Friday, October 4, 2013

Nabsi

Sheeko fanneed: Nabsi  
W/Q: Khaalid Ismaaciil Yuusuf (Muumin)
Illaa yarraantaadii, markii aad caagadda yar xambaaran jirtay, anna inta aan ordo ayaa aan buskud usoo iibin jiray. Haddii aad hooyo u ahayd anna
aabe ayaan u qornaa.
In aad iga fariidsanayd iyo in kale ma ogiye, wax walba waa aad ii dirran jirtay. Juuq soo ma celiyo’e deg-deg ayaa aan u qaban jiray. Tolow berigaana miyaa aan ku jeclaa?
Waxa aan xasuustaa in mar kasta oo aad hawl baylihiso hooyadaa ku canaannan jirtay. Anna kol walba dhagax madaxa ma ka saartaa ku hamiyi jiray.
Ku yar oo si u kuusan, indho waaweyn, sina u qaylo badnaa ayaa lagu dabo dhigay. Waa uu ku rukaasi jiray. Goor aan ku haaday isma gartee, gawda ayaa aan ka saaraa. Ugbaad malaha dilmada Axmed waa aad jeclayd! Xaggiisa kama waantowdid, qanjiidhada kaama daayo, oohintana ma joojisid.
Ugbaad, waxa aan ku koray agtaada, waxa aan la koray jacaylkaaga. Haa waa aannu wada kornay jacaylka aan kuu qabo. Inta qof loo baahdo ayaa aan kuu baahday. Wax walba ag-joogaaga ayaa iiga qiime badnaa. In aan indhaha ku saaro ayaa aan ugu jeclaa. Dadka qofka ku jecel ayaan u jeclaaday, qofka si uun kuu dhibsadana waan ugu necbaa.
Waxa aan noqday qof si walba kuugu tiirsan. Barbaarta inta  I waayo ogi waxa ay igu naannaysi jireen Boodhari. Adiga oo dibin-jabsan kolka aan arko meelbaa hoos ii go’i jirtay. Haddii hargab ku halleelo, cir iyo dhul toona ma aan xamili jirin. Wax aan qabto ma aan garran jirin. Ugbaad waxa aan ka callool xumaan jiray in naftaydu xumad-jebiye kuu noqon waydo.
Kor iyo hoosba wax waa aan kuugu sheegay. Callaacal iyo tuuggidi waa ay I daashadeen. Indhahayga ilmada ayaa aad bartay. Hal mar errey I qaboojiya kaama aan maqal. Inta aan ku baryayey ilbidhiqsi iima aad garaabin. Ma aan mahadin wanaag kasta oo aan ku tusay. Tiiqtiiqsi, mashiikhsi iyo hoos u dhugasho ayaa aad abaalgud iiga dhigtay. Kaama aan niyad jabin, kuma aan nicin, waa aan se ku daayey. Haa badda oohinta, murugadda iyo dhulyaalnimada ayaa aan ka adkaystay.
*****
Axmed waa ku kan. Inta aan Ugbaad jecelahay boqol jeer in ka badan ayaa ay ku jeceshahay. Inta ay I hiifto kun laabkeed ayaa aad haaraantaa. Intaa waxa u dheer kolka aad doonto far ayaa aad ugu yeedhaa. Kaama adkaysato’e waa ay iskaa hoos wadhaa, dantaadana ka fushataa. Kolka aad ka durduurato ayaa aad huruuf ku nabadgelyeysaa!
*****
Ugbaadeey, sarriirta aad cisbitaalka ka taalo, intii aan lagu soo dhigin, labo habeen ka hor ayaa aad isoo wacday. Waa maalintii koobaad ee telefoonka aan sito aad kusoo dhufato. Magaca aad iigu qortay waa Niic. Waa aad igu calaamadsatay, iguna suntatay.
Markii aan lambarkaaga arkay, sidii qof la dardaray ayaa aan kolba dhinac u dhaqaaqay. Waa aan hubsaday, mise waa Ugbaad. Kor baa aan u qaylyey, oo aan haddana eegay. Walaahi waa Ugbaad. Intii aan sirsirkhaysnaa ayaa uu dhicid dhammaystay, waadse soo celisay. Aniga oo gargarriirka aad I moodo ri roob cidla ka helay oo kardhanaya ayaa aan kaa qabtay.
Xasan ma wanaagsan tahay.
Haa, haa, haa Ugbaad ayaa aan dirqi ku idhi.
Halkee ayaa aad joogtaa?
Halka kan ayaa aan joogaa.
Halkee, ma ii tilmaami kartaa?
Dukaanka Roodhi ayaa aan hor joogaa.
Ma kuu imaadaa?

Sidii rogmadkii qoyskayaga la ii soo sheegay, ayaa aan lugaha dhulka ku xejin kari waayey. Ilmo waaweyn oo beri hore iigu dambaysayna soo qubay. In aan weli ku jecelahay ayaa ii muuqatay. Oo haddii aannan ku rabin maxaa aan la kurbaday? Ma ogi. Sidii aad I arkayso inta aan ilmadii sacabada ku tirtiray ayaa aan goor dambe ku jawaabay “Haa Ugbaad”.
Hal mar ayaa ay boqolaal mawjadood maskaxdayda ku dhex hirdameen. Miyaa ay kuusoo debacday? Ma gaddaal ayaa ay kaa muhatay? Tolow maxaa ay ku odhan doontaa? Waydiimo aan weedh-celin lahayn aniga oo  dhex mushaaxaya ayaa aad iskay soo ag qotomisay. Wejiga ayaa ku barbarrarsan, indhahaagu waa xinjir dhiig ah. Si qaab liidata ayaa aad u labisan tahay.
“Xasan iftiinka innaga dhaqaaji”.  Ayaa aad cod sii daciifaya ku tidhi. Waxa niyadayda ku soo dhacay “tolow ma inta la soo tumay ayaa xaafadii laga soo caydhiyey”. Meel barbar ka ah laambaddii aan hoos yuururay ayaa aad u dhaqaaqday anna iska kaa dabo galay.
Wejiga ayaa aad hoos u foorrarisay, cagta midigna dhulka ayaa aad ku xoqday, hortaada ayaa aad ku dhaygagtay. Ilmada kaa hoorasa waxa aad moodaa dooxii Dacar-budhuq. Loox ayaa aan noqday, maya e malaha gidaarka ayaa aan ka mid noqday. Wax kasta waa aan awoodi waayey. Cabbaar markii aynu sidan ahayn ayaa hadal aad moodo in uu qasab kaaga soo baxayo sidan u bilawday. (Xasan wax kasta waa aad I tidhi, si walbana waa aad iigu waayo sheegatay. Hadh iyo habeen kama aad daali jirin baryadayda, anna wax laga maadsado ayaa aan kaa dhigtay. Hablaha aannu asxaabta nahay si kasta waa aan kuugu caayey. Aflagaado igama aad waayi jirin, garrawshiiyona igama aad helin. Wanaag kasta xumaan ayaa aan kuugu guday. Run ahaantii waan ku gumeeyey. Caawa nabsi ayaa cagahaaga I hoos dhigay.  In aan dhinto iyo in aan sii noolaado adiga ayaa go’aaminaya)
Halkaa marka aad marrinaso ayaa aan naxay. Tolow Ugbaad miyaa ay waalatay? Adiga ma Illaahay ayaa ay kuu mallaysay? Sidee ayaa aad nolol iyo geeri u go’aamin kartaa ayaa aan ku shawray. Hoos ayaa aad ugu daadagtay ujeedadaadii. “Xasan wanaagaaga waa la iga qariyey. Meel ii san waa aan garan waayey. Hadalkaaga waa aan sagraday. Qoys xallaal ah in aad iga dhigato inta aan dheg jalaq u siin waayey ayaa aan gaabsiga Axmed ka doorbiday”. Cabbaar ayaa aad aamustay, anna kaa dhursugay.
“Uur baa aan leeyahay”  ayaa aad si liitinimo  iyo awood darro ka muuqato u tidhi. Axmed haddii uu kaa maqlo in uu ku dooxayo in uu kuugu cago-jugleeyeyna waa aad ii sii raacisay. Sidii qof waran caloosha lagaga taagay ayaa afku I kala tagay. Inta aad kor ii soo eegtay iyada oo ilmadu kaa qubanaso, ayaa aad cod oohinni ku jirto ku tidhi “I astur oo I badbaadi”
Halkii aad taagnayd ayaa aan kaaga dhaqaaqay.
*****
Ugbaadeey, in markii hore aad I dhibsataa dembi ma ay ahayn. Oo maxaa dembi ka dhigay ma xaq ayaa aan kugu lahaa? Waa aad isu kay garan wayday. Haa igama aad helin.
Ugbaad, masiibadan kugu habsatay kuma aan farxin. Waa aan ka tiiraanyooday.
In qofku meel baas doonto, kolka uu gunteeda soo taabtana ka soo noqdo oo meel u roon jeedaaliyaa ma aha nabsi. In qof kuu sixrannaa aad dib usoo dhugataa ma aha nabsi, ee waxa aad ogaatay halka dantu kuugu jirto. In qofkii aad ku gacansaydhay isna kolkiisa kaa doorsadaa ma aha nabsi.
*****

Goorsheeg badhkeed ayaa aan kaa sii maqnaa markii qayladu dalluuntay. Gaasta iyo kabriidka aad is qabadsiisay waa ay ku hursheeyeen. Tuunbooyinkan sanka kaaga jira ee aad neefta ka qaadanaso marka aan jalleecoba meel baa haq I odhanasa. Intii aad hore iiga oohisay in ka badan ayaa ay I damqeen. Waanigan sida maydka far dhaqaajin la’.
Abidkay kuma aan habaarin. Iminkana waa I kan aan kaa dul barrooranayo. Maxaa la ii eedaynayaa ma qumay ayaa aan ahay?.
Aniga oo keliday ah ayaa aad isu kay garan wayday. Adiga oo qof lagu dhex dhigtay sida in aan kaa dhaqaaqaa ma aha nabsi ee waa doorasho.
Illaahay ha ku shaafiyo.





Khaalid Ismaaciil Yuusuf (Muumin)
Bahda Hal-Abuurka Iyo Qoraalka (Hal-Qor)


No comments:

Post a Comment