Tuesday, October 1, 2013

Maqaal: Somaliland iyoSooyaalkeediiSiyaasadeed


Somaliland iyo Sooyaalkeedii Siyaasadeed


Dalkaygu haduu tashaday maxaa loo daba socdaa?
Waa Qalinkii: Maxamed Fu’aad Xasan (dhago-cade)


Waxay ahayd 18 May sanadkii 1991markii mar labaad dadka dalkan Jamhuuriyada soomaaliland u soogacangashayxoriyadoodiiluntaylixdankii, talaabadaasookutusaysa in dib ulasoonoqoshada Somaliland ahaydgo’aanshacabiyoxukuumad. Taas ooaandoonayoinaan maqaalkan kooban kuiftiimiyosooyaalkiisiyaasadeedee Somaliland.

 Ugu horeyn waxaa is weydiin mudan xagee ayay u dhaqaaqday Somaliland wixii kadambeeyay 1991 kii?
Go’aamadii kasoo baxay shirkii beelahaSomaliland ee Burco 27 April ilaa 5tii May kadib ayaa lagaga dhawaaqay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii Jamhuuriyada Madaxabanaan ee Somaliland. Wixii ka dambeeyay gooni isu taagaas waxaydadka dalkani bilaabeeninay u dhaqaaqaanwadadaHorumarkaiyo Dib u dhiskadalkooda, waxaana la doortay Madaxweynihii u horeeyay Somaliland iyadaoo loo doortayinuunoqdoCabdiraxmaanAxmed Cali halka ku xigeena loo doortay Xasan Ciise Jaamac.
24kii January ilaa 25kii May 1993kii waxa magaalada boorama lagu qabtay shirwaynihii guurtida beelaha Somaliland oo lagu gudoonsanayay axdi qarameedkii, waxaa halkaas madax dhaqameedyadii iskugu imid ku doorteen Madaxweyne cusub oo ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
18 october 1994kii waxay ahayd markii u horeysay ee lacag ay leedahay Somaliland la isticmaalo iyadoo qayb ka ahayd horumarka siyaasada dalka.
Ansixintii dastuurka ka hor, Doorashadii uguhoraysay ee kadhacday somalilandwaxa ay dhacday  sanadii 1997kii iyagoo ay ku tartameen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Engineer Maxamed Xaashi Cilmi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan(saleebaan nuur) waxaana xilligaaloo doortay inuuMadaxwayne noqdoMaxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ku xigeenkiisii daahir riyaale kaahin.
Sanadkii 2001dii,waxaa dadweynaha Somaliland u dareereen codbixintii dastuurka uu yeelan doono dalku taas oo noqonaysay talaabadii ugu horeysay gundhiga horumarka Somaliland waxaana %97.1 Shacbi waynaha Somaliland  ay u codeeyeen inay helaan dastuur.
Iyadoo inyar kadib la dabaqayo dastuurka cusub ayaa markii u horeysay la furay axsaabta siyaasada ee Somaliland sanadkii 2002dii iyadoolagagagudbaynidaamkiishirbeeleedkaeeergooyinkabeelahakasocdaadooranjireenhadbacidadalkahogaaminaysa, waxaislasanadkaas 2002da bishiisii December la qabtayDoorashadiiGoleyaashaDeegaankaooahaydDoorashadiidadkareer Somaliland uguhoreysayinayshakhsiyaadcodkoodasiiyaan, waxaanaku tartamay Lix UrurookalaahaaUdub,Kulmiye,Ucid,Sahan,HormoodiyoAsad, iyadaoosidaku cad dastuurka uu dalku yeelanayo Saddex Xisbiqaran ay kasoobaxeen Saddexda Xisbieekala ah Udub,KulmiyeiyoUcid, iyo 338 xildhiban guud ahaan dalka oo idil.
14kii April Sanadkii 2003dii waxaaguudahaanbadalka Somaliland kaqabsoontayDoorashadiiMadaxtooyadaee lagu cod bixinayosanduuqacodbixintataasooahaydtiiuguhoreysayeenooceeda ah, waxaana u tartamay; DaahirRiyaaleKaahinooahaaMusharixii XisbigaUdub, AxmedMaxamedMaxamuud (Siilaanyo) ooahaa Musharaxa XisbigaKulmiyeiyoFaysal Cali Waraabeooahaa Musharixii XisbigaUcid. Waxaakuguulaystaytiroaad u yaroocodad ah DaahirRiyaaleKaahiniyoku XigeenkiisiiAxmedYuusufYaasiinoonoqday Madaxweynihiiiyo Madaxweyneku Xigeenkiiuguhoreeyayeekuimaadahabdoorasho dadweyneoodalkoodhankaqabsoontaloogunadhaariyayxilka muddo xileedkooda intay tallada dalka hayaan.
29kii September Sanadkii 2005tii waxaguudahaanbadalkakaqabsoomtay Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo loo tartamaytiradakuraastabaarlamaankaookakoobnayd 82tan kursiayaa XisbigaUdubhelay 33kursi Xisibigakulmiye 28kursi,halka XisbigaUcidna uuhelay 21 kursi, doorashadaasooahayddorashadiisaddexaadoosixoriyoxalaal ah ugaqabsoomtaSomaliland,iyadoosiyaasadii Somaliland  yeelataywejicusub, waxaanagudoomiyhii Golaha Baarlamaanka loo dooraty  C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) ookasoobaxay Xisbiga Ucid.
26 June Sanadkii2010kiiayaawaxaydadku u dareereendoorashadii Madaxtooyadaooahayddoorashadii Afaraadeekadhacda Somalilandwaxaana u tartamay Saddexdii Musharaxeedoorashadiihore u tartamay.Waxaanakuguulaystey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ooahaa Musharaxii Xisbigakulmiye.
27 July Sanadkii 2010kii waxayahaydmaalinbaaldahab ah kagashay TaariikhdaSomaliland  taasooahayd markii u horeysayee Madaxweynedoorashokuhadhayuu Xilkasirasmiyauguwareejiyay Madaxwaynecusuboo aydadkusoodoorteen iyokuxigeenkiisiiloonadhaariyayxilka Madaxtinimadamuddoshan Sanno ah.
10 Sano kadib 2002dii waxa mar Labaad dib loo furay Diiwaangelintii Axsaabta Siyaasada Somaliland 14 July Sanadkii 2011kii, iyadaoo la diiwaangeliyay Saddexdii Xisbieehore u jiray Ururahaan iyo 15 Ururoocusubookala ah: Wadani,Xaqsoor,Badbaado,Dalsan,Rays,Damal,Nasiye,Jamhuuriga,Nuur,Umada,Horyaal,Udhis,NDB,Gurmad Iyo SSCD.
Waxaana u soogudbayinaykaqaybgalaantartankadoorashada Goleyaasha Deegaanka Todobada Urureekala ah; Kulmiye,Wadani,Ucid,Rays,Xaqsoor,Dalsan Iyo Umada.
28kii Bishii September sanadkii  2012kiiwaxaaguudahaanbadalkakaqabsoontay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka, kana qabsoontay in kabadan 1800 oogooboodookatirsanguudahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalka, oo ay u tartameen 2681 Musharaxiyo Todobaurur Siyaasadeedwaxaana kasoo baxaydoorashadaas 383 musharaxiyo 3dii urureenoqonlahaaSaddexdi Xisbi Qaraneeuuyeelanlahaadalkan Jamhuuriyada Somaliland 10ka SanoeesoosocdaookalaahaaKulmiye,Wadani Iyo Ucid. Waxaananasiib u heliwaayaydoorashadaasinayka mid noqdaan Xisbiyadiidalka 4 Ururiyo Musharaxiintiihadhayooahayd 2298.
Doorashadaniwaxayahayddoorashadii Shanaad ee ka qabsoontay Somaliland tan iyo Sanadkii 2002dii hadabawaxaaintabadanyar in wadamada Qaarada Africa ay kahirgashoqabsoomida Doorashooyinxor ah ooxalaal ah muddo Tobban Sannoahna ay kuqabsoomaan Shandoorashoooaanturxaanlahayn, waxaanaintabadan Somaliland la barbardhigaadhinaca Siyaasada Soomaaliyataasiooaanodhankarowaxahaboon in shirarka caalamiga ah eeaynukalaqaybgalayno Somaliya ay quruxbadnaanlahayd in la sameeyoqoraalomuujinayawaxqabadka Somaliland iyadoo la barbar dhigaayo dawladaimikuunkasoobaxaysakumeelgaadhnimadiiee Soomaaliya si ay Bulshadacaalamkuinookalaogaatohalkaynukalataaganahay ay tahayna wax lagufaanodoorashooyinkaasiyo Marxaladihiikaladuwanaaee ay kasoogudbeendadkadalkan Somaliland tan iyowixiikadambeeyay Sanadkii 1991kii. Waxaa haatan Somaliland leedahay dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ciidamada oo si habsami ah u guta hawlahooda shaqo iyo difaaca dalkooda iyo waxabarashadii iyo caafimaadkii oo maraya halkii ugu saraysay siina kordhaya maalin maalinta ka dambaysa iyo hayadihii kala duwanaa ee dawlada oo iyaga laftoodu sii kordhiya adeegay bulshada u hayaan, iyo dhamaan 3dii waaxood ee dalka iyo dawladihii hoose oo si hanaan iyo hufnaan leh u wada shaqadooda.
Waxaanmaqaalkaygankusooafmeerayaaooaanleeyahaydhamaanshacbiweynaha Somaliland gudoiyodibadbainay si Mug lehugusoobaxaanoo ay ugaqaybqaataan Xuska Sanadguurada 22aad ee 18ka May eefoodainagusoohaysasiaynu Beesha Caalamka u tusnoaragtimidaysanootilmaamaysa in qaranimada Somaliland ay tahay Muqadas, Gorgortana geli karin, waxa kale ooaan mar labaadkuboorinayaashacbiweynahainayilaashadaannabadauu Illaahaykumanaystay, lanashaqeeyaan Ciidanka Booliska ee ku hawlanilaalintanabadgelyadaiyocidkastaookhalkhalgelinaysaamaankaiyohabsami u socodka u diyaargarawga Xuska 18ka May, waxa kale ooaanhambalyo u soojeedinayaaguddidii Heer Qaraneeqabanqaabada Xuska 18 May eeuu Madaxweynuhumagacaabayoosiwanaagsan u wadahawshii loo igmaday. UgudambaynWaxaanmunaasibadagooniiskutaaga Somaliland awgeedaanhalkanhambalyougadirayaa Saddexda Waaxoodee Dalka Golaha Sharci-dejinta, Fulinta, Waaxda Garsoorka, Golayaasha DeegaankaSomaliland, Ciidamada Derajooyinkoodakaladuwaniyo Xaasaskoodaiyodhamaanbashacbiweynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan,



Waa Qalinkii: MaxamedFu’aadXassan (dhagacade)
ArdayKaTirsanKulliyadaSharcigaEeJaamacadaHargeysa ahna,
Gudoomiye ku xigeenka Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (HAL-QOR).                                            
 E-mail:Xiinfiniin_10@Hotmail.Com



No comments:

Post a Comment