W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Ereyadan
aan hoos ku xusi doonno ayaa ah kuwo inta badan loo isticmaalo warbaahinta iyo
goobaha shirarka ama khudbadaha madaxda qaarkood jeediyaan, waana kalmaddo
maqalkoodu kusoo noqnoqdo dhagaha dadka, kuwaas oo aan odhan karno waa reer
hebel baanu nahay oo la casriyeeyay ama marka aad maqasho cid leh aad si fudud
u aqoonsanayso cidda hadlaysa iyo qabiilka hadlaya ama shiraya. Waxaan u kala
saaray heerar kala duwan sida heer jihooyin loo adeegsado, heer xaafad loo
isticmaalo, heer degmo ahaan loo soo qaato, heer gobol