Saturday, November 30, 2013

Maqaal: Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto


W/Q: Nasra Cali Nuux
Soomalidu waxa ay ku maahmaahdaa “ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto” taas oo aan ku macnayn karno wax aannad lahayn ama aan kuu dhaweyn waxba kuuma taraan.
Iyadda oo ay sidaas tahay, ayaa manahajka waxbarashada ee Somaliland..........
(muqararkeena waxbarasho) oo ah darkii laga waraabinayey jiilasha soo socda iyo mustaqbalka dalkeena uu yahay mid laga soo waariday dalal kale.
Waxa aynu ogsoonahay in qoomiyadaha  caalamku  ay   ku kala duwan yihiin dhaqan ahaan iyo diin ahaanba,  qoomiyad walibana ay kusalayso manhajkeeda waxbarasho bii’adeeda, dhaqankeeda, diinteedda iyo baahiyaadkooda bulsho ee u gaarka ah, waxaanna uu ku xaliyaa  dhibaatada haysata isagoo lagu xusayo sidii uu uga soo gudbay dhibaatooyinkii hore, iyadda oo ardayda la barayo wixii uu wadanku soo maray iyo waajibka ka saran ardayga ilaalinta dalkiisa, iyo waliba xilliyaddii kala duwanaa ee ay soo mareen dalka iyo dadkiisu.

Haddaba waxa aynnu caruurteena gaynaa iskuullo iyaga oo aad u yar-yar, waxa aynnu u hurnaa hanti iyo dadaal badan waxa aynu  siinay qalin iyo buug iyo dhamaan agabkii uu u bahnaa halka qaarkeen aannay soo heli karayn, haddana waxba kama hagranee waxaynu ku kalihinaa goobaha waxbarashadda waxaynu siina quraac diiran, waa aynu sii daynaa, intay maqan yihiina waxaynu u samaynaa dhuuni diyaar ah, Waxa aynu howsha intaa leeg ku wadnaa muddo lix iyo toban sanno ah, ilmihii yaraa ee markaasi maanta waa doob  ama waa gashaanti dhawr iyo labaatan jir ah, waa hagaag oo waa taa la gaadhay xilligii uu ilmahu anfici lahaa naftiisa iyo ta waalidkii soo koriyayba, sidoo kalena u noqon lahaa mid ka shaqeeya horumarka wadankiisa kadibna u noqon lahaa jiilkii badali lahaa hawl gabayaasha maanta, ama hogaamiyayaashii barito, hagayaashii iyo hiiliyeyaashii wadanka, laakiin nasiib daro taa badalkeeda waxaynu ka dhaxalnay in innankii amma innantii 20 ka sanno u dhamaadeen  lacag  iyo xoogna lagu dhameeyay ku fikiraan tahriib oo doono nolol dhaanta wadankaaga ilayn looma soo dhigin khayraadka dalkiisa iyo kaalinta uga bannaan marka uu waxbarashadda dhamaystee.

Arrinta tahriibkunna waxa ay waalidkii ku noqotay anfariir iyo af kala qaad mana oga halka ay sartu ka qudhuntay.
Inagaa dayacnay ubadkeennii maxaa yeelay maynaan barin wixii ay bulshadeenu u baahneyd, ee waxa aynu barnay oo aynu muqarar uga dhignay  waxa aan inna khusayn oo aan daboolayn baahideena iyo  tan bulshadeena toonna.
Carabtu waxa ay ku maahmaahdaa “qofka jaahilka ahi waxa uu cadow u yahay naftiisa”, cimiga iyo aqoontuna waa ta qofka uga muuqata kor iyo hoosba, ee maanta hadiii uu xaraf barto ay noqonayso mid aannuu markii hore aqoon u lahayn isagoo ku dhaqan galinaya naftiisa kuna sawiraya maskaxdiisa.

Haddaba muqararkeena waxbarasho ayaa waxa uu noqday ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.

Nasiib darro, inagu ka wadan ahaan taas maynaan samayn, waxaanaynu sidan kor ku xusnay manhajkeena kasoo amaahanaa ama kasooo waaridanay wadamo aynaan isku dhaqan iyo diin toona ahayn.

Dhanka kale subax walba waxa dugsiyada dalkeenna u dareera in kabadan tobanaankun oo arday ah, sannad walbana waxa jaamacadaha dalka ka baxa kumannaan arday ah.
Hadaba su’aasha is waydiinta mudan leh waxa ay tahay waxan oo arday ah oo dhamaantood waxbarasho dugsi hoose iyo mid sarre dhamaystay maxay isbedel u keeni waayeen wallow haba yaraadee?
Jawaabta ayaa waxay noqonaysaa ardaydan ayaan markii hore la barrin wixii  saxda ahaa ee uu aqoonta u lahaa ama xidhiidhka la lahaa wadankooda iyo horumarkiisa, waxaana isku qaban waayey wixii loo dhigayey iyo waxay wadanka ku sugan yahay, waxa aan odhan karaa; ardaydan waxa loo dhiibay faash oo lagu yidhi kaga xaabayso dhul saxare ah.

Waynnu ognahay oo caad innagama saarna qaabka uu cilmiga iyo aqoontu u bedalaan dadka iyo guud ahaanba bulshada. Inaga maxaa bulshadeena ku dhacay  ee dadaal keenii ka dhigay biyo col dhaanshay?
Ka fikiray, shaw waa arday tahriib maldahan loo dhigayo marka looga sheekeeyo isbadalkii yurub iyo badhaadhaheeda looguna dhigo dugsiga in reer yurub ay noqdeen wadamo dhaqaale xoogan yeeshay.
Bal waxa aad u fiirsataa dugsiyadeena kuma jirto hal xiisad oo baraysa ubadka sida loo ilaaliyo deegaanka, kuma jirto hal xiisad oo ka hadalaysa waxa ay tahay wadaniyadu iyo guud ahaanba juqraafiyada wadankeena iyo khayraadka ku jira dhulkeena.
Bal u fiirso jaamacadaheena 80% ardaydu waxa ay dhigtaan ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyaddoo ay ahayd in maadaama aynu doonayno inaynu horumar samayno in xooga la saaro cilmiga beeraha iyo quudka aynu cunayno, kuwaas oo dhamaantood wadamada jaarka ah la inooga keeno, sidoo kale waxa barasho iyo ka faa’iidaysi inooga baahan xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaha dalkeena, riyadda waxa ka horaysa horta in la seexdo, marka intaa aynu ka adkaano aynu u dhaqaaqno wixii la soo saaray sidee ayaynu uga ganacsanaa iyo dhaqaale side ayaynu uga abuurnaa inooga u kala eegayna baahiyaadka wadankeena.
Wasaaradda waxbarashadda iyo cidda u xilsaaran arintan waxaan leeyahay waar ka daaya iniinyahan curdinka ah ee aad ku waraabinaysaan saliida oo ku waraabiya biyo nadiif ah.
Ugu dambayn waxaan odhan lahaa wadaniyad baa wadan lagu dhisaa, wadan walbana isaga ayaa yaqaana waxa ay bulshadiisu u baahantahay, markaa miyaanay ahayn in aynu samaysano manhaj ka turjumaya baahideena iyo tan wadankeenaba oo inoo gaar ah?
Wabilaahi tawfiiq.
Fadlan Talo iyo Tusaale kusoo hagaaji emailka qoraaga
W/Q: Nasra Cali Nuux
Bahda hal-abuurka iyo qoraalka (Hal-Qor)


No comments:

Post a Comment