Tuesday, March 4, 2014

Maqaal: Fekradaha Dhantaalan

Fekradaha Dhantaalan
Qore: Khaalid Ismaaciil Yuusuf (Muumin)
In dhawaalahan waxa sida toggaga u burqanaya qalinka da’yarta, waxana si aan kala go’ lahayn u soo baxaya maqaalo, sheeko faneedyo iyo buug-yareyaal kala ujeedo iyo abbaar duwan. Dedaalka dhalinyarta qalinka godlay waxa ummada inteeda kale gaadhsiiya wiilal iyo hablo aan tiro yarayn oo dhiilasha u culay dambarka khadka qalinka qoraayada ugubka ah, dunidana waxa ay ku gaadhsiiyaan ilbidhiqsiyo kooban.
Farshaxannimada jiilkan maskaxda maalay ayaa..................
ku ashqaraar gelinaya. Waxa aad si mug leh ugu bogasaa sida ay u saafayaan ee miidda u huwinayaan, ugana dhigayaan qoraalkooda wax cunaha mari kara. Mana aha dedaalkoodani mid ay ku dhaaminayaan haan gun la’, waxa se qoraal walba akhriya tiro aad u badan oo u heegan ah in ay dhuuxaan oo duxda ku jirta ka muudsadaan.
Hal-abuurnimo isugu jirta toosin, guubaabo, baraarujin iyo dhiirigelin ayaa dhalintani subax, galab iyo habeenba soo geliyaan mareegaha wax baahiya. Maaweelo kama madhna, kumase badna.
Hal-abuurnimada ay ku kala afkaar iyo ra’yiga duwan yihiin waxa sal u ah kacaan isbedel doon ah. Ha ahaado isbelka ay raadinayaan mid dhaqan-dhaqaale, mid siyaasadeed ama ku falsafad nololeed ku dhisane.
Hadaba ka hadalka nooca isbedel, sida uu ku imanayo goorta ay tahay in la dhaliyo iyo cidda ay tahay in ay keento ayaa muujinaysa fudaydka, aqoon-yarida, daraasad la’aanta iyo qiirada dhantaalan ee da’yartan qalinka qaatay.
Wiilasha iyo hablaha qoraalka u jeedsaday waxa ay kala qaadeen dariiqyo iyo wadiiqooyin feker oo ay ka dhaxleen nooca waxbarasho ee ay heleen, ama xataa buugta ay akhriyeen.
Taas ayaa ah ta quruxda, qiimaha iyo farshaxannimada qoraaga da’da yar ee soomaaliyeed ku ridasa bohosha afka ka saynsaaban. Amaanta iyo bogaadinta ay mutaysteen kun laabkeed oo dhaliil ah waxa dul yaxoobinaya minguurinta iyo dheegashada feker aan sal ballaadhan lahayn, ama mug weyn oo aan helin odoros iyo rogrogid ku filan.
Haa, qoraalka aynu qorno waxa canbaar iyo boog miidhan ka dhigaya canjillida indho la’aanta ah ee dadyowga kawnka inala wadaaga aynu ku raad gurno.
Haddaba si aan dedaalkeenu u noqon mid jaho-wareer hor leh inoo hogaamiya, geediga aynu lallabanaana u noqon mid sahan la’aan aynu ku furno dhul omos iyo oon inagu dilaan waxa ay tahay in sal aynu uga dhigno isbedel doonka afar arrimood oo kala ah:
·         Feker Currin: Mar kasta oo aad jeceshahay in aad dhib taal xal u hesho ama muraado in aad nooc isbedel ah hor kacdo waa in aad curiso feker fayow oo aan hortaa la tijaabin, waxtarna noqon kara. Fekerkaaga cusub ayaa laga yaabaa in uu ka manfac bato ka gaboobay ee dad gaar ahi xilli gaar ah maskaxdooda ka liseen. Fekerkaagan cusub waxa aad ku abuuri kartaa jewiga aad rabto, yaan goortu noqonba ta aad rabto’e.
·         Dheegasho: aqoonta iyo fekerku waa waxa u badan ee dadyawga kala diinta iyo dhaqanka ahi kala qaataan. Waxba kuma jabna in aad jamato feker ka yimi qoomiyado aad kala dhaqan iyo diin fog tihiin, waxa se lagaa rabaa in aad yeelato awood aad ku odorosto, ku deristo kuna kala shaandhayso laamaha hoose ee fekerka guud yeelan karo. Waa waajib ku saaran in aad hoos u dhugato faracyado ka bixi kara mucda fekerka aad soo dheegaso. Waa laga wanaagsan yahay in aad duuduub ku soo minguuriso fekerka shisheeye. Waxa se lagaa rabaa in aad saarto miisaan, kala hufto oo kala haadiso. Fekerkaaga dheegashada ah waa in aad ku salayn karto waaqaca runta ah ee ummadaada, kana fogaan karto in uu si uun uga hor yimaado diinteena islaamka ah. In fekerkaaga iyo dhaqanku is hirdiyaan dhib waa aad kala kulmi kartaa mase aha in aad u dabranaato dhaqan ina fadhiisiyey inase kicin kari waayey.
·         Badhxid: Waxa aad u badan feker waaxyo ka mid ahi anfac u yeelan karto bulshada ama kaa caawin kara dooda nooca isbedel ee aad rabto, balse aad ku aragto qaybo ku raaligelin waaya oo aad liqi kari waydo.
Qoraaga da’da yaroow ceeb kuguma ah in aad qaybaha kula toosnaan waaya ku bedelato ama ku kabto feker aad leedahay, si uu kuugu dheelitiro ugana dhigo mid sida aad rabto wax u wanaajin kara. Waa aad badhxi kartaa haddii aad in uun awoodo lafagurka.
·         Taageerid: feker kasta oo aad curiso, dheegato ama badhaxdaa waxa uu kaaga baahan yahay taageero dhidibo u noqoto. Haa, waa in aad u samayso tiirar adag oo uu cuskado marka la falanqeeyo ama laga doodo, taasna waxa aad ku heli kartaa baadhid qoto dheer oo u hiilisa fekerkaaga. Marna ha ilaawin in dad feejigan oo kaa aqoon iyo xirfad badani ku eegi doonaan indho qudhaanjo, badhkoodna la mataanayn doonaan fekero hore loo dhibsaday ama loogu jabay. Si aad u qotomiso fekerkaaga waa in aad marka horeba is weydiiso dhaliilaha uu yeelan karo, si inta aanad dadka u hordhigin u gufeyso oo galdaloolooyinka uga saarto.
Ugu dambayntii ma aha in aad isu diyaariso in hore laguula qaato fekerkaaga, iyo ujeedada uu xambaarsan yahay qoraalkaagu. Maskaxda marna ha ka saarin iyo xog ururintu kaa caawinaso taabo gelinta fekrada aad gudbinaso.

Allaa-Mahad-Leh

Khaalid Ismaaciil Yuusuf (Muumin)
Fb: Khaalid I. Dheglibaax


No comments:

Post a Comment