdo Sugulle, kadibna
aabaheed u diiday in uu guursado oo laga bilaabo maalintii ilaa maanta ay wax
war ah ka wayday meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Sugulle oo dhagaysanayay
sheekada labadan dhakhtar ayaa is hayn kari waayay oo u dhaqaaqay halkii Ilsan
ay taalay. Waa uu soo dul istaagay isaga oo leh; “Ilsan, Ilsan waa Sugulle
walaal ee iska waran!? Maxaa kugu dhacay ee dhakhtarka ku jiifiyay?.” Ilsan
waxa naf ugu danbeysay markii ay muuqaalka iyo codka Sugulle sidii onkod roob
maskaxdeeda ka dayaameen.
-------------------------------------------------------------------DHAMAAD------------------------------------------------------
Qore: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)
[1]
Docda: waa halka hore ee aan aqalka ahayn, waxa inta badan la dhigtaa alaabta.
[2]
Dudo: waa qaybta dhexe ee aqalka
[3]
Kambalka: waa agagaarka ku dhaw aqalka reerku dagan yahay
[4]
Millay: waa wakhtiga
[5]
Ilsan: waa magaca gabadha ay sheekadu ka hadlayso
[6]
Sugulle: waa magaca qofka ay sheekadu ku dhacday, magacani asal ahaan wuxuu
tilmaamaa midab.
[7] Beydad
ka mid ah hees ay wadajir u qaadaan Fanaaniinta Maxamed Siciid (Bk) iyo Sahra
Axmed C/laahi (Ilays)
[8] Baydad
ka mid ah hees ay talantaali u wada qaadaan Fanaaniinta Aamina cabdilaahi xirsi
iyo Sahra Axmed Jaamac
[9] Sarriig:
waa inan fariid ah waxa ay isku macno dhawyihiin gaari iyo dhabeel.
[10]
Bayd ka mid ah heesta hanti kuguma nici karo ee ay wada qaadaan Axmedyaasiin
Digfeer iyo Sahra ilays
[11]
Yagleel: waa bilaabid ama dhisid wax cusub sida aqal iwm
[12]
Qormo: waa hoy cusub oo la dego
[13]
Lafoole: waa naaneysta fanaan soomaaliyeed magiciisa oo dhamaystiran waa
Maxamed Xasan Xuseen
[14]
Baydad ka mid ah hees uu qaado fanaanka Maxamed xasan xuseen Lafoole
[15]
Takaari: waxa ay sheekada ugu jirtaa xaafad magaceed
[16]
Wadiiqo: waddo yar oo la maro
[17]
Gadoon: waa isbedel
[18]
Geed-fadhiisi: waa marka inanta lasoo doono ee la rabo in la guursado
[19]
Gasiin: waa cunto
[20]
Suudaal: waa socdaal ama tahriib waxa kale oo la macno ah Tacabur
[21]
Liibiya: waa wadanka liibiya
[22]
Saxariir: waa dhibaato aad u daran
[23]
Suudal: waa tahriib
[24]
Sansaan: waa saadaal ama ifafaale
[25]
Bayd ka mid ah hees ay ku luuqayso Fanaanadii Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”
[26]
Cataab: Calaacal
[27]
Ducfi: waa liidasho, kalmadan asalkeedu waa kalmad carrabi ah
[28]
Talyaani: waa waddan ka tirsan qaarada yurub oo ay xuduud badeed leeyihiin
dalka Liibiya
[29]
Beydad ka mid ah heesta Baal-goray ee uu ku luuqayn jiray fanaankii Axmed Mooge
Liibaan
[30]
Rooma: waa caasimada wadanka talyaaniga
[31]
Bayd ka mid ah hees ay si wada jir ah ugu luuqeeyaan Fanaaniinta Cumar Dhuule
iyo Maryan Mursal
[32]
Daltabyo: waa boholyaw uu sababo ka maqnaansho muddo badan waddan.
No comments:
Post a Comment