W/Q: Maxamed
Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Waayadii hore marka ay asxaabtu muddo badan kala
raagto waa ay isku soo boholyoobi jireen oo kolka ay meel ku kulmaan, maqaaxi,
gurri, goob waxbarasho ama meelo kaleba ammin badan ayaa ay wada sheekaysan jireen.
Waa la wada shaahayn jiray ama la wada sharaabi jiray, waxbaa la wada cunni
jiray oo kolba kii haya ayaa madasha la fadhiyo dalabka gudbin jiray; nin
walibana waxa uu rabo ayaa uu diran jiray, kadibna waa la isku warami jiray oo
kolba midi waxa uu hayo ka hadli jiray. Warka maalmahaa jira, wadciga iyo
waayaha