Thursday, November 7, 2013

Dirira (Maanso)


Dirira (Maanso) 
Erayada: Khadar Xuseen Daahir (Hayl)                             
Maansadani waxa ay ka hadlaysaa xuquuqda aadamaha, iyadoo hiil iyo garab siinaysa dadka laga awood badanyahay ee mudan in loo hiiliyo.
Maansadu waxa ay ku bilaabmaysaa arar iyo googol-dhig, waxaanay arartaa ku iftiiminaysaa saddex qolo oo qaar ay u dirantahay, qaar ku dirantahay, qaarna la dirantahay, waxa ay u dirantahay cidda ay u hiilinayso oo ah dadka aan soo xusnay ee laga awoodda badanyahay, isla markaana ay maansadu dartood u curatay, waxa ay ku dirantahay amma ka hiilinaysaa dadka mutaystay in laga hiisho ee caadaystay duudsiga iyo dibindaabyada dadkaas aynu soo xusnay, waxaanay la dirantahay amma la hiilinaysaa dadka had iyo jeer heeganka ugu jira, una taagan daryeelka iyo difaaca dadkaasi laga awoodda badanyahay ee maansadu ay dartood u curatay.
Ararta ka dib maansada waxay ku arooraysaa ujeeddadeeda iyo ubucdeeda waxaanay ku halqabsanaysaa dad ka mid ah dadkaas ay u hiilinayso oo lagula kacay waxyaalaha ay uga hiilinayso iyadoo si cad u duraysaa wax kastoo gef ku ah xuquuqda aaddamaha, waxaanay ku soo gebageboobaysaa farrin iyo dardaaran ay u dirayso dad-weynaha.

Inkastoonan daabicin
Deelkeeda maansada
Waayadan ku daakirin
Inkastoonan daalacan

Dabuubteeda waayadan
Dibnahayga uba furin
Inkastoonan doolow
Darmaanteeda waayadan
Direyskii u soo xidhin
Oonan bandhig ku soo deyn
Waase darajo eebiyo
Gallad daayin bixiyuu
Iigu deeqay guullee
Haddii aan dareentamay
Maanta dalawadaydii
Dalandool abaariyo
Haddii daaqsin-waa dhaco
Biyo-waa dalkoo idil
Haddii duudka uu simo
Gudhid igaba daayoo
Gamash aan dareemayn
Aan doobbbigeed culo
Dambarkeeda daraygaa
Kii ku doogsanaayiyo
Kii dacar ka qaadaba
Dammiinkiyo nin-doorkaba
Dadka guud ahaantood
Ku durduurta aan dhaho
Afartaa darseeyaye
Afar kale dareenkay
Darka aan ku soo horo
Oo durduurta aan dhaho

Dirira weeye maansadu
Xaqiiq way dagaal timi
Waxay daafacaysaa
Amma ay u dirantahay
Dabka ay u shidaysaa
Dool-qaadka barakacay
Dan-yartiyo carruurtiyo
Dumarka iyo naafada
Waxa ay ku dirantahay
La dagaallamaysaa
Dabka ay ku shidaysaa
Inta duudsigoodiyo
Dibindaabyadoodiyo
Daalaadhacoodiyo
Daryeel-baylahoodiyo
Dayacaad-tarkoodiyo
U darbanuun dhibtoodee
Xuquuqdoodii daayacay
Ee xaqoodii dayriyey
Waxa ay la deristahay
Amma ay la dirantahay
U hibeysey danabnimo
Oo darwiish ay leedadahay
Darajana u toleysaa
Inta duudsigoodiyo
Xaqiraadda lagu duro
La dagaalamaysee
Dammiirkooodu diidee
Xuquuqdooda daabacay
Afartaa darseeyaye
Afar kale dareenkay
Darka aan ku soo horo
Oo durduurta aan dhaho

Dad-weynow warkay hoo
Subaxbaan dareentamay
Naftu diidday jiifkii
Goobaha dad-weynuhu
Uu ku dood-wadaagiyo
War-geysyada la daabaco
War u doona ay tidhi
Dabadeed ka sarakacay
Dermadaan ku jiifoo
Dibaddaan u soo baxay
Dariiiqaan ku soo dhacay
Baabuur ma daydayan
Cagtaan boodhka soo daray
Waxaan soo dawaafoon
La tacaalo dawgaba
Darmaanbaan ku soo baxay
Madalbay dangiigtaa
Ma da’weyna waa shabbad
Oohinbay la deristahay
Ilmay daadinaysaa
I dubaaxi jiidhkii
Idil damqay jidhkaygii
Dammiirkay ha dhaafine
Bal dayoo ku baydh yidhi
Dabadeed u soo kacay
Dariiqan ku taagnaa
Dacalkay ka joogtoo
Waxaan idhi darmaanyahay
Maxaybaa ku daaree
Amma aad dareentee
Kaa daadshay ilmadani?

Waxay tidhi darmaantii
Wiilyohow dagdagayaa
Wixii ani I daariyo
Waxa aan dareemayba
Adi laguuma diranine
Raga waan u dudayaa
Intaan dunida joogee
Dib u joogso oo soco
Dariiqaaga sii hay
Hadal dambana hay odhan

Waxaan idhi degmoy maqal
Bal daweyso hadalkay
Wax kastoo ku daarayba
Xalkood waa la dooniye
Bal dajoo naftaadani
Iimaan ku dabaroo
Shaydaanka dag-dhabee
Aniguna dantaydii
Ma aan ihi nin kugu diran
Waxan ahay nin kuu diran
Adi kuu damqadayoo
Jidhku kuu dubaaxshee
Hay qalad dareemine
Waxan adi ku daaree
Dubaaqaagii dhaawacay
Isna aan darseynee
Dooddii I maqashii
Anoo daacad kuu qaba

Waxay tidhi darmaantii
Wiilkan ii damqadayee
Jidhku ii dubaaxshow
Inkastoonan doonayn
Inaan doodda kuu furo
Kuu taabto doogtani
Uurkayga damaqdoon
Kuu daliisho sheekada
I deynweydey haddanoo
Waan kuu darseyniye
Dooyeyso oo maqal
Qalbigana u sii daa’

Dabadeed gar-waaqsaday
Dooyeystey oo maqley
Soo daa’ warkii idhi
Waxay tidhi ma daaloow

Waxay tidhi ma daalow
Curyaan diirranbaan aa
Damaceedu noolyahay
Danyar hooyadeed tahay
Dumug aabbaheeed yidhi
Lagu dilay dagaalkii
Dalka lagu xoreyn jirey
Daryeel naafannimo abid
Loogu deeqin weligeed
Agoonnimo warkeed daa’
Dibnahaba ha soo marin
Dabadeedna wiilyow
Hooyadii I dihatee
Daayin uu I badaybaa
Xilkay dusha ku qaaddoo
Ii daryeeshay hagarli’i
Dabadeedna waxay tidhi
Goobaha duruustiyo
Dugsiyada tagoo aad
Oo facaa degmoy raac
Aniguna dareentamay
Qorayoo dabuubtaas
Dadaal saaray heensaha
Waxaan soo dabbaashoon
Dabac dheelligeediyo
Dayacaad ka dhowraba
Duruustii sarreetiyo
Deyrey oo iskuulkii
Duddadiisii soo xidhay
Shaqo daydaybaan idhi
Halganbaan dabeed galay
Codsigeed midbaan diray
Dabadeed la ii yeedh
Imtixaan dabadeed galay
Waraysina ka daba maray
Dabadeed ku soo baxay
Heshiis daabac lay yidhi
Oo ku duugay qalinkii
Subaxdii dambeetaba
Dagdag imi xafiiskii
Dabadeedna madashani
Ninkii diiradda u siday
Igu yidhi degmoy maqal
Daabacday heshiis shalay
Oo ku duugtay qalinkii
Maantana ku deyriyey
Haatani duddada dhaaf
Dibna ha iigu soo gelin

Waxaan idhi darwiishyow
Maxaad iga dareentee
Aad igu dayrinaysaa

Wuxuu yidhi dareen li’i
Kuma dayrin aniguye
Daayinkii ku uumaa
Inanyahay ku dayrshee
Dib u joogso oo soco
Weedh dambana hay celin

Ha dambaabinbaan idhi

Boolis doonabuu yidhi
Degdeg laygu soo bood
Gacan laygu dalandali
Dibaddana la ii tuur
Wiilkii ii damqadayee
Jidhku ii dubaaxshow
Waxa aan dareemee
Dubaaqaygii dhaawacay
Een  u daadshay ilmadani
Waa gefkaa laygu duray!

Waxaan idhi degmoy maqal
Ninkan adiga kugu duray
Kugu deyrshey  naafada
Dembi adag ayuu galay
Xuquuqdaada dadnimaa
Dagaal uu ku qaadoo
Sharcigaa dabraayoo
Dawgiisa mariniye
Dacwad dabacoo orod
Oo degmoy ku soo oog

Waxay tidhi darwiish maqal
Danabyohow war li’idaa
Yaa daacaddaas qaba
Oo caddaalad doojiya
Ku dabraaya sharcigana
Darraatuun ayay ayd
Markii dahabo gabadheed
Abidkeedba diifiyo
Daranyiyo darxumo arag
Weligeed la diiqayn
Fiid dawga loo galay
Niman aanay kuba duxin
Abid daayin naxariis
Tunka iyo degtaas sare
Degdeg uugu qaateen
Meel durugsan geeyeen
Xoogeen duqeeyeen
Gabbalkeeda dumiyeen
Dabadeed dhegeystow
Goor damboo warkeed ba’ay
Tiiyoo dakaanoo
Naftu diiqad kuba tahay
Laga helay daleel madhan
Dabadeed la soo qaad
Degelkoodii lana keen
Hororradii la doondoon
Xabsiyada daf laga sii
Dacwaddii la soo oog
Xaakimkii dib uga bood
Dabeed qaaday tilifoon
Degdeg odayo ugu baaq
Dahabo geed-xidhkeedii
Hadda doontabuu yidhi
Dooyaysta geedaha
Ku dhammeeya dibaddoo
Arrintani demshuu yidhi
Doondoonte odayadu
Cidduu xaakimku u diray
Isu baaqe dabadeed
Afka laysu dufanee
Ku dhammeeye dibaddii
Arrinkiinna dambabase
Hororradii la soo daa’
Iyadana darmaantii
Gabbalkeediibaa dumay
Dumug odhay hankeedii
Docna looga wada baydh
Intaasoo darjiidhiyo
Inkaloo ka daranbaa
Dagalkeenna yaallee
Maxaa dacwad aan oogaa!
Sharci aan ku doodaa!

Yaabayoo dangiigsaday
Dooyaysigii furay
Hadba dacal u jeedsaday
Dabadeed waxaan idhi
Degmoy maqlay warkaagaa
Oo kici dareenkay
Se waxaan dabuub idhi
Sowtii darmaanyahay
Dowladaha adduunyadu
Dayr hore ay showreen
Dabadeed gun iyo baar
Dumarkiyo ragoo idil
Giddigood dad-weynaha
Xuquuqdood la daabacay
Ee la laalay duudsiga
Faquuqii la dayriyey
Sinnaantii la daafacay
Cadligii la doojiyey
Dulmi reebban lana yidhi
Ciddii diidda baaqaas
Waa dambiile layna yidhi
In la dayriyaayoo
Uu dabraa sharciguyoo
Duddadiis la dhigo xabsi
Lagu duugey qalinkii
Dooddiina lagu jaray
Hadmaa daaha lagu rogey
Sharcigii la dacal-maray
Gobonnimo la dayriyey
La illaaway diintii
Daacaddiina laga tagey
Hadmuu quudhsi door-noqday
Lagu faanay duudsiga
Dulmigii la doojiyay
Darajooyin loo tolay
Afartaa darseeyaye
Afar kale dareenkay
Darka aan ku soo horo
Oo durduurta aan dhaho

Inkastoon daliiliyey
Daaha aan ka soo rogey
Dibindaabyo iyo hawl
Degelkeenna taalloo
Masaakiinta lagu duro
Aan dabbaalo haatani
Dabra-celiyo sheekada
Kuna xidho dardaarane
Idilkiin dadweynow
Dubaaqiinna ii fura
Dumarkeennu waa luul
Dahabiyo xariiriyo
Deeq guulle weeyaan
Durdur aan gudhayniyo
Gallad daayin weeyaan
Ha daardaarin waa gobe
Dibindaabyo ka ogow

Ubadkeennu waa deeq
Daayinkeen inoo huray
Naxariis ku daaddihi
Ha u dirin wixii culus
Eenu daacaddii Karin
Derbi-jiifka muunee
Dubaaqiisa noolee
Ku dadaal daryeelkii

Haddii daayin guunyiyo
Deeqdiisa kuu huray
Danyartiyo saboolkiyo
Intii diif la jiiftiyo
Maatidaada daymood
Naxariis ku daaddihi

Naafada ha duudsiyin
Astaan daayin keensaday
Ha ku dayrin abidkaa
Daryeeloo ha daayicin
Haddii kale damiinow
Daayinkaa ku duudsiyi
Adigana ku dayrini
Dambaabudhada naareed
Waaxyahaaga way duban

Dadka soo hayaamiyo
Dool-qaadka kuu yimid
Degelkiyo dhulkoodii
Ay dubteen abaaruhu
Dunbuqiyo rasaastiyo
Ka soo yaacay danabbada
Iyagana ha duudsiyin
Dibibdaabyo ka ogow
Gobonnimo ku daaddihi
Afartaasi waa deyr
Maansadaan dalleeyiyo
Ku af-meeray dooddii
Curinta: Khadar Xuseen Daahir( Hayl)
Arday ka tirsan kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargeisa,
Ahna guddoomiyaha Bahda Hal-abuurka iyo Qoraalka ee (HAL-QOR)  
Tel: +252 63 4483403
Email: khadarxd@hotmail.com

No comments:

Post a Comment