Sunday, October 6, 2013

Af-soomaali: Af dadkiisu aaseen!



Af-soomaali: Af dadkiisu aaseen! – W/Q. Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan “Raageh”

“Bal Hooyo fartana waan aqaan haddana ma garannayo warqaddan lacagtii la iga qaadday inay ku qoran tahay iyo in kale’e bal ii eeg, ma af jarmal buu ku qoray wiilku?
Eegay oo akhriyey, gartay inay qaan-sheeg tahay, laakiin
ku qoran tahay far-ingiriisi. U sheegay warqadda inay ku qoran tahay lacag dhan (shan iyo sodon kun iyo shan boqol oo shilin S/L). Islaantii garatay inay tahay lacagtay bixisay, tidhina “waa yaab, far soomaalida hooyo waan aqaannaa, odaygayguna xaggaa carabuhuu beri u yara tallaabay oo carabida iyo diintuu yaqaannaa, laakiin waxay dhibi ka taagan tahay labadayada midna ma akhriyo warqadaha na loo soo qoro, cajab”!
Bal dhugo, warqaddan loo soo qoray hooyaddan, gabi ahaanteed waa far-ingiriisi marka laga reebo sadarka u hooseeya oo ay ku xardhan tahay “waxa lagu daabacay madbacadda qaranka, hargeysa-somaliland”. U wada fiirsaday dhamaan warqaddaha ka soo baxa dawladdeena, mise Illaahay ballankii xaalkuba waa madmadoobaw Allaa ku yaqaan.
Ma aha xafiisyada dawladda oo keliya, balse, goob kasta oo warqaddi kasoo baxdo, ama warqad wax ku gudbiyaa waxay ku qoraan far-ingiriisi, iskadaa qof aan barane, xataa qofka yaqaannaa mararka qaar is yidhaa “bal iska hubso malaha afkaad taqaannay maahee”. Taasi oo ah liidnimo iyo daciifnimo aynu af kale ugu adeegayno.
Qoraalka warqadaha oo keliya maaha, bal u fiirso dhaqankeennan dhammaantii noqday af-ingiriisi ama “faranji”. Nin weyn oo madax ama aqoonyahan sheeganaya ayaad hadalkiisa ka dhex arkaysaa in badan oo af kale ah. shirkad waddani ah, hay’ad iyaduna waddani ah, meherad soomaaliyeed oo dhammaantood aanad marna af-soomaali ku dhex arkayn cinwaannadooda (tilmaammahooda jiritaaneed), markaa maxaad la gaadhiba warqadaha ay qoraanna!.
Dastuurkeena JSL, waxa uu sheegayaa, qeybta koowaad, isla xubinta koowaad, isla markaana  Qodobka lixaad, in luuqadda rasmiga ah ee dalkeenna lagaga hadlaa tahay Soomaali, luuqadda labaadna Carabi, afafka kalena waxa loo adeegsanayaa wixii looga maarmi waayo, ha ahaato luuqaddii jaan ee la inagu guumaystay ama tu kale e, balse, aynu imika ka dhigannay teenna koowaad ee ninkii aan aqooni gob jabtay noqday. Ka yaqaanna aqoonyahan la ixtiraamo loona yaqaan il-bax aan dabadii la hadli karin.
Maxaynu af-soomaali ugu dhaqmi weynay ee inoo geeyay afafka qalaad? Ma intaasaynu faan ka dhigannaynaa? Mise taageero iyo raalli noqosho ayeynu kaga rabnaa reer galbeed iyo inta afkan qadarisa? Ma kaasaa af-keenii hooyo ka hodansannaaday? Wali ma guumaysigii baynu ku jirnaa? Ma afkeena ayeynu ka cabsi qabnaa inaan waxaa la qorqorayaba loogu talogalin? Malaha soomaaliba ma nihine waynu barannay uun. Waar ha is xiijine su’aalahaaga naga kala yaree, inan yar baa tehee! Ayey naftaydu iigu war celisaa inta aannan cid kaleba u gudbin.

Islaan amma oday, dhallinyar wax ka baratay oo keliya afkooda hooyo iyo ka qur’aanku ku qoran yahay, iyo cid kasta oo aan danba ka galin afafka qalaad laakiin, cashuuraha dawladda, qaan-sheegaha, magacyada, iyo dhamaan dhiganayaasha dantooda ay bidaan inay ka baadhaanba ku qoran tahay: Republic Of Somaliland, General Receipt, Ministry Of Finance, General Accountant, Thirty Five Thousand And Five Hundred Shillings Only. Iyo khuraafaaddo kale.
Taasi ayaa sababtay in imika dugsiyada hoose iyo barbaarrintaba laga dhigo manhaj af-ingiriisi ah, ka afkeenna ku dhiggaana waa ka ciyaalka laga la wada yaaco ee la yidhaa, “ma waxbaa meesha loogu dhigayaa, af-soomaali bay ugu qorqoraan, kaa af-ingiriisida ku dhiga ayaan gaynayaa”.  Waayo, waalidku waxay og yihiin in nin aan si fiican u akhriyeyn warqadahan jaan ee reerka loo soo qoraa uu yahay jaahil. Xaggii ay ka soo horjeedka noqon lahayd ee dadkeenu ka horumarin lahaayeen wax kasta afkooda hooyo.
Afkaa jaan inaynu baranno, kuna shaqaysannaa kuma jirto wax ceebaal ahi, laakiin waxaa masiibo ah in qofku taa kula soo noqdo dhaqankiisa bulsheed oo afkiisa hooyo u gumeeyo una xidhxidho af qalaad. Taasi oo ah dhibaatada mar walba sida buurta horteenna uga muuqata ee ah u jabista afafka shisheeye. Taasi oo ah dundumo weyn oo ku soo dumaysa dalkeena iyo dadkiisa ayaanka daran. cidhib xumadeeduna noqon doonto oday-ka-sheekee.
Dawladdi ta ay doontaba ha ahaatee waajibkeedu waa horumarinta dadkeeda iyo afkeeda, sidaasoo ay tahay waxa muuqata in dawladdeennan Somaliland ay iyadu hormuud ka tahay aasida, kafmida iyo axan u samaynta afka soomaaliga. Kollay kuwa kale ee afkan tol la’aanta u dhintay innala wadaagtaaba waa innala mid haddaanayba inaga sii xad jirin. Doqonniimada.
Waxba yaanan hadalka kugu daaline, arrintu maanta waxay maraysaa “tollaayeey qayrkay u jabay”. Haddaan wax laga qabanna farta ayeynu dhexda ka qaniini doonnaa mar aan fogeyn. Dacawooyinkaa badan bahalbaa ku daba jira.
 Abwaannada iyo inta afka wax ku beddesha, qoraayada iyo inta qalinka ku dagaalanta, odayaasha iyo inta cummaamadda ku hanjabta, madaxda iyo inta xilka wax ku ah, iyo dhammaan labeenta umaddayda ee in uun u damqanaya jiritaankooda afeed, waxaan ugu qaylo-dhaamayaa u gurmadka afkeena hooyo ee godka madaw waliba aan guntiisa la arkayn kusii dhacaya.
Ummad afkeeda xabaashay iga dheh!

W/Q. Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan “Raageh”.
Xog-hayaha guud ee Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka ee HAL-QOR.


Cabdiraage@outlook.com

No comments:

Post a Comment