Tuesday, October 1, 2013

Hambalyo


Hambalyo
Guddoomiyaha bahda hal abuurka iyo qoraalka Hal-Qor KHadar Xuseen Daahir (Hayl), Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-Cadde), Xoghayaha guud Cabdishakur Axmed Cabdi (Raageh) iyo dhamaan
xubnaha bahda hal abuurka iyo qoraalka Hal-Qor waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ugu horeyn madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siddii quruxda badnayd ee uu uga qayb galay xafladihii qalin jabinta jaamacadaha dalka uguna dhiiri gelinayay dhalinyarta qalin jebinaysaa siday wax ugu qaban lahaayeen waddankooda. Mar labaadka waxa aan bogaadinaynaa dhamaan ardaydii kala duwanayd ee sanadkan ka qalin jabisay jaamacadaha dalka, Illaahayna waxaan uga baryaynaa in uu inta waxbarashadooda ka hadhay ku garab gallo una siyaadiyo aqoontay soo barteen insha allah kana yeello qaar ku anfaca waxna ku tara dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba.
Ugu dambayn Wadajir Bahda hal abuurka iyo qoraalka Hal-Qor waxay gaar ahaan hambalyo u dirayaan labadda arday ee kala ah:
1.     Cabdimajiid Maxamed Axmed, iyo
2.     Nasra Cali Nuux
Oo labadooduba ku jiray dufcaddii tobanaad ee ka qalin jabisay jaamacadda hargeysa 29-09-2013, sidoon kalena kamid ah Bahda hal abuurka iyo qoraalka ee Hal-Qor.


No comments:

Post a Comment