W/Q:
Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Idaacaduhu
ama guud ahaanba qaybaha kala duwan ee warbaahintu waa awoodda afaraad ee Qaran
leeyahay, ma sahlana oo waa middi laba af leh, waa Dhambaal qaade meeshii la is
yidhaa ku burburiyaba si fudud loogu adeegsan karo, halkii loo baahdo in lagu
dhisana si sahlan loogu buunbuunin karo laguna wanaajin karo. Waa waxa ugu
badan ee ay ka bilaabmaan isku dhacyada dawladdaha qaarkood iyo qaybaha warbaahintu,
inta badana dabagala ee baadhis ku sameeya waxqabadka xukuumad ama meel gaar
ah, ama musuqmaasuqa ay ku kacaan dad ama shakhsiyaad maamulo hayaa.
Warbaahintu waa wax aan la iska xidhi Karin lana cabudhin karin kaliya haddii
ay sharciga warbaahinta iyo shuruucda dalka ka hor iman mooyee. Waa wax ay gar
iyo gardaraba u doodaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda shaqaaleba ururada ka
shaqeeya xuquuqal iinsaanku.
Hadaba
iyada oo sidaas ah ayaa ay idaacadda BBC noqotay mid ku lidi ah geedi socodka
hanaanka dawladnimo iyo