Monday, May 18, 2015

Idaacadda BBC waa in loo diidaa inay ka hawl gasho dalka Soomaalilaan!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Idaacaduhu ama guud ahaanba qaybaha kala duwan ee warbaahintu waa awoodda afaraad ee Qaran leeyahay, ma sahlana oo waa middi laba af leh, waa Dhambaal qaade meeshii la is yidhaa ku burburiyaba si fudud loogu adeegsan karo, halkii loo baahdo in lagu dhisana si sahlan loogu buunbuunin karo laguna wanaajin karo. Waa waxa ugu badan ee ay ka bilaabmaan isku dhacyada dawladdaha qaarkood iyo qaybaha warbaahintu, inta badana dabagala ee baadhis ku sameeya waxqabadka xukuumad ama meel gaar ah, ama musuqmaasuqa ay ku kacaan dad ama shakhsiyaad maamulo hayaa. Warbaahintu waa wax aan la iska xidhi Karin lana cabudhin karin kaliya haddii ay sharciga warbaahinta iyo shuruucda dalka ka hor iman mooyee. Waa wax ay gar iyo gardaraba u doodaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda shaqaaleba ururada ka shaqeeya xuquuqal iinsaanku.
Hadaba iyada oo sidaas ah ayaa ay idaacadda BBC noqotay mid ku lidi ah geedi socodka hanaanka dawladnimo iyo
nabada ka taabo qaaday Soomaalilaan maanta, Alxamdulilaah oo Illaahay baa ku manaystay nabada iyo horumarkuna waa nimco ka mid ah nimcooyinka Alle, kama qaadi karaan, kamana curyaamin karaan laakiin waa idaacad aan jeclayn in ay soo hadal qaado qadiyada gaar ahaaneed ee Soomaalilaan, halka ay waxyaabaha aan haboonayn ama aanay dadku jeclaadeen in ay dibada uga baxaan dalka ay ka dhigaan war ama warbixin xiiso aad ah samaynaysa. Umaddina ma jecla in xumaanteeda la faafiyo oo dooddo iyo falanqayno laga sameeyo, badhaadheheedana la aaso oo laga dhigo wax aan micno weyn samaynayn.
Waxyar aan ka soo qaadano siddii ay u dhigtay idaacadda BBC xuska Maalinta May barnaamijyadeedii saaka iyo maanta duhurkii.
“Maanta waxa Soomaalilaan looga dabaal degeyaa markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day soomaalida inteeda kale. Dabaaldega sannadkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhinacyada qaar walaac ka muujiyeen kordhinta mudada xukuumada…..” waxay halkaa geliyeen codka Ku xigeenka guddoomiyaha Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed “waxay shaki gelinaysaa beeshii caalamka ee inaga caawin lahayd doorashooyinka, waxay shaki gelinaysaa jiritaankii qarranimada Soomaalilaan ee sii socotay shaki gelinaysaa, waxay dhaawac u geysanaysaa socodkii dimuqraadiyadda…….”  waa qayb ka mid ah warkii saaka oo laga sii daayay idaacadda subaxnimo ee BBC da.
Waxa isweydiin mudan codkaa ay soo qaateen BBC ma ahaa mid ku munaasib ah waxay ka hadlayeen oo ahayd xuska 18ka May? Mida labaad ma ahayd in ay war lasoo dhaafay oo ahaa muddo kordhin ku lamaaneeyaan xuska munaasibadda 18ka May oo aan muxaafid iyo mucaarad kala lahayn?
“Magaaladda Hargeysa waxaa maanta laga xusay sannad guuraddii 24aad ee kasoo wareegtay markii gobolada waqooyi ku dhawaaqeen inay ka goosteen Soomaaliya inteeda kale…………..” waa qayb ka mid ah warkii maanta oo ay bishu ahayd 18kii May laga sii daayay idaacadda duhurnimmo ee BBC da.
Hadalkaana waxaad ka dheehanaysaa inay idaacadu u dhigtay xuskii ka dhacay guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka Soomaalilaan mid ku koobnaa un magaaladda Hargeysa.
Hadaba maaha markii koowaad ee ay idaacadda BBC soo dayso hadalo meel ka dhac ku ah qaranimada dalka Somaliland, waxa jirtay marar badan oo aanay soo dayn xusas May oo kale ah ama munaasibaddo waaweyn oo in la sheego ku munaasib ahaa. Haddii aan yar iftiimiyo waxa ay BBC ka sheegtay xuska sannad guuradii 24aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshada madax banaanideedii 18kii May 1991kii, aragti ahaan aniga iyo inta si wax iila arkaysay isla markaana dhagaysatay maanta muu ahayn warkaasi mid u qalmayay in laga sheego munaasibadii ka qabsoontay guud ahaanba dalka Soomaalilaan, manuu ahayn wax ay idaacad weyn oo caalamiyi tidhaa xuskaa balaadhan wuxuu ka dhacay kaliya Hargeysa, iyo in ay ka dhigto Khudbaddii balaadhnayd iyo hadaladii madaxweynuhu jeediyayba mid ka hadlaysay un in ay Soomaalilaan diidan tahay kana digayso in ciidamo loo sameeyo soomaaliya.
Idaacadda BBC waxa marag ma doon ah in guud ahaanba dadka ka shaqeeyaa ay u badan yihiin dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay cidda kaliya ee Somaliland u tiqaano inay lidi ku tahay mar kasta horumarka iyo taabaqaadka hanaanka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Inkasta oo aanan lahayn dhammaan weriyayaasha iyo hawl wadeenada ka hawlgala BBC waa wada reer Soomaaliya hadana ceebi iga raaci mayso hadaan yidhaa inyar oo fara ku tiris ah ayaa badhaxda oo waa wax caddaan ah cid kastaana ogtahay. Waxa Soomaalilaan uga soo warama Axmed Siciid Cige oo ka mid ah shakhsiyaadka yar ee ku hadhay BBC dii magaca iyo meeqaamkaba lahayd ee ay dadku ku yiqaneen weriyayaasha dhisan iyo wararka dhexdhexaad ah. Axmed ma joogo istuudiyaha ee waa weriye kasoo warama dal oo diyaarsada warka ama warbixintiisa isla markaana isagu dira hadhowna soo tebiya macluumaadkiisii. Masuul kama aha khaladka ay ku kacayaan xidhiidhiyayaasha barnaamijku ee waxa uu ku leeyahay un talo, waan filayaana in uu wax badan ka ogyahay, isla markaana kala hadlay hordhaca aan haboonayn ee uu xidhiidhiyuhu u sameeyay warbixintiisa.
Ugu dambayn waxaan ku talin lahaa in ay wasaaradda warfaafinta soomaalilaand iyada oo dawlada uga wakiil ah arrimaha warfaafinta iyo warbaahinta dalka ka shaqeeya oo dhan, go’aan ka gaadho ka hawlgalka idaacadda BBC ee dalka Soomaalilaan iyada oo la tiigsanaysa shuruucda warbaahinta iyo ka dalkaba.
Wabilaahi tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Tell: 063-4470220

No comments:

Post a Comment