Dirira (Maanso)
Erayada: Khadar Xuseen Daahir
(Hayl)
Maansadani waxa ay ka hadlaysaa xuquuqda aadamaha, iyadoo hiil iyo garab
siinaysa dadka laga awood badanyahay ee mudan in loo hiiliyo.
Maansadu waxa ay ku bilaabmaysaa arar iyo googol-dhig, waxaanay arartaa ku
iftiiminaysaa saddex qolo oo qaar ay u dirantahay, qaar ku dirantahay, qaarna
la dirantahay, waxa ay u dirantahay cidda ay u hiilinayso oo ah dadka aan soo
xusnay ee laga awoodda badanyahay, isla markaana ay maansadu dartood u curatay,
waxa ay ku dirantahay amma ka hiilinaysaa dadka mutaystay in laga hiisho ee
caadaystay duudsiga iyo dibindaabyada dadkaas aynu soo xusnay, waxaanay la
dirantahay amma la hiilinaysaa dadka had iyo jeer heeganka ugu jira, una taagan
daryeelka iyo difaaca dadkaasi laga awoodda badanyahay ee maansadu ay dartood u
curatay.
Ararta ka dib maansada waxay ku arooraysaa ujeeddadeeda iyo ubucdeeda
waxaanay ku halqabsanaysaa dad ka mid ah dadkaas ay u hiilinayso oo lagula
kacay waxyaalaha ay uga hiilinayso iyadoo si cad u duraysaa wax kastoo gef ku
ah xuquuqda aaddamaha, waxaanay ku soo gebageboobaysaa farrin iyo dardaaran ay
u dirayso dad-weynaha.
Inkastoonan daabicin
Deelkeeda maansada
Waayadan ku daakirin
Inkastoonan daalacan