W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
“….Ma
ogtahay degmadayadu
Duleed joogta maqashiyo
Ka hagrada ma dururtada
Ayay geel u dirataa….!” Hadraawi.
Duleed joogta maqashiyo
Ka hagrada ma dururtada
Ayay geel u dirataa….!” Hadraawi.
Ninkii
timir abuurriyo, ninkii tiin talaalaba taariikhdu way warin, qof kasta oo loo
dhiibo xil iyo masuuliyad umaddeed waxa uu magac, maamuus iyo meeqaamba kaga
kasbadaa bulshadu soo dooratay iyo kuwaa uu bay’adda kula nool yahayba hadba
inta waxqabadkiisa iyo hawlkarnimadiisa la mahadiyo. Hadaba tan iyo markii
lasoo doortay xildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa oo haatan laga joogo
muddo shan sanno ah ayaa waxa marag ma doon ah in dadka ku dhaqan caasimada
Soomaalilaan ee Hargeysi aanay arag isbedel muuqda oo lagu bogaadiyo
xildhibaanadii ay codkooda siiyeen.
Waxa aynu ognahay in mar kasta
oo doorasho timaado ujeedada ugu weyn ee loo qabtaa ay