Friday, March 14, 2014

Sheeko gaaban:Waayahay macalin!

 Sheeko gaaban: Waayahay macalin!
W/Qorey: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Waxaa lagu jiraa fasaxii sanad dugsiyeedka, oo ay markaas wax yari ka hadhsanayd ka soo noqoshadii fasaxa. Macalin Maxamuud oo maadada xisaabta ka dhigi jiray iskuulka ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka soo raacay bas xaafada Masalaha ee ku taala koonfurta magaaladda hargaysa, isla markii uu macalin Maxamuud soo fuulay baska, waxa uu fadhiistay oo u banaanaatay kaliya kursiyada dambe ee laba labadda iskugu samaysan, baska intiisa hore na...........
waa ay buuxday. Cabaar markii uu baskii socday ayaa waxa soo kortay baskii innan aad u quruxbadan oo labiska ay xidhan tahay kusoo jiidanayo, cadar aad u udgoon badana ka soo kam-kamayo, mise ileen kursi kale ma banaanee waxa ay ag fadhiisatay macalinkii. Inantu waa Ilwaad oo maalintaa booqasho ugu tagtay xaafad ay qaraabo ahaayeen oo ku taalay halka ay baska ka soo raacday.  Macalin Maxamuud aqoon uma lahayn inanta, laakiin inantu si fiican ayay u garanaysay macalinka, oo wuxuu ahaa macalinkeedii iskuulka, nasiib daro se iskumay sheegin markiiba oo ma ay salaamin, balse xishood ayay hoos u foorarsatay iyada oo dhinac ka yar dhoola-cadaynaysa. Macalinkii meeshaba muu soo dhigan waa ardaydaadii, sababta oo ah barta iskuulku ka dhisan yahay iyo halka uu basku ka yimid aad bay u kala fog yihiin, oo haddii uu is odhan lahaa waxa soo qaada basas iskuulku wuxuu ahaa kuwa dawlada, iskuulada dawlada inta badan ardaydoodu waa deegaanka uu iskuulku ku yaalo, oo aad bay u yartahay in arday ka yimaado iskuul dawliya masaafo fog. Waxyaabahaas oo dhami waxay maanka ugu jireen kolay macalin Maxamuud oo inantii isla markiiba ku bilaabay kaftan aannuu shukaansi ka madhnayn oo uu ugu duur xulayo inanta, xaqiiqatanna wax ulama hadhine haasaawe wixii uu u holaday waa uu boobsiiyay. Ilwaad waa macalinkeedii oo ay garanayso, balse ay u cadahay in aannuu macalinku aqoon u lahayn, sababta oo ah waxay ahayd ardayda inta badan aamusan ee aan hadal, ama aanay wajigeedu inta badan qabanin indhaha macalimiinta. Waxa ay sheekadii socota oo innantu ka gurto macalinkeeda, waxa soo dhawaatay bar dhamaadkii baska oo ah suuqa, masaafo yari na ay ka hadhsan tahay, macalin Maxamuud oo aad u faraxsan ayaa inantii ka codsaday in ay u qorto nambarka telefoonkeeda gacanta, inta uu u dhiibay moobilkiisii, Ilwaad ayaa iyana u qortay nambarkeedii, kii macalinkana qoratay. Imika waxa la soo gaadhay suuqii, baskiina waxa uu taagnaa in muddo ah wadada oo aad u cidhiidhi ahayd awgeed. Ilwaad ayaa inta ay kacday tidhi ii joog waxa aan iskaga dagayaa halkaase. Macalin Maxamuud se weli waa uu saaran yahay baska. Markii ay sii dagaysay ayaa uu macalinkii inantii ku yidhi waayayhay Ilwaad waa aynu soo wada hadli doonaaye, misena inantii Ilwaad waxa ay ugu jawaab celisay macalinkii “Waayahay macalin haddii Alle idmo”.
Macalin Maxamuud ayaa naxay oo gartay markiiba in ay ka mid ahayd ardaydii uu wax u dhigayay, ………………..Aheey mar hore ba maxaa aad u waydiin wayday halka ay dhigato iyo meesha ay dagan tahay shit, waxa iskula shawray macalinkii oo anfariirsan. Soo booda soo booda waa ay dhamaatay lacagtiiye waxa ku dhawaaqay lacag ururiyihii baska, macalinkii na ku celiyay waar maxaanu soo boodnaa, …….Ax! yaa harageedii nagaga celiya hadaba.
Dhamaad.



W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com
Mareegta: Www.Bar-qoraal.blogspot.com


No comments:

Post a Comment