Monday, February 24, 2014

Maqaal:Ishaa kuu macalin ah!

Ishaa kuu macalin ah!
W/Q: Cabdicasiis Yuusuf Maxamed (RUUSH)

waxay ahayd maalin aan sidaa usii fogeyn markii madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliland mud.axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) uu dhagax dhigay waddada halbawlaha ah ee isku xidha ceerigaabo iyo burco.
Horumarka wadan sida aynu ogsoonahay..........
wuxuu kasoo unkamaa oo uu ku tiirsanyahay kolba sida umada wadankaa ku dhaqan wax uwada qabsato iskuguna duubnaato dawlad iyo shacab .
Dhagax dhigii wadada ceeribaago waxay riyo habeeneed ku noqotay dad badan oo run ahaantii ka xun horu marka qarankan SOOMAALILAND.
Waxay xukuumadani ku hawlantahay horumarinta dalka gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee adeega bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaa19 February 2014 dalka soo gaadhay agabkii lagu bilaabi lahaa waddada ceerigaabo waxaana lagu rajo wayn yahay in si dhakhso ah loo bilaabo wadadaaas isku xidhaysa ceerigaabo iyo burco hadii ALLAH idmo.
Qalabka lagu dhisayo waddadan ee dalka soo gaadhay waxaa uu shakiga ka saarayaa qaar ka mida bulshada oo maalimihii u danbeeyay dhagahooda ay ka badatay xukuumadu waxay isticmaalaysaa lacagtii dhismaha wadada ceerigaabo.
Tan iyo maalintii xukuumada KULMIYE ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne siilaanyo ay la wareegtay talada wadanka waxaa si isdaba jooga usoconaaya horumarka ay ku talaabsanayso ee dhinacyada badan leh.
Waxaan kow iyo labo aan la odhan karayn sida ay u horumarisay dhaqaalaha, waxbarasha ,caafimaadka iyo  kaabayaasha dhaqaalaha.
Hadii aynu eegno xaga dhaqaalaha waxaa kor u kacday miisaaniyadii wadanka taasoo markhaati u ah horu marka lagaadhay.
Xaga waxbarashada waxaa lagu sameeyay wax ka bedel weyn. waxaa gebi ahaanba lacag la’aan laga dhigay dugsiyada H/DHEXE ee dawlada ,taas oo suurto gal ka dhigtay in qoysas badan oo danyar ah kuwaasoo markii hore aan awoodayn inay caruurtooda dugsiyada geeyaan sababo dhaqaale awgood ,ay ku soo dhiiradeen taasoo natiijaduna noqotay in arday badan ay dugsiyada tagaan.
Sidoo kale waxay dawladu horu mar ka sameysay dhinaca caafimaadka oo la’aantii aanu horumarka bulsho dhamaystirmayn.
Ugu danbaytii waxaan odhan karaa SOOMAALILAND waxay cagta saartay waddadii horu marka.
‘Wabilaahi tawfiiq’
24th Feb. 2014
W/Q: A/aziz yuusuf maxamed (RUUSH)
Abdiasiis_rusia@hotmail.com
Arday ka tirsan jaacmmada HARGEISA
HARGEISA  SOMALILAND


No comments:

Post a Comment