Tuesday, October 1, 2013

Shaqo waa abtirsiimee, Yaa shahaaddo aqoonsan!!


Shaqo waa abtirsiimee, Yaa shahaaddo aqoonsan!!
W/Q: Maxamed fuaad Xasan Dhago-cadde
Shahaaddoy magacaa ba. Wixii aan hanti lahayn iyo wakhtigayga dhamaantii markii la igu dhameeyay ee shaqo aan u dhaqaaqay sharci baan u arkaayoo in shahaaddo timaadiyo shuruudan
filanaayay.
Shakhsiyaad baanu
ahaynoo, shaw aniga shahaaddaa I waday, shanta qof ee kalena shaaruble, sharax iyo shaambad reer baa u siyaado ah; calashaan oday dhaqameedyo iyo dad aqoon loo leeyahay ayaa waday.
Waxogaa  aan isla shawro oo kaligay shaamareerro, shit shahaadaddaanay abkay iyo abtirsiintay ku qornayn oo macalinkaa ka ilaaway sharaxii casharkaygoo sidaas ayaanan ku waayay, dabadeedna mid yar oo shawakhsan oo adeerkii meesha joogo suldaankoodiina wadaa shaqaddii lagu taagay.
Markii aan soo shiraacday ee shaqadaas ka huleelay ayaa shirkad uu oday leeyahay oo shaqaalle u baahnayd sheedda aan ka bidhaanshay jaraa’idkii sharaxaayey, shan cisho dabaddeedna shahaadooyin la qaadaan ana taydii shir geeyay.
Cajiib! Shaw odaygan shirkadawba cid aan reerkiina ahayn shahaadadiisa ma eegtid ama aan hebel iyo haldoor uu hagahaynin.
Subax kalaan kalahoo sheekh aan aqaan oo qabiilkayga ahaa shahaaddadii u xaraystay, meeshan la hor fadhiistoo inta aan qalin qaatay ayaan qoladayda shahaadaddii ku xariiqay iyo galkii ay ku xaraysnayd, anigoo is lahaa haddaad jaanis heshay.
Sheekhii baan wajahay oo waraaqdii ula jeestay, inta uu I soo jaleecay ayuu waraaqda wiil xafiis fadhiyay ku hagaaji yidhi, u dhiibay oo yar naxay oo is yidhi armuu inanku qoladaada arkaa oo hoosta ku tuuraa waxan aad sidato, maxaa aad la naxday sawdigan soo dhawaaday wiilkuba waa qoladiinee adiguun baan aqoonin niyada isiisay.
Markii uu inankii aad u fiirshay waraaqdii, waannu kula soo hadli haddaad soo baxdo  weeye, ayaa uu iigu war ceshay.
Ayaamo dabadeed yarkii baan ku noqday oo su’aalay saaxiib weli ………….? Wuxuu la soo booday maya, waa tii la shaqaalaysiiyay qofkii loo baahnaa, oo ma qoladayadaa qaybo iga horeeyeen ayaa aan ku ceshay. Inta uu yar qoslay ayuu ma qolaad wax ku rabtay dib ii su’aalay, oo haddaa ma cid baa aqoon wax isku siisa shaqo waa qoladeed tahay iyo ciddee baa ku taqaane.
Markaasuu inankii talo uu igu biirshay isagoo ila yaaban ‘‘Saaxiib waa runtaaye mid baa laakiin ku seegtay inta aad qoladaada ku qoraysay shahaadada waxaa kuu sahlanayd inaad soo kaxaysato caaqil ama suldaankiina si uu shahaadadaada sharax uga hor marsho, ama uu u cadeeyo inaad reerka tahay isna uu uga qayilo adna aad u shaqaysid.’’
Waxaan waxbarashadaydii dugsiyada hoose, dhexe iyo sare soo dhiganayay laba iyo toban sanno, ka dib si aan usoo kasbado aqoon tayo leh ayaa waxa aan wax barashadaydii jaamacadeed ku tagay dalka dibadiisa oo aan ku maqnaa muddo shan sanno ah, markii iigu dambaysay dalka waxa shaqadda la isku siin jiray aqoon iyo waaya aragnimo dhamaan dadkuna waxay ahaayeen qaar daacad ah oo cadaalada yiqaana, wakhtigaasna waxa aad u yaraa ardayda ka timaada dibada ee leh aqoonta heerka caalamiga ah, waxaanay ahayd ta igu kaliftay inaan waxbarasho dalka dibadiisa ah tago.
Markii aan dalka dib ugu soo laabtay ee aan shaqadii u horeeyay xareeyay ayaa aniga oo aad ugu kalsoonaa waraaqda warbixintayda shakhsi ahaaneed(CV) iyo ta codsiga ahba aan la kulmay caqabad aad u weyn oo ah in la igu yidhaahdo ma CV madiyaad gaynaysaa, waar wadanku kaad ogayd maahee shan sanno oo dambe yara gal kulliyada qabyaalada hana ku dawakhin in aad kaligaa shaqo hesho.
waxaan u haystay mala awaal, waan dareemay markii dambe se xanuunka dadkii saameeyay oo aniga u qaadan waa igu ahaa iyo wax igu kadis ah, run ahaantiina waxaan shaqo ku helay iyada oo aan la i waydiin shahaaddo laakiin anigoo la socda caaqilkayaga la i tix galiyay manay ahyn wax aan jeclaystay in 16 sanno oo waxbarsho ah ka dib caaqil I kaxeeyo aannan meeshaba ka filayn mag buu doonayaa mooyee.
Taasina waxa tusaale kuugu filan iyada oo maanta qof kasta oo dhalinyar ah oo leh aqoon iyo xirfad uu kusoo takhakhusay ay u suurtoobi waydo inuu helo meel uu kaga shaqeeyo wuxuu soo bartay, isagoo mar walba eeganaya sidii uu u raadin lahaa qof ay isku reer yihiin oo xafiis haysta shaqadduu doonno ha qabtee ogna in aannuu aqoontuu soo bartay shaqo ku helayn.
Dhanka kale cawaaqib xumadda ka dhalankarta shaqaddaa qabiilka la isku siinayo ayaa waxa laga dhaxlayaa dhibaatooyin fara badan, aan kasoo qaato badh kamid ah; sida:
1.     In ardayda waxbaranaysaa ka baxdo iskuulada inta aanay soo gaadhin jaamacad.
2.     In ay tahriibaan si ay u helaan meel ay ka shaqaystaan oo dhaanta dalkooda.
3.     In shaqooyin kale dhalinyarta qaar samaystaan sida tuugadda iyo boobka.
4.     Xumaanta iyo balwadaha oo ku bata bulshada marka shaqo la waayo.
5.     Iyo dadka la hayb sooco oo aan la tartami karayn bulshada qaybaheedii kale.
Ugu dambayn dhalinyarooy waxaan idin leeyahay waayahan dambe shaqo waa ehelkaagu inta uu ka ag dhawyahay ama uu oday reerkiinu abtirsiimo kugu geeyo ee nidaamkaasi sax iyo siloon kuu galayo idinkaan idiin dhaafay iyo sida loo bedalaayaba.
Wabilaahi tawfiiq.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhagacade
Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, 
Iyo Kuliyada Maamulka Iyo Hor-marinta ee Jaamacada CSI, Ahna,
G/ Ku Xigeenka Bahda Hal- Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com ama booqo Mareegta www.bar-qoraal.blogspot.com

No comments:

Post a Comment