Tuesday, November 8, 2016

Xildhibaanada G. Deegaanka Hargeysa: AYAX ku habsaday Caasimadda 2012 kii



W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde

“….Ma ogtahay degmadayadu
Duleed joogta maqashiyo
Ka hagrada ma dururtada
Ayay geel u dirataa….!” Hadraawi.
 Ninkii timir abuurriyo, ninkii tiin talaalaba taariikhdu way warin, qof kasta oo loo dhiibo xil iyo masuuliyad umaddeed waxa uu magac, maamuus iyo meeqaamba kaga kasbadaa bulshadu soo dooratay iyo kuwaa uu bay’adda kula nool yahayba hadba inta waxqabadkiisa iyo hawlkarnimadiisa la mahadiyo. Hadaba tan iyo markii lasoo doortay xildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa oo haatan laga joogo muddo shan sanno ah ayaa waxa marag ma doon ah in dadka ku dhaqan caasimada Soomaalilaan ee Hargeysi aanay arag isbedel muuqda oo lagu bogaadiyo xildhibaanadii ay codkooda siiyeen.
Waxa aynu ognahay in mar kasta oo doorasho timaado ujeedada ugu weyn ee loo qabtaa ay
tahay in ay dadku soo doortaan ciddii ku habboonayd ama qaban karaysay xilka markaa loo igmanayo. Hadaba waxa is weydiin muddan; ma ahayd Doorashadii Golayaasha deegaanka ee guud ahaanba dalka ka qabsoontay sannadkii 2012 kii mid ay dadku codkooda siinayeen wallow hab qabiilba haku keenaane qof waxqabad, karti, aqoon iyo waayo-aragnimo ay kusoo xusheen? Maxaa se sababay in uu Golihii deegaanka Hargeysi noqdo mid fadhiid ah oo hawshii loo doortay tahli kari waayay inuu wax ka qabto? Ugu danbayn waxaan eegi doonaa maxa ka fula balan qaadyada meel kasta oo ay tagaan ka sameeyaan maayarka iyo ku xigeenkiisu?
Maqaalkan koobanni waxa uu inta badan ka jawaabi doonnaa su’aalahaa aynu kor kusoo tibaaxnay haddii Alle idmo.
Ugu horayn dhammaan xildhibaanadii aynu u dooranay golayaasha deegaanka ee dalkoo dhan waxa ay ahaayeen qaar aynu kusoo xulanay
hab qabiil balse ugu codayn kartida iyo hadba inta ay leegtahay awooddooda waxqabad, reer kastana waxaad moodaysay in uu musharax ka dhigtay kii ugu aqoonta liitay, ugu garashada hooseeyay uguna afmiishaarsanaa khaasatan kuwii ka tartamayay golaha deegaanka Hargeysa oo aan goob joog u ahaa markaa. U fiirsasho la’aantaa iyo dadkaa wax magaratada ah ee aynu dooranay waa ta maanta ina dhaxashiisay in aynu meel iskugu keeno dad caamo ah oo aan lahayn aqoontii iyo awoodii maamul haday ahaan lahayd mid dhalasho iyo hadii ay ahaan lahayd mid dhigasho toona. Sidoo kale waxa aad moodaa in ay goob ku wada kulmeen dad aad is odhanayso intooda badan malaha gaajo, darxumo iyo silic ayay kusoo koreen, mansab iyo masuuliyad uu ummad u qaadana imikaa ugu horaysa ee sidii ayaxa meeshii uu istaagaba u xaalufinaya si arxan darro ah, niyaddooduna waxa kaliya ee ay ku qaboobi karto u arka xaatooyada iyo urursiga xoolaha umadda, baloodho ka banaysiga meelaha baylahsan iyo sharci u samaysashada dhulka danyarta iyo agoonta, sidaas si la mid ahna ku xasila baabuur kala badalka, isticmaalka maandooriyayaasha kala duwan oo ay majlisyo intooda badani u samaysteen iyo inay shaqadii loo igmadayba kaga mashquulaan sidii ay baasaaboor ajaanib meel un uga heli lahaayeen intaa ay maamulka hayaan jeebkooduna buuxo. Subxaanalaah!
Waxa kale oo intaas u raacda balanqaadyo iyo mashaariic ay meel walba ka balanqaadaan maamulka iyo xildhibaanada golahaasi marka ay fagaarayaasha ka hadlayaan, kuwaas oo intooda badani ku danbeeya qaar beenooba oo aan wax kasoo qaad danbe yeelan. Haddii arrin looga baahdana waxaaba adag inaad hesho cidda ama masuulka arrinkaasi khuseeyo taasina ay ku tusayso in ay yihiin dad qayrul masuul ah oo aan ahmiyad iska saarayn shaqada iyo hawsha ay umaddu u igmatay.
Waxa xusid mudan in la bogaadiyana istaahila qalabka dawladda dhexe fikirkiisa iyo qorshihiisaba lahayd ee loogu talo galay in ay dawladda hoose ee Hargeysi kaga shaqayso dhismayaasha wadooyinka caasimadda. Qalabkaas oo xafladdii lagu daahfurayay ama lagu soo bandhigayay ay ka hadashay marwada madaxweynuhu sheegtayna in halka ugu horeysa ee qalabkan lagu bilaabi doonaa tahay wadada isku xidha madaarka iyo saldhiga dhexe ee Hargeysa maadaama ay tahay waddo halbawle ah isla markaana ah muraayadda dadka soo dagaa ka dheehanayaan bilicda iyo horumarka dalka. Maayarka iyo maayir ku xigeenka ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay marar kala duwan tibaaxeen in la dhisi doono wadadaas, taas oo kaliya maaha ee waxa uu maayarku sheegey in ay bilaabayaan dhismaha wadada ka danbaysa cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo dhismaha wadada tagta Jaamacadda Hargeysa ee kasoo bilaabanta isgoyska Total. Waxa kale oo maayarku dhagax dhigay dhismaha wadada xagga hawd uga baxda wadada hormarta waaxda Maxamuud Haybe oo ilaa imika Sideed biloodba foostooyinkii oo daamurkii ku jiro meel iskaga urursan yihiin. Balanqaadyadaas iyo balamahaa ay fagaarayaasha iyo warbaahinaha ka sheegeenba waxa uu noqday ilaa imika mid aan weli hirgalin oo aan filayo in ay sabab u tahay hogaan xumo, waayo-aragnimo la’aan, aqoon darro, qorshe la’aan iyo hawlaha oo aanay mudnaan u kala siin siday u kala muhiimsan yihiin, taas oo ina tusaysa in aanay lahayn qorshe waxqabad oo ay ku hawlgalaan.
Si kastaba ha ahaatee fadhiidnimada xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa ayaa ah mid ay aragti midaysan ka qabto bulshada ku dhaqan caasimaddu, iyadoo laga dheehan karo tamar daridooda; daryeel la’aanta wadooyinka caasimadda, bilic darada jidadka, goobaha caafimaadka, iskuulada iyo goobaha la iskugu yimaado ee qashinku meel kasta buux dhaafiyay, isqabsiga iyo khilaafka dhulka oo aad u batay isna intii ay golahani joogeen oo ay sababaan inta badan faylal iyo sharciyo isku mid ah oo ay soo saaraan iyo goobihii danta guud ahaa oo aan la dayactirayn halka qaarkood ay isku dayaan in ay iibsadaan si ay shakhsi qudha uga faa’iideeyaan wax dan guud ah oo dadka oo dhan ka wada dhaxeeya.
Maalmahan danbe waxa iyana suuqyada iyo goobahay bulshadu ku kulanto aad loogu hadal hayaa musuqmaasuq baaxad leh oo kasoo if baxaya xildhibaanada Golaha deegaanka khaasatan maayarka, maayar ku xigeenka iyo xoghayaha dawlada hoose oo la leeyahay dhismayaal iyo fooqaq ayaa u socda qaarna u dhamaaday ay ka dhisteen lacagtii umadda. Hadiiba ay arintaasi jirtana waxa caddaan noqonaysa in musuqmaasuq jiro oo lacagtii dadka wax loogu qaban lahaa lagu takri falay.
Isku soo wada duubboo; golahani waxa uu noqday gole lagu hungoobay balse doorashadiisu waxa ay inoo noqotay cashar iyo waayo-aragnimo aynu maanka ku hayn doonno doorashooyinka danbe haddii Alle idmo, saamaynta iyo magac xumada ay dadka ku dhex yeesheena maanta waxa ay maraysaa heer wax kasta oo xumaan ama waxqabad la’aan lagu dhaliilayo loogu soo halqabsado oo la yidhaa sida xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa oo kale. Waa gole waxqabad ahaan ka tilmaaman golayaasha kale ee deegaannada dalka oo la odhan karaba maanta waa golaha ugu waxqabadka, kartida, horumarka iyo aqoontaba liita.
Ugu danbayn suurto gal iilama muuqato in doorasho gole deegaan dalka ka dhacayso taas oo siday ahayd qabsoomi lahayd sannadka soo socda, sannadkaasna la hadal hayo doorashadii madaxtooyada, ilaa sannadka ka danbeeya ama labada sanno ee ka danbeeyana lagu wado inay qabsoonto doorashadii baarlamaanku. Hadaba maadaama oo doorashooyinkaasi lagaga mashquulayo ta golaha deegaanka waxaan filayaa Illaahay oo faraj u fura caasimada mooye waxaynu wax ka sugnaa waa kuwan ilaa intaaba wax la’aantu dhaantay. Sidaas awgeed waa in la tayeeyaa oo tababaro iyo duruus kor loogu qaadayo aqoontooda la siiyaa si ay in uun wax ugu kordhaan bi idni laah. Bulshadana waxaan leeyahay dadkan inagaa soo xulanay oo ay inaga soo dhex baxeen ee tusaale cad iyo cashar lama ilaawaan oo qalbiyadiina ku suntan ha idiin ahaadaan “mar idin dage Allaha dago, mar labaad Idin dage se idinkaa is degay”.
Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
E-mail:
Xiinfiniin_10@hotmail.com
Tell: 063-4470220

No comments:

Post a Comment