W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Wakhti,
waayadii lasoo maray ka mid ahaa, ayaa laba nin oo reer baadiye ilmo adeer ahi
u dhoofeen dhankaa iyo dalka ingiriiska, kadib markii mid ka mid ah labada nin
walaalkii lasoo hadlay una sheegay inuu u dhoofinayo qurbaha maalintaas iyo
saacaddaas oo ay sii diyaar garoobaan. Siday
mii uga yimaadeenna xitaa magaalo wuxuun bay u ahayd tii ay diyaaradda kasoo
raaceen oo gaadhigii kasoo qaaday ku hor dajiyay gegidii diyaaraduhu ka
haadayeen goor gabal dhac ah. Waxay la amakaagsanaayeen bilicda, binooyinka iyo
bidhaanka meesha ay soo galeen, iyaga oo moodayay in dibadii
loo dhoofayayba ay
halkan tahay oo ku qanacsan aadna ula dhacsan baabuurta iyo bini-aadamka kale
ee gaal iyo islaamkaba leh ee is waydaaranaya. Hadda meeshu waa madaarkii ay ka
dhoofi lahaayeen, balse iyagu waxay ilaa imika u haystaan waddankii ay ku
socdeen. Mid ka mid ah labadii nin ayaa yidhi waar hadaba halkaynu kaga
hagaagnaa magaaladda, mida kale muxuu inoogu iman waayay kii ina lahaa anaa
idinku sugaya magaaladda? Kii kale oo aan waxba ku dhaamin ayaa isna ku raacay
hadalkii saaxiibkii oo yidhi waar in uu ina daydayayaa laga yaabaa ee halkaa
ina yar fadhiisi halkaasaa kaah miidhan ah ay cadceedu hayso oo aynaan ku
qarsoomayne. Halkay sheegayaana waa iftiinka indhaha gaadhi dhex taagnaa
madaarka oo sugayay dad soo dagayay markaas.
Cabbaar
markii ay meeshii fadhiyeen ayaa uu darawalkii gaadhigii damiyay nalkii
baabuurka, iyaga oo labadii nina mooday in ay cadceedii dhacday oo mid ka mid
ahi markiiba lasoo booday: waar waa maxay magaaladdan aynu nimid ee cadceedoo
sideedii u caddi mar kaliya iska dhacayso mida kale sawtii galbeed u dhici
jirtay waa maxay badhtankay taagnayd un bay ku dhacdee?! Waar bilay daruuri yar
qarisay oo ay soo baxaysaa ileen waxaasi wax caqli gal iyo caaddo toona ah
maahee. Sidaa waxa yidhi kii kale oo la yaabay waxa uu saaxiibkii u sheegay. Isna
waxa uu ugu jawaab celiyay: oo miyaanad arkayn sawtan ay xiddigihii soo baxeen
ee ay dusheena tuban yihiin maaha, xitaa waddankani wuxuu leeyahay dayaxyo
dhawr ah oo nuur weyn, weliba aad usoo dhaw. Isaga oo laydhadhka faraha badan
ee ku xidhan madaarka ku tilmaamaya xiddigo, halka khashaafaddo dhawr ah oo
kasoo laadlaadayna uu ku sheegayay dayaxyo. Badawnimo xumaa, iyagoo halkii
fadhiya ayaa uu u yimid nin ka mid ah shaqaalihii meesha oo waydiiyay waxa ay
yihiin, kadibna u sheegeen in ay ka yimaadeen magaalo heblaayo, halkana ay ku
sugayaan ninkii yidhi waan idin soo dhoofinayaa iyagoo u haysta in ay soo
gaadheen magaaladdii ay u socdeen. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa fahmay in ay
nimankani yihiin qaar aan waxba kala garanayn, oo reer baadiye ah, waxaana uu u
sheegay in aanay weli ka bixin dalkoodii, halkana ay tahay gegidii ay
diyaaraduhu ka haadayeen ee ku taalay magaaladdooda. Waxa kale oo uu u sheegay
inay fadhiistaan halka diyaaradda laga raacayo ee loogu talogalay dadka
dhoofaya, waxa uu u fududeeyay meelihii lasii marayay oo dhan isaga oo ka
hubiyay waraaqihii ay siteen. Wax yar markii ay fadhiyeenba labadii nin oo afku
juuqda gabay oo is gartay inay ku cadaatay badawnimadii ayaa iyaga oo lasii
yaaban diyaaraddaha goobta taagan loo yeedhay kadibna fuuleen diyaaraddii,
sidaasna ku dhoofeen.
Ammin
door ah kadib waxa ay gaadheen dalkii ay ku socdeen ee ingiriiska, oo markii ay
diyaaradda ka dageenba isku arkeen ninkii ku sugayay una kaxeeyay huteel uu
usii kireeyay.
Labadii
nin dhibaatada ka haysata xagga dhaqanka iyo dhar xidhashada, waxa u wehelisay
afkii oo ay la qabsan waayeen, cid kasta oo ay is yidhaahdaan wax waydiiyana ay
ugu jawaabayeen ereyo af ingiriisiya xitaa soomaalida meesha degenayd.
Maalin
ayaa lacag waxogaa ah oo la siiyay labadooda la damceen in ay wax kusoo cunaan,
waxaana ay galeen hudheel uu lahaa nin Soomaali ah oo ku dhagsanaa meesha ay
degenaayeen, waxaana ay ka dalbadeen in uu u keeno Garaw haddii uu hayo, xiiso
ay u hayeen cuntooyinkoodii ay cunni jireen iyo boholyaw ay u qabeen ayuun bay
ka ahayd garawga ay dalbadeen. Mudalabkii hudheelka ayaa kaga farxiyay in uu
garaw yaalo, kadibna u keenay. Wax garawgii la cunaba waxa soo ag fadhiistay
laba yar yar oo caddaan ah kadibna inta ay ingiriisi kula hadleen mudalabkii u
dirtay hilib. Inyar kadibna loo soo dhigay bahal hiliboo si heer sare ah loo
soo shiilay. Labadii nin ayaa inta ay is eegeen yidhi waar hilibkaasoo kalaa
maanta inagu fiicnaa, dee waynu saruuraddoonoo hiliba maynaan arag sidaynu meel
baastan u nimide. Haa walaahi laakiin maxaynu nidhaahnaa ma kaasoo kale noo
keen, sidaas waxa yidhi mid ka mid ah labadooda. Mise intii ay wada hadlayeenba
waxa dhameeyay kuwii caddaanka ahaa oo doonay inay kusoo ceshadaan hilibkoodii,
kadibna inta uu midi la hadlay mudalabkii ku yidhi Agayn “Again” iyagoo u jeeda
cuntadayadii hore noogu soo celi, kadibna loo soo biisay mid la mid ah
cunadoodii hore. Labadii nin oo la socday hadalada ay nimanka kale wax ku
dalbanayeen ayaa ku yidhi inankii hudheelka Agayn “Again” iyagoo u haystay in
hilibka magiciisa la yidhaa Agayn, mudalabkiina waxa uu ugu soo celiyay
garawgoodii. Labadii nin inta ay aad u xanaaqeen ayaa ay ku dhufteen ninkii
jamcaddii wax loogu keenay, kadibna ku yidhaahdeen malaha mii bay ka yimaadeen
baa lagu yidhiye waxan aannu ku leenahay maanay Agayn “Again” ahayn.
Dhammaad
Fiiro gaar ah: maaha Sheeko
aan asalkeeda leeyahay ee waa Sheeko la iiga sheekeeyay oo aan qoraalkeeda iyo
qaabaynteeda un leeyahay.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Arday kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com
No comments:
Post a Comment