Tuesday, October 1, 2013

Maqaal:Soo Dhawayntii Samatar Iyo Sida Aan U Arko



Soo Dhawayntii Samatar Iyo Sida Aan U Arko
Waa qalinkii: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagocade)
Inka badan dhawr iyo labaatan sano oo uu aaminsanaa mabda’a Somaliweyn ayaa uu hadana dib ugu soo laabtay dalka Somaliland isaga oo aan weli cadayn inuu gebi ahaanba badalay mawqifkii iyo aragtidiisii ku waajahnayd somaliweyn.
Taasi
oo uu ku saabsan yahay maqaalkaygani ayaa hadana aan ku eegi doonaa sidii looga soo dhaweeyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar Magaalada Hargeisa,Ma ahayd wax sax ah bulsho ahaan iyo dawlad ahaanba?Mase u qalmaa oo ma inaga mutaystay milgahaas?.
Isagoo maqaalkani ka jawaabaya su’aalahaas ayaa ugu horayn aan kusoo qaadan doonaa tan iyo wixii ka dambeeyay 1991kii Somaliland waxay ku talaabastay horumar aan la dafiri karayn waxay yeelatay magac jira, calan u gaar ah, lacag iyo dhamaan waaxyihii kala duwanaa ee looga baahnaa dal. Waxa kale oo Somaliland ka hana qaaday taaba gelinta dhinaca arimaha bulshada, dhaqanka iyo dhaqaalaha haday ahaan lahayd caafimaadka, waxbarashada, laydhka, dhismaha wadooyinka, qalabaynta iyo dhisida ciidamada kala duwan ee u heelan sugida iyo ilaalinta nabadgelyada dalka.iyada oo aan waxqabadkaa Somaliland ee 22 sano soo socday lagu soo koobi Karin halkan ayaa hadana nin ka indha la’aa horumarkaa iyo xasiloonida ka hana qaaday Somaliland oo maqal mooyee aragti ku arag lana soo taagnaa mudadaas waxaan aaminsanahay Somaliweyn oo Somaliland diidanaa jiritaankeeda iyo gooni isu taageeda ilaa imikana aan la hubin , ayaa ay nasiib daro dadkeenii iyo dawladeenii u sameeyeen soo dhawayn aad u balaadhan oo aan odhan karo may ahayn manta Somaliland mid u baahan shakhsi laakiin aan ku waday inuu shakhsigu haduu u baahday isagu Somaliland oo uu gidaar ka soo go’ay inuu iska soo dago isagoo ka xishoonaya dadka cafisna waydiisanaya.
Waxa xusid mudan inuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar lahaa xisbi ka jiray Somalia oo la odhan jiray HIIL-QARAN oo aad arkayso sida ku cad magaca inuu u hiilinayay qaranka Somaaliya, oo markii u dambeysay axmed ka mid ahaa xildhibaanadii golaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu iska casilay Bishii April Sanadkan aynu ku jirno, waxa kale oo professorka ka dhicisawday rabitaankiisii iyo riyadiisii ahayd mar uun madaxweyne ka noqo Soomaaliya ka dib markii uu dhaafi waayay 8 cod oo keliya.
Dhamaan waxyaabahaasi waxay ku tusaysaa sida uu Prof Axmed ugu heelanaa ka qayb qaadashada iyo siyaasada Soomaaliya, waxaan madaw ku jirin inuu professerku indhaha ka qarsanayay xaqiiqada taala Soomaliland iyo horumarkeeda mudo 22 sano ah.
Waa kii abwaanka waynee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) lahaa:
“Nin ku yidhi sinaan mayno adna buri sarayntiisa”.
Hadii aan soo qaato khudbad uu Prof Axmed Malintii Salaasadii 04tii Bishan June ka hor jeediyay ardayda Jaamacad Hargeisa in kasta oo aanuu ka hadal siyaasad hadana waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka sidoo kale waxaan idinku salaamayaa salaanta umada soomaaliyeed, haddii lagu yidhaahdo yaad tahay waxaad odhanaysaa hebel yaad ka tahay Somali wax kale ma raacinaysid sow hada maad garan”hadalkaas oo aan odhan karo waxa ku jirta sarbeeb ah mawqifkiisii uu aaminsanaa ay ahaydna inuu salaanta ku daayo oo kaliya ta ka dhaxaysa umada islaamka ah.
Hadalada kale ee uu profesorku lahaa waxa ka mid ahaa“Aniga dadkaygu waxay dagan yihiin NFD, Jabuuti, Killilka, Somaliya Iyo halkanba”. Waa shantii soomaaliyeed.
Markuu dhamaynayay hadalkiisa waxa uu ku soo afjaray kalmad ka dhex guuxaysay maskaxda dhamaan ardaydii fadhiday madashaas oo hadal haynteedu badatay laakiin ay aradyda badankoodu ka sinaayeen aragtidakalmadaas oo ahayd “Aduunku wuxuu marayaa GLOBALIZATION”.
Haddii aan ku soo laabto su aashii ahayd Prof Axmed Ismaacil Samatar ma u qalmaa oo ma inaga mudanyahay mase inaga mutaystay soo dhawayntaa hadaynu nahay reer Somaliland? Jawaabteedu waxay tahay maya sababtoo ah waxa jooga oo nool manta qaar ka mid ahaa Mujaahidiintii SNMee u soo halgamay jiritaanka iyo gooni isu taaga somaliland soona gaadhsiiyay heer Somaliland markay iftiintay ay usoo baahdaan kuwii mugdi ay kaga tagaan iska daaye mugdiga la doonayay iyagu.
Waxaan shaki ku jirin in ruuxii ogsoon halgankii loo soo maray Somaliland iyo duruufihii faraha badnaa ee looga soo gudbay nabada aynu maanta ku naaloonayno aanuu u hanqal taageen soo dhaweynta professorka wax qiimo ahna u samayseen.
Hadaba waar maxaa loo xusi waayay kuwa inaga mutaystay, waar maxaa loo maamuusi waayay mujaahidiintii SNM ee naftoodii ku waayay jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waar maxaa loo xusi waayay oo loo waynayn waayay mujaahidiinta nool looguna samayn waayay xaflado iyo dabaal degyo marka ay qaarkood dalka ka soo dagayaan, waar maxaynu niyada uga jabinaynaa dadkii dalka u soo halgamay iyo kuwii dadkoodu ku naf waayeendifaaca iyo gooni isu taaga dalkan, waar ma abaalkoodii baa sidaa noqday, oo aynu maanta qof aan ku rabin oo ku dhawaad sodon sano la soo taagnaa ma jirto somalilandd ee waa soomaaliya dabaal degyo iyo soo dhawayn u samaynaynaa.
Aniga shakhsi ahaan hadalka aan ka cadhooday ee igu soo noq noqday markii uu profesorku Jaamacada Hargeysa ka hadlayay waxay ahayd “Nin Somaliland iga xigaa maanta ma jirto”, waxaan leeyahay profesorka ha odhan mar dambe kalmadaa iyo wax la mid ah toona,
sababtu ay tahay anigu Maxamed ahaan waxaan jiray 22ka sano ee ay Somaliland jirtay waan ku dhashay, ku barbaaray, wax ku bartay, hadana ku qanacsanahay haddii la aqoonsado iyo hadii kaleba in aan ahay Somalilander, waanan ku caqliyaystay adoo taageersan mabda’a Soomaaliweyn, markaasaa adoo maanta arkay waxay Somaliland tahay leedahay waynu u simanahay dhalashadaadiina hore u iib geeyay.
Professor aniga iyo qof kastaaba waxaanu kaa horaynaa 22 sano ee Somaliland jirtay iyo waliba intii ka horeysay ee aad aaminsanayd Soomaaliweyn waxaanad maanta soo socotaa halkii 1991kii waa hadii aad si dhab ah u qirto inay Somaliland tahay wadan madaxbanaan, kana jarto sida itoobiya taariikhda jiritaankaaga intaad Somaliland diid ahayd si uu kuugu bilaabmo bog cusub oo taariikhda Somaliland ah.
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa maqaalkaygan oo aan leeyahay Dawlada Somaliland ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo yaan lagu dag dagin professorka, hana la iska hubsado ciqaabna ha looga dhigo in loo diido inuu ka dhex muuqdo siyaasada Somaliland, warka uu sheegayo ee uu meel walba ka leeyahay war baan buuxaana halaga fiirsado oo yaan lagu darsan ama lala wadaagin siraha iyo siyaasada arrimaha dibada iyo gudahaba, waxaan leeyahay Madaxweynaha Sifir baa safiir loo magacaabee Professor Axmed oo taagan “Dadkaagu haduu wax kusoo moodo lama diido” yaan lagu dag dagin in loo magacaabo oo lagu aamino xafiis ama xil noocuu doonaba ha ahaadee.
Hadii kale oo ay taasi dhacdo waxay Somaliland ku yeelanaysaa saamayn siyaasadeed oo aad u weyn oo ay kamid tahay in beesha caalamku inoo aqoonsato inaynu nahay Soomaaliya ama maamul goboleed hoos yimaada maadaama ninkii lagu ogaa shalay inuu uga hor ololeeyo soomaaliya beesha caalamka horteeda maantana la socdo waji cusub.
Ta labaadna ay tahay in dadka aqoonta leh ee ay u suurto geli laadahay inay ka dhex muuqdaan siyaasada Somaliland si ay u gaadhaan halka maanta profesorku marayo u tagaan muqdisho ama siyaasiyiinteena qaar laga yaabo inay ku dhalato in ay u hanqaltaagaanSoomaaliya si ay u soo noqdaan iyadoo intan laga jecelyahay loona soo dhaweeyo, taasina ay keenayso isku milan siyaasadeed iyo rag maalinba weji la soo baxa.
Wabilaahi Tawfiiq.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagacade)
Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, Ahna,
G/ Ku Xigeenka Bahda Hal- Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com

No comments:

Post a Comment