Thursday, January 28, 2016

Soomaalida Riddawday!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Waa dhalinyar luntay, waa dad diin laaweyaal ah, waa kooxo caqli ku filan oo ay samaanta iyo xumaanta ku kala gartaan ku jirin, waa shakhsiyaad aan filayo inay hunguri iyo lacag weydaarsadeen Islaanimadoodii oo ay ka danbeeyaan isla markaana biilal ka qaata dad liddi ku ah diinta Islaamka, waa wax-ma-garato ay mayeedhaanka iyo caamadu garasho dhaamaan, waa qolo aaminsan in caqli wax walba lagu saleeyo oo kitaabka iyo sunada nabiga (SCW) iyo guud ahaanba shareecada islaamka waxay sheegayaan meel la iska dhigo, iyo qaar dhaliila nidaamyadda islaamiga ah oo u ololeeya in ay kala madaxbanaanaadaan diinta iyo maamulka ummadda hogaaminayaa. Waa qaar ay bulsho badan u taqaanno magaca ah “Caqlaaniyiin”. Halka dadka qaar kalena ay ugu yeedhaan kuwaa kale “Cilmaaniyiin”.
Sida ay dad badani ka war qabaan waxa ayaamahan dambe mareegta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee faysbuug (Facebook) kusoo badanaaya dhalinyarta Soomaalida ah ee meel ka dhaca
iyo aflagaadada kula kacaya diinta Islaamka, xaqiraya jiritaanka Alle, iskana indho tiraya xaqiiqada awoodaha iyo aayaadka Alle oo ay ku tilmaamaan wax fikir iyo aragti shakhsi ku dhisan, halka qaarkood wax ka sheegaan oo ay maqaalo aan haboonayn kasoo qoraan kitaabka quraanka, kolkolna axaadiista nabiga (CSW) ku sheegaan kuwo aan khusaynin wakhtigan la joogo, sidoo kale waxa ay inta badan ku jaah-wareeriyaan bulshada dooddo ay uga gol leeyihiin ka khalkhalin diinta iyo caqiiqada saxda ah ee ummaddani haysato. Qaar badan oo dhalinyartaa ka mid ahi waxay caan ku noqdeen oo ay u ban baxeen cayda iyo fadeexadaynta culimada iyo ehlu diinka, halka qaarkoodna sheekooyin iyo buuggaag ay qoreen si cad uga dhex muuqato necbaanshaha ay u hayaan sheekhyada ama wadaadada, qaar kalena ay ugu baaqaan dadka heesaha iyo tiyaatarada laqwiga iyo xumaantu ka imanayso, badh ka mid ahina ay dhaliilaanba ciiddaha islaamka, xajka iyo gudashadiisa, gawraca udxada oo ay ku sheegaan wax aan banaanayn, salaadda roob doonta oo ay ku sifeeyaan wax aan baahi loo qabin, Allena wax ku xidhan aanuu ahayn roobku, wa nacuudu bilaah.
Hadaba inta aynaan u gudo galin waa kuwee Soomaalida riddawday, ila fahan horta micnaha kelmadda Riddo waa intaan garanayn baan la hadlayaaye.
Micnaha kalmadda “Riddo” sharci ahaan waa “In qof muslin ahi ka baxo diinta islaamka isagoo noqonaya kaafir ama gaal, qaata diin aan ahayn ta islaamka, si ula kac ama niyadsami ah ama inuu ku kaco fal ama yidhaahdo oo uu ku hadlo kelmaddo ku hoggaaminaya kufrinimo, taas oo aan loo tixgalinaynin inuu qofkani kaftamayo iyo inay dhab ka tahay toona”. Riddadu micne ahaan waa kalmad carabi ah oo lagu micneeyo “iska rogid ama iskaga tegid shay ilaa iyo shay kale oo uu door biday”. Riddadu waxay noqon kartaa: Riddo caqiidada ah, Riddo kalmado ku timi, Riddo ficil laga arko iyo Riddo ku timaada diidis; micnaha marka la leeyahay diidis waxay noqotaa laba midkood: Diidmo ku timaada in la gudan waayo waajibaadkii Alle inagu waajibiyay sida; Salaadda, sakada, Xajka, Soonka i.w.m iyo ta labaad oo ah riddo ay sababto in loo hogaansami waayo xukunka Alle (Shareecadda Illaahay S.W.T.), xukunka sharciga ah ee riddaduna waa in la dilo qofka ridoobay iyadoo lagu sugayo marka hore ama lagu cadeynayo ciqaabta habka caadiga ah ee markhaatiga iyo habka gaarka ah ee Istitbaaxa loo yiqaan ee ah wixii kasoo hadha markhaatiga.
Haddii aynu intaas kaga nimaadno fasilaada Riddada, diinta islaamku waa diin side ah? Ma tahayna diin mudan in la caayo ama xumaan iyo aragti khaldan laga dhex faafiyo oo madmadow iyo shaki la galiyo qaar ka mid ah mabaadii’da ay ku dhisantay?
Diinta islaamku waa waxa aynu kaga soocanahay isla markaana kaga fadilanahay ummadaha kale ee caalamka inagula nool, Allena aanuu garansiin inay qaataan diinta Islaamka, waa diin aan inagu soo gaadhin si dhib yar balse aynu ka dheregsanahay in ay tahay diin loosoo dhintay oo dedaal iyo jihaad inoogu timid, waa diin lasoo kulantay marxaladdo kala gedisan iyo duruufo qalafsan oo marba horumarkeeda ay jireen dad badan oo mucaarid ku ahaa inay fiddana hor istaagi jiray wallow aannay idamka Alle u suurtoobin iskuday kasta oo ay diintan ku diidanaayeen. Waa diin ay asxaabtii rasuulku (SCW) ka dagaalami jireen caydeeda, bahdilaaddeeda iyo war-xun ka faafinteedaba, waa diin ilaa maanta aan la odhan karin cadaw ma laha iyadoo aynu ognahay in ay gaaladu heegan ugu jiraan una taagan yihiin dariiq kasta oo ay ku istaajin lahaayeen fiditaanka diinta Islaamka. Waa diin aan marnaba mudnayn in la caayo, la aflagaadeeyo ama xumaan iyo shaki laga dhex abuurro, waa diin ay waajib tahay in ay umadda Muslinki meel uga soo wada jeedsato, gacan bir ahna ku qabato koox walba ama shakhsi kasta oo ku kaca wax liddi ku ah diintooda, majara-habaabinayana caqiidadooda wanaagsan ee ay haystaan.
Waxa kale oo iyana xusid mudan in ayaamahan danbe ay barta xidhiidhka bulshada ee faysbuug (Facebook) kusoo badanayaan dadka soomaalida ah ee aaminsan diinta masiixiga kuwaas oo bayjaj (Pages) u gaar ah; in lagu faafiyana loogu talo galay samaystay, iyadoo lagu falanqeeyo isla markaana lagu buunbuuniyo arrimo khuseeya diinta masiixiga. Ku darsoo weliba haddii la arki jiray beryihii hore qof qof la yidhaa diintuu ka baxay imika waa kooxo badan oo la wada yiqaanno, isku mabda’ ah, ku faanna oo aan qarsan, isla markaana faafiya diinta misiixiga.
Arrinta kale ee aadka inoogu cusub waayadan dambe ayaa ah mabda’a shiicada oo dalkeena lagu dhex faafiyo, dad badan oo wadayna aynu ognahay in la qabtay oo xitaa maxkamaddu xukunno ku fulisay Intii loo qabqabtay. Mabda’aasina waa mid aan dabar go’in ee dihin ilaa haddana si hoos hoos ah loogu dhex faafiyo bulshadu loona baahan yahay in aynu u dhug yeelano oo iska qabano cidda aaminsan.
Waxa aan labadaa qolo ee aynu soo tibaaxnay ka madhnayn oo aan odhan karaaba way barbar socdaan ama se waa halkii ay waxani kasoo unkameen, dhalinyarta aynu bilawga hore kusoo sheegnay ee shakiga gelinayay jiritaanka Alle iyo caqiidada diinta islaamka, kuwaas oo inala nool, inala saaxiib ah, inagu hareeraysan, inala dhashay, si fiicanna aynu u garanayno oo sidaynu horeba usoo sheegnay barahooda internetka ama faysbuugga soo dhiga waxyaabo ay ku dhaliilayaan waxna kaga sheegayaan kitaabka quraanka, diinta islaamka iyo guud ahaanba caqiidada aynu haysano iyo rumeynta nebigeenna suuban (N.N.K.H).
Si kasta oo ay tahay arintani maaha mid saamaynaysa oo kaliya hal ruux ama ku koobnaanaysa shakhsi qudha balse waa mushkilad faafaysa maalinba maalinta ka dambeysa, fidi kartana haddii aan baraarujin laga samayn, taas oo imikaba qaar badan oo dhalinyartaa ka mid ahi ay u horseedaan una tafa-xaydan yihiin had iyo goor in ay duufsadaan dadka inta fayow ee ka bad qabta caqiido lumintaa ay wadaan, halka ay u nuglaadaan oo ay raacaan kuwa iimaankoodu marka horeba diciif ahaa, iyagoo aakhirkana ka dhigta taageero iyo xulafo ay isku mabda’ aaminsanyihiin, lacagna ku qaataan.
Ugu dambeyn waxa is weydiin mudan haddii aynu nahay ummad 100% islaam ah maxaa keenay in dadkeenna duul kale oo Alle dooriyay ku dedaalaan jaah-wareerintooda oo ay duufsadaan? Maxaa keennay in ay inagu soo bataan dad soomaali ah oo shaki gelinaya jiritaanka iyo kelinimada Alle? Maxaa sabab u ah dadka qoraalada ku lidka ah kitaabka quraanka, nebigeena suuban (S.C.W), malaa’igta iyo diinteenaba ay aad ugu baahaan iyagoo is kooxaysanaya mareegaha ay bulshadu ka wada xidhiidho sida faysbuuga? Maxaa loo baadhi waayay cidda ka danbeysa dadkan iyo halka mabda’a ay wadaan kasoo fulayo? Maxaa bulshada looga qaban laayay ee looga hortagi laayahay xumaan maleegayaashan daba dhilifyada ah ee fasahaadka la raba? Maxaa se kuwa ay ku caddahay ee qoraalo ay qoreen ama odhaaho ay yidhaahdeen laga dhex arko in uu riddoobay loo marin waayay ciqaabtii ay jidaysay diintu? Subxaanalaah!
Jawaabaha su’aalahaasi maaha wax aan anigu aragti shakhsi ah kaga hal-celin karo balse waa qaar si guud iyo si gaar ahba inoogu wada yaala, waa su’aalo ay tahay in ay culimadu ka gasho muxaadirooyin ku saabsan khatarta ay keeni karaan haddii ay sii socdaan kooxahani, sidoo kalena waa qadiyad loo baahanyahay in bulshadu ku baraarugsanaato oo ay meel uga soo wada jeedsato dadkaa fidinaya mabda’yadda kale ee khalkhalka iyo caqiiddo xumada u horseedaya, iskuna garabsataa sidii looga takhalusi lahaa sii fiditaankooda maadaama oo ay diinta cudud iyo caqliba u yihiin. Alle ha soo hanuuniyo inta lunsan ee aqoon daridu hallaysay, Alle ha inaga qabto inta hantaaqada iyo adhax jabka la rabta umadda, Alle ha ina garansiiyo tubta toosan, tawfiiqda sanna ha ina waafajiyo insha Allah.
Wabilaahi tawfiiq.  


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Hargeysa-Somaliland

063-4470220

No comments:

Post a Comment