W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Waa dhalinyar luntay, waa dad diin laaweyaal ah, waa
kooxo caqli ku filan oo ay samaanta iyo xumaanta ku kala gartaan ku jirin, waa
shakhsiyaad aan filayo inay hunguri iyo lacag weydaarsadeen Islaanimadoodii oo
ay ka danbeeyaan isla markaana biilal ka qaata dad liddi ku ah diinta Islaamka,
waa wax-ma-garato ay mayeedhaanka iyo caamadu garasho dhaamaan, waa qolo
aaminsan in caqli wax walba lagu saleeyo oo kitaabka iyo sunada nabiga (SCW)
iyo guud ahaanba shareecada islaamka waxay sheegayaan meel la iska dhigo, iyo
qaar dhaliila nidaamyadda islaamiga ah oo u ololeeya in ay kala
madaxbanaanaadaan diinta iyo maamulka ummadda hogaaminayaa. Waa qaar ay bulsho
badan u taqaanno magaca ah “Caqlaaniyiin”. Halka dadka qaar kalena ay ugu
yeedhaan kuwaa kale “Cilmaaniyiin”.
Sida ay dad badani ka war qabaan waxa ayaamahan
dambe mareegta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee faysbuug (Facebook) kusoo
badanaaya dhalinyarta Soomaalida ah ee meel ka dhaca