Friday, October 4, 2013

Hargaysa: magaalo aanay biyuhu wada gaadhin

                   Hargaysa: magaalo aanay biyuhu wada gaadhin.
                                    W/Q:Cabdishakuur Axmed Cabdiraxmaan ‘RAAGEH’
Iyada oo uu madaxweyne silaanyo magacaaabay wasiir iyo wasaarad loo gaaryeelay biyaha ayaa haddana aanay biyuhu wada gaadhin magaaladda caasimadda ah ee Hargeisa.
Noloshu waa biyaha, la,aantoodna
nololi suurogal ma aha dhamaan makhluuqa dunida ku noolina way ka siman yihiin faaiidadooda iyo u dhib mudashada yaraantooda iyo la’aantoodaba.
Dhulka aynu ku noolnahay, jidhka noolaha iyo dhamaan dunidaba waxa lagu qiyaasaa inay biyuhu ka yihiin 75% (boqolkiiba todobaatan iyo shan), halka badaha iyo meelaha biyuhu fadhiyaan ka badan yihiin dhulka inta barriga ah.
Haddaba iyada oo ay sidaas tahay ognahayna in biyuhu ay lagama maarmaan  u yihiin nolosha biliaadamka,haddaba waxay is weydiintu tahay:
1.      Waa maxay sababta aanay biyuhu u wada gaadhin wadanka Somaliland  gaar ahaan caasimadda hargaysa iyo degmooyinkeeda kala duwan?
2.      Yaa ka masuul ah biyo la’aantaas?
3.      Sideese lagu heli karaa biyo ku filan caasimadda?
Si aynu uga jawaabno su’aalahaas iyo kuwa kalaba, bal aynu u fiirsano magaalada tan hargaysa iyo degmooyinkeeda, waxaad arkaysaa markaad is barbar dhigto biyaha degmooyinka iyo xaafadaha magaaladda in ay yihiin kaaf iyo kala dheeri halka xaafadaha qaar labada gacmood lagaga maydho kuwaa soo ah boqolkiiba labaatan (20%),inta kalena (80%-ka soo hadhay)oo ay ka mid tahay dhamaanba daanta koonfureed ee caasimadda iyo waliba hareeraha magaaladu ay biyo la’aan ba’ani kajirto oo ay gayaysiisay inay biyaha ku helaan lacag adag iyo waliba si adag maadaama oo ay u dhaaminayaan booyado, gaadhi dameer, gaadhi gacan I.W.M, iyaga oo wakhtiga iyo lacagta ay doonaan ugu shuba dadka. Isla markaana, nadaafadda biyahaasi liidato iyaga oo ka soo qaada goobo aan ku haboonayn cabitaan aadame. Habkaas biyaha caasimadda ay u helaan in yari inta kalena ka oomantahay waa habkii iyo hanaankii biyaha magaalada loo galiyey loona qorsheeyey wakhti ay dadka hargaysa kunooli ay aad uga yaraayeen inta wakhtigan  kunool, wakhtigaas oo tirade dadku ahayd 75000 halka haatana lagu qiyaaso inka badan 1.2 milyan.
Haddaba si kasta oo ay tahayba Hadii biyo la waayo ama ay yaraadaana waxay keenaysaa inay qaaliyoobaan dhamaan ascaarta, maceeshadda iyo adeegyada bulsho maadaama oo ganacsadaha iyo adeegaha bulshadaba isaga laftiisu ka mid yahay bulshada oo noloshii aasaasiga ahayd ee biyaha uu isagu ba ku helayo qiime adag.
Bulshaduna rag iyo dumar, waayeel iyo dhalin waa hantida kaliya ee wadankani ku dhisanyahay, Ilaahayna (S.W.T) wuu karaameeyey biliaadamka, suuratu israa’ aayadda 70-naad wuxuu ilaahay ku leeyahay“ xaqiiqo nimee waanu sharafnay biliaadamka waxaana ku xambaarnay bariga iyo badaba, waxaana ku arsaaqnay wanaag,waxaananu ka fadilnay in badan oo khalqigayaga kamid ah,fadilaad’.  Hadii dadka sidaa u qiime badana meesha ka baxaan suuro-gal ma aha in dal sii jiraa. Noloshooduna waxay ku xidhan tahay biyaha oo faa’iidada ay makhluuqa u leeyihiina aan qofna looga sheekaynayn sidoo kalena dhamaan wax kasta oo nooli waxay ka yimaadeen biyaha sida uu ilaahay quraankiisa inoogu sheegay.   Hadabba hadii bulshada la siin waayo biyo ku filan taasi way rumoobaysaa.
Abwaan Cali Sugulle Cigaal “DUN-CARBEED”-na waa kii lahaa:
Gudin daab la’aanteed
Miyey dogobo goysaa?
Diric kali ahaantii
Daleel guusha kama helo
Dadkaa geesi lagu yahay.
Wax  ka qabashada biyaha iyo masuuliyadoodu waxay saarantahay dawladda iyo xukuumada hadba talinaysa in kasta oo badiyaaba xukuumadihii wadankan soo maray ay ka siman yihiin ku fashilitaanka adeega biyaha.  laakiin, haddana aan is dul taagno xukuumadeenan imika talada inoo haysa, sida aan hore usoo xusnay waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee haatan Mudane Ahmed Mohamed Mohmaoud Siilaanyo dhawaan magacaabay wasiir iyo wasaarad cusub oo shaqadooda iyo masuuliyadooduba tahay biyaha iyo wax ka qabashada yaraantooda, waxa hore u jiray wasaarada macdanta, biyaha iyo tamarta oo aan wax la taaban karo ka qaban biyo la’aanta wadanka marka laga reebo ceelal ay haayado ka qodeen degmooyinka wadanka qaar katirsan inkasta oo ay caasimadu ka ooman tahy haddaba maxay soo kordhinaysaa wasaaradan cusub ee biyuhu?
Wax ma kabadalidoontaaadeegiibiyahaeeeberkaahaa? Ma xagiiwasaaradihiihorebaisagatiiriyeenayeykuiloobimise way u dhaamidoontaashicibkankaoomanbiyaha?.
Waxa kale oo jirta wakaaladda biyaha hargaysa (WBH) oo ay shaqadeedu tahay biyo helista caasimadda oo qudha, masuulna ka ah helista biyo dhamaystiran iyo soo saarida biyo nadiif ah.Laakiin, aan wali ri’na gees ka ridin.
Sidaa darted waxaan kula talinayaa xukuumada haatan talada haysa, micno samayn mayso samaynta wasaarad biyaha oo keliya ka shaqaysaa iyada oo tii hore ee ka muga weynayd ay ku hafatay, lkn, waa in shaqo adag, maalgalin badan iyo wada tashi la galiyaa sidii magaaladda hargaysa biyo loogu heli lahaa maadaama, ay dadku yihiin waxa dawlad lagu yahay biyuhuna noloshooda aasaasiga ah ay ku xidhan tahay. Waxa kale oo aan  wasiirka  iyo  wasaaradiisa cusub ee biyahana aan leeyahay ka faa’iidayso wakhtiga oo  abuur mashaariic biyo galineed iyo adeeg hufan oo nolosha ah maadaama oo aad masuulka tihiin seeska iyo aasaaska nolosha bili-aadamka. Wakaalada biyahana waxaan usoo jeedinayaa in shaqadooda ay kasoo baxaan, magaaladdana biyo ku filan wada gaadhsiiyaan maadaama oo ay taariikhdu u qori doonto wax kasta oo ay iyaga (WBH) iyo xukuumaduba ka tagaan.
Ninkii timir abuuriyo
Ninkii tiin talaalaba
Taariikhdu way warin.
Hadal haan ma buuxsho e, waxaan kusoo meerayaa meeris ka mid ahaa gabaygii GUD-GUDE ee Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame ‘HADRAAWI’ ku lahaa “inta maanku gaajaysan yahay guuli waa wali”, inta reer hargaysi biyaha ka ooman yihiin horumar iyo hiigsiga dunidu waa wali.
Abdishakour A.  Abdurahman ‘RAAGEH’
Arday ka tirsan kuliyadda istaatikada
Jaamacadda Hargaisa.
Cabdishakour_ciro@hotmail.com


No comments:

Post a Comment