Tuesday, October 7, 2014

Sheeko: Ma tahriibay?

W/Q: Sakariye Cabdixakiin Maxamed (MIIDO)
Waa fiid   aad moodo gawaadhidii magaalada in ooda laga qaaday, hadba guuxa,qiiqa iyo boodhka ay ki ciniyaan waxa ay jeeniga ku qaadayaa dadka intii lugta maalaysa ee socodka miciinsanaya. Dadku kala waayo duwane fiidkani waa fiid baas oo u soo galay wajiga ayuu dadbayaa waxa u hoosta ka caayayaa gawaadhida sida xawligaa ku dhaafaysa ee siigada iyo boodhka indhaha kaga saydhaya oo isaga...............
la ah in ay kaligii ogaan ugu kicinayaan habaaska. Waxa niyadiisa ka guuxaya fikrado badan oo uu hadba dartood labaxayo oo uu kuna dheeraanayo ka fekerkooda. Waxa ay naftiisu is waydiinaysaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin”talaw maxaaa halkan ku dhigay? oo maxaaa ku dhigi waayay? Niyaw ma bilaa nasiib baatahay? Oo horta yaa nasiib leh?........?? iyo qaar kaloo badan waxa uu ka qoomamaynayaa waxa xiligan kusoo reebay halkan oo isaga la’ah meellaga haajiray oo aanay cidi joogin waxaanay isaga ugu muuqataa saxaare lama dagaana oo uu kaligii joogo . Hadba waxa hor imanaya ninkii ina suudi iyo kii ay saaxiibada ahaayeen oo meel barafa taagnaa goor uu shabakadda facebuuuga isticmaalayay, waxa kale oo hadba dhagahiisa kusoo dhacaya hadaladii uu saaxiibkii rooble ku lahaa goor aan saa usii fogayn oo uu kula hadlayay aalada warka tabisa uguna waramayay inuu raaxo ku jiro kuna suganyahay dalaka Austria. Waxaaba waxa kagaa darnaa Asli oo lasoo hadashay goor dhawayd una sheegtay war uu aad isula badalay kana dhigay maqane jooga,waxa uu aad uga fekerayaa wixii dhexmaray isaga iyo Asli oo aad usaameeyay maskaxdiisa, waxa uu is waydiinayaa waxa ay sidani u dhacayso.? Farxaan waa wiil aad u da yar waa 23 jir hada dhameeyay dugsiga sare waxa uu hada ku talo jiray in uu dalka jaamacad ka galo shaqo yarna meelaha ka raadsado. Waxa wiil garaad badan oo had iyo jeer dhalinta da’diisaa ahi talo ka soo raadsadaan se manta isaga ayay talo ku cadahay, waxa uu ahaa dhalinta aadka u neceb tahriibta had iyo jeerna isku daya in uu ku qanciyo dhalinta inay dalkooda aaminaan oo aanay ka tagin. Maanta waxaad moodaa in ay farxaan taabatay waayo ka qarsoonaa oo ay dhalinta kale is waajihi jireen, waa fiid aad ugu xun noloshiisa ismana laha fiid lamida ayaa ku soo maray kuna soo mari doona caawa walaw ay noloshu waayo badantahay oo ay siday jeceshay iyadu yeesho. Waxa aad moodaaa nin shoog haysto kama baydhayo cidii ka hortimaada oo ma oga mana arko se wuu indha qabaa ma maqlayo se dhagihiisu way shaqaynayaan, ma garanayo meel uu u socdo,halka uu ka socdo, jiho uu ka socdo iyo ta uu socdo midna, se hadana wuu jeclaysanayaa inuu socdo sidii nin meel ku dagdagaya oo gabal ka dhacayo. Intaa uu soconyao waxa hadba uu galayaa mawjad ka mida ku wa caawa dhaqaajiyay maskax diisa, hada aad ayuu u baxsanyahay oo waxa maskaxdisu si toosa usoo celisay hadaladii isaga iyo Asli dhex maray,Asli waa gabadh ay wada sheekaysanayeen mudo 3 sanadooda oo ay kawada baxeen dugsiga sare waa gabadh iyana kaabtay masxkaxdiisa kana qayb qaadatay ka badbaadinta aafada tahriibta ee bulshada uu ku sugnaa sumaysay taas oo wakhti kasta kulla talin jirtay in uu dalkiisa wax kasta ku noqon karo uuna aamino noloshiisa waxii alle u qorayna anay dhaafayn, waxa ay ku jiraan axdi waxa ay iskula balameen in ay nolosha isla wadaagi doonaan inta uga dhiman hadii alle u idmo. Waxa hada maskaxdiisu la yaabantahay maanta hadalada ay ku wada hadleen iyo sida ay u qadhaadhaayeen waxa uu naftiisa ku leeyay (war ileen hadal baa qadhaadh ayuun baan maqli jiray walee dhadhan ka qadhaadhi ma jiro qadhaadka hadalka iyo ereyada aad maqli karin’’ waa yaab talaw hadalkuna madhadhama?, waa laga yaabaa se talaw siduu dhadhamaa? Waa su’aal hadii caawa la waydiiyo uu ka jawaabayo layaabna aan ku noqonayn, waxa ay maskaxdiisu si toosa ugu soo celisay hadaladii ay iswaydaarsadeen isaga iyo Asli, waxaana si wayn u maqan maskaxdiisa oo toos ula socota wakhti tagay saacado ka hor, waxa ay ku bilaabantay sheekadu Asli:halo Farxaan:haa wlo macaan saw iima wacnid Asli:walaalo wan wacanahay Farxaan:manshala walaalo ee xaalka haye maxaa cusub? Asli:walaalo arin wayn waana waxa aan ukuba soo garaacay xiligan walaalo ee walaalo waxaan kaa rabaa in aad is adkayso Farxaan:yaah! Walaalo maxaa dhacay? Asli:walaalo walle xalay waxay I ahayd habeenkii aduunka iigu xumayd markii aan maqalay warkaan kuu sido sidii aan u iiyir belay walaalo hadan kaso baxay Aad ayuu hada u werwerayaa hada waxa maskaxdiisu soo diraysaa jawaabo aad u fara badan kalana duwan(talaw ma geeribaa dhacday? May may oo waad maqlilayde..! alla oo mala maad ogayne wayndhacday? May may oo soo digii gurigooda soo hormaray! War malaa waa qof ayaa xanuustay alla waa tii waa ayaydeed xanuusnaysee malaa waa iyadii………………!!!? Iyo qaar kaloo badan se jawaab saxa ma ay siin Asli:walaalo horta waa inaad is adkaysaa Farxaan:is adkay aa!!! Asli:haa walaalo waa arin aad iyo aad uga xumaan doonto se aan waxba laga qaban Karin Hada aad ayuu u werwerayaa maskaxdii way joojisay jawaabihii kasoo baxayay waxay ka qayb noqotay sugayaasha hadalka Asli iyo naxsanaanta dhamaan xubnaha jidha Farxaan. Farxaan:en een iisheeg walaalo Asli:walaalo horta calafku waa wax an cidi ogayn oo ka mid ah wax yaabaha aadamaha ka qarsoon e aanu awoodin inuu ogaado,walaalo dadku waxbay qorshaystaan se hadana tii Alle ayaa meel taala Farxaan: waa sax walalo waa sidaa aad sheegtay Asli:walaalo waxa xalay lay sheegay in isla barri lay bixinayo arintaana aabahay gooyay ina siinayo wiil uu dhalay nin ay saaxiibo yihiin. Farxaan:yaaaaaaaaaaah!!!!! Walalo maxaad leedahay?? Asli:walaalo fadlan is adkee waan ogahay in ay aad u adag yihiin ereyada aan ku leeyahay se hadana runtu walalo waa lama huraan Farxaan:inagada kaftanka walaalo ma aha wax lagu kaftamo arintaniye Asli:walallo manigaa kugula kaftami lahaa sidan Farxaan:oo imika waa dhab? Asli:haa walalo ma beenbaad igu taqaanay? Farxaan: may may walaalo ee waa hadalkan ayaan ka wareearay Asli:walaalo waa imtaxaan jacayl ee haka yaabin kaliya Samir iyo adkaysi ayaa inala gudboon. Farxaan:walaalo se waayee imtixaanka jacaylku ma midaan la basin baa? Asli:walaalo anba waa sida aan umalaynayo waana su’aal jawaabteedu alle xagiisa ku maqantahay Farxaan:walaalo se ma garbaa in sidani igu dhacda Asli:maaha gar se gartii jacaylka manta waa la aasee ma waxbaynu u qaban karnaa hadii uu calaf uu ka adeegay Farxaan:calafkaan hada necbahay haa isagaan necbahay ax! Asli:walaalo waa wax aan kala jeclayn in la jeclaado iyo in kale Farxaan:oh!oh! walaalo malaa ka dhab maaha Asli:walaalo miyaad ooyaysaa ax wallao is adkee hada waxa wacan in aan dhigo taleefanka Farxaan: maya maya se manta maha malin an wax kale awodo Asli:walaalo waan ka baxayaa khadka waxan kaliya oon kugula dardaarmayaa inaad naftaada ii ilaaliso Allena waxaan kaaga baryayaa in uu ku siiyo mid iiga kaa wacan, kuma quudheen se waa layga kaaa qaaday walaalo nabad galyo Faxaan:walaalo maaha in aad sida I tidhaahdo aniga niyadaydu cid kale ma ogoshay horta ima waydiinaysid miyaa walaalo anuu ma karo in aan cidkale niyda u furo ama aan nafta ku aamino mar danbe, haloo! Haloo! Asli walalo haloo! Hada waxa uu dareemayo Farxaan waa wax aan lamalayn Karin, jidhkiisa hadii badh la goosanayo ma oga waxa aad moodaa in dhulka dusha laga saaray war tebiyaha uu gacanta ku hayaa waxa uu kaga culusyahay buur miisaankeed se wuxuu isku deyayaa in uu kor usoo qaado si uu ugu celiyo Asli oo ku damisay taleefanka indhiisu ma arkaan khadka war tabiyaha se wuxu isku deyayaa in uu caadka fuushan ka awood bato, wax uu in xoogaaya la legdamo hawshaa waxa uu ku celiyay lanbarkii Asli …. In cabaara markii u dhacaayay ayu ku war helay jawaabta ninka ka dhex hadlaya aaladiisa talaw waa ayo, waa cod caana oo lawada yaqaan se maanta isaga waa mid ku cusub kagana daran raran uu cagaagni ku marayo(lanbarka aad lahashay lama qabanayo) u qaadan waa waligii taleefanka Asli kama uu maqal codkan manta uu aadka u dhibsaday, wuu ku celiyay se waxba isma bedelin se codkan danbe ayaa ka keenay dhidid ah quus,xaalada uu ku sugan yahay waa mid hadii dibada loo soo saaro cid kastoo qalib leh ay la ooyi lahayd iskuna dayi lahayd in ay dawo u hesho wiilkaa se waa wax aan dhacayn waa uu ooyay maasay hadana ku noqotay wuu dhididay masuu hadana dhaxamooday, gariika gacmihiisa waxaad moodaa in uu faalig hayo oo waxa dareemaya cidkasa oo u jirta in qof laga arko wajigiisa dhabta ah ee lagaga garto dadka kale. Isagoo xaaladaa ku sugan oo aad moodo in uu hada la hadlayay oo ay hada ahayd arinti maskaxdiisu soo ceshaynaysay waxay niyadiisii ka dhigtay mid aan marayn halka uu hada marayo ee ay noqoto mid aan kasoo noqon wixii dhacay saacado ka hor. Farxaan waxa uu marayaa suuqa magaalada Hargaysa badhtankiisa, waxa uu ku war helay Farxaan qaylada dadka iyo sawaxanka kasoo baxaya iyo daymada ay isaga soo wada eegayaan qaarkoodna xaga ka danbaysa ay ku maqan yihiin, waxa uu daymooday xagii daymada dadka qaarkood ku maqnayd waxaba uu arkay gaadhi xawli ku soconaya oo aad moodo in uu xejiyihiisii goostay, maba nixin kamana qasna oo ma moodid ni khatari soo waa jahdee waxa uu daymo disii ku sii watay afar ludooglaha ku soo waajahan,dhamaan dadki waxa ay gacmaha kula degdegeen indhaha iyo dhegeha iyagoo kuna dhawaaqaya ereyo kala duwan oo ay ku muu jinayaan ka werwerka is haleelka wiilka iyo baabuurka(dhimay… alla waar ka leexo … waaka hoogay.. waar miyaad ka carartid……….) iyo qaar kale se Farxaan ma maqlayo hadana ku darsoo madhaga la’a wuu arkaa dadka gacanta iyo indhaha isasaaray se wax dareena kuma lahanaftiisa. Wadihii baabuurku isna waxa uu aad uga werwerayaa arintan soo waajahday oo waxa uu ka fekerayaa sidi uu u maarayn lahaa, waxa ay maskaxdiisu siinaysaa jawaabo isdhaafa oo aad u degdeg badan oo ay ka mid yihiin(xejiyaha qabo?may may oo biluu qabsami waayaa?oo soo digii ku ogaa?war mayee leexi? Oo xagee u leeexi? Dee gidaarka ?war kadaa ? mayee ku du’? war biluu gaadhig burburaa? War naftaa ka weyn?.....) intaasoo dhami halmar ayay ku kulmeen maskaxda wadaha baabuurka se aakhirkii waxa uu adinka bidix la helay xejiyaha baabuurka waxa uuna cidi in leeg kaga joojay Farxaan. Markii uu hubsaday in uu joojiyay baabuurkaa ayuu isaga oon siigadii gaadhiu kiciyay wali kor u kicin isna qabsan kazoo booday daaqada isagoo ku qaylinaya hadalo ay ka mid yihiin(waar maad waalantahay? Xagaad wadada u dhex istaagaysaa? Waxaasaa maaalada lagu soo saynayaa! Talaw ma fedha?..)iyo ereyo kale se Farxaan xaaladan oo dhami kuma laha wax saamayna kaliya waxa uu arkaa ninka ay dibnihiisu aad ka u dhaqaaqayaan afkiisuna aadka u kala baxbaxayo, gacmihiisa uu aadka u dhufdhufanaya iyo faraha indhaha laga gelinayo, wax jawaaba ma uu bixin mana oga wax layidhi se wuu dareenasanyahay in isaga ay u ku socoto waxan oo canaan,hamjabaad iyo aflagaadayn ahi. Dadkii oo ay rajadoodu dhimatay ayaa ku war helay siigada cirka ku shareerantay iyo qaylada wadaha oo goor uu degey mooyee hor aluuban fooda hore ee Farxaan waxayna ku tuurtuureen kalmado iyaga oo qaarba dhan wax ka eegaya, qaar waxay dhaleecaynayaan Farxaan ,qaar waxay tilmaamayaan sadaqada ku baxsatay halka qaar kalana ay amaanayan wadaha baabuurka. Farxaan waxa haysta ayaa kalla weyn arintan waxna uma arkayn haduu dhinto oo naftiisuba qiimo lama lahayn wuuna ka luuday isagood moodo sarkhaan qaarka danbana aad mmodo in yaraantisii aanay hooyadi ugu roonayn duugida oo aanay xooganayn lugihiisu. Markan farxaan waxa uu ka fekerayaa sidii uu uga bixi lahaa arintan iyo sidii uu xal u arko walaw uu dareenkiisu hawada marayo go’aanka uu qaatana uu yahay mid u badan in uu yahay mid degdeg keenay oo aan faa’iido lahayn. Waxuu socdoba wax uu ku war helay isaga oomagaaladi kasii baxaya waxa uu daymooday hareerihiisa isaga oo dhawr xaafadood iyo dhir jeeniga ka ugu dheeri joogo iyo doog yar oo hada roobkii da’ay ee dhibcaha yaraa soo biqliyay, waxana uu garawsaday in uu magaalada cidhifkeeda joogo. Dib ayuu usoo noqda waxana uu soo raacay qayla badan oo dadku u yaqaanaan bajaaj ta oo la ogyahay in ay xagaa itoobiya inagaga timi, waxay lasoo qararac laysaba waxa ay keentay aagiii uu gali jiray waxa uuna bixiyay kiradii kadib wax uu u soo luuday meel uu fadhiisan jiray. Farxaan waxa aad ugu soo yaraatay dunidii meel kastana waxay la noqotay in ay dansantahay waxa ay ula muuqataa magaaladu meel gabaahiira oo laga tagay waa hore, waxa uu ka fekeray sidii uu u xalin lahaa arintan soo waajahday noloshiisa. Farxaan waxa ku soo dhacay fikrado aad u kala duwan (ma isdishaa? Oo aakhiro xagaad qaban? Hadaa xagaad uga baxdaa meeshan?oo xageed qaban?se halkee dhaanta?.............iyo su’aalo kale oo badan se markii danbe waxa kusoo dhacday fikrad uu aad uga fekeray oo xataa xasuusisay reerkooda oo reer guuraa ah. Waxa uu ku fekeray in uu tahriibo ku darsoo wa tuu kala talin jiray dhalinyarada iyo cid kasta oo uu ka maqlo arimaheeda in uu hadal hayo. Farxaan waa wiil ka dhashay reer saboola qoys kooduna waa reer guuraa aan lagu ogayn xoolo badan oo lagu majeerto, waa ka u wayn qoyskooda oo waa curadkii hooyadii Kawsar iyo aabihii Xasan. waxa isaga oo 5jira soo gaxaysatay habaryartii Kaltuun oo hooyadii ka weyn kuna dhaqan magaalada oo ku haysata dukaan aan saa usii waynayn, waa wiil hada la sugayo xoogiisa oo iyo waxtarka naftiisa,qoyskiisa iyo cida soo korisayba. Wuu ogsoonyahay in uu indho u yahay habar yartii oo aan cid dhalin, wuu ogyahay in waxtarkiisa ay sugayaan laba waalid oo soo gotay xadhigna ugu xidhanyahay bogga, wuu ka dharag sanyahay in maanta haduu tahriibo uu beerka jarayo sadex waalid dhib ka xanuuun badan kii foosahana uu ku ridayo labadiisa hooyo. Farxaan oohintu waxa ay qoysay laabtiisa dhabankiisana waxaad moodaa gacan biyo ka helay roob mahiigaana oo ku wada beer anfac badan laga sugayo sida ay ilmadu uqul qulayso ee ay ugu shubayaan laabta Farxaan. Waa fiid ula mida in uu waayay wax kastoo uu dunida haystay waxa ku furan werwer intii ruux ku furmi lahayd waxa uu ku dhici layahay in uu go’aansado in uu tahariibo, hadba waxa ay ilmadu kusii badanaysaa marka uu wada xasuusto sida waayuhu uga hiiliyay sidii ruux aanay fursad danbaba u hadhin,waxa uu ka cawday wakhtiga oo ka hiiliyay niyadana wuu ka calaacalay se waa cabasho aan cidi u ogayn garawshiyana looga haynin ugu danbaynti waxa go’aan saday tahriib aanu taag iyo tamar toona u hayn ma oga cid wax kasoo daba diri doonta,mana rajaynayo se isagu waa madax qarsi go’aankiisu. Waxa uu jeebka ku hayaa dhawr kun oo uga soo hadhay kiradii bajaajta waxa weheliya aaladiisa warka tabisa oo xoogaa qiimo wacan leh, meel kuma oga,kaydna ma leh aabo uu siro iyo hooyo uu baadhaana majirto se markiiba waxa uu niyada ku qabtay sidii uu iibinlahaa taleefankiisa gacanta waxana uu u hinqaday sidagdaga isaga oo abaaraya meeluu ku ogaa mid kala iibiya aaladaha casriga ah kana shaqaysta oo wax ka dhex faa’ida inta uu dhexda kusii socdo waxa uu isku qancinayaa in uu joogo se niyadiisu waxay ku qasbaysaa inuu tahriibo iyadaana gacan saraysa oo go’aankeedu xoog badanyahay. Nasiib wanaag waxa uu helay ninkii waxana uu u dhiibay taleefankii isaga oo ku adkaynaya in uu isla caawa u elo iib. In xoogaayaba kadib iyagoo sidii u wada taagan ayuu helay cid iibsanaysa waxana uu kasiiyay 50$ iyo dhawr dollar oo dheer waxana uu Farxaan qaatay 50$ kii waxana uu usoo kacay xaga guriga, intii uu soo socday ayuu ka fekeray in uu qarashkani kaafiyaayo se waxa uu ku qancay in aanu ku filayn ilaa uu ka gaadhayo magaala madaxda dalka itoobiya ee Adisababa se kama fekerin intaa waxii ka danbeeya Alle ayuu tala saartay oo isba wuu ogyahay. Waxa uu ka fekeray halkii uu ka keeni lahaa se waxa uu garanwaayey meel uu u dhaqaaqo oo uu wax kasoo helayo, waxa hortimi hal meel se niyadiisu waxay siin wayday halka ay soo jedisay maskaxdiisu, hadana waxa uu meel uu u dhaafo uu garan waayay arintaa. Waxa uu ku dhici waayay in uu dukaanka habaryartii ka xado lacag se hadana magaranayo meel kale taasina waxa ay keentay in uu ku dhiirado waxana uu ugu yimi wiil hayay kuna qanciyay in uu caawa haynayo dukaana ee uu iskaga tago. Markii uu kalibdhay muuqii wiilku ayuu degdeg u furay qasnadii kana soo saaray 300$ isaga oo aad u ooyaya kana xun waxa uu samaynayo hadananisku qancinyaya in qayrkiiba sidaa yiii. Waxa u aad uga werwerayaa waxa u sameeyay, habaryartiisuu isugu daray lacag ka xadida iyo ka tahriibida,waxa kale oo aad uu uga ooyayaa sida dhalaanka marka uu xasuusto waxa ku dhici doona waalidkii marka ay maqlaan in uu tahriibay. Waxaa uu isaga oo ilinta iska tiraya naftiisa ku qanciyay in uu khayr u danbayn doono hadii uu nolol yurub ku gaadhana uu waalidkii kaafiyi doono noloshoodana hagaajindoono, waxana uu ku booday gaadhi qaad ku socda magaalada jigjiga. Dhawr maalmood kadib wax latabay Farxaan oo aan looga baran dhixid iyo maqnaansho waxa la maqlay in uu tahriibay, habaryartii Kaltuun oo markii ay lacagta waydayba xagaa uga werwer sanayd ayaa loo xaqiijiyay in uu ka baxay magaalada waxayna ku suuxday halkii iyadoo u dhimatay naxdinti ay la suuxday. Waxa uu warkii geeerida iyo waxa sababay uu gaadhay waalidiintii Farxaan halkaas oo ay hooyadiina laba caaano maal naf iyo neefba laga waayay waxaxa ay soo miirawday iyada oo ku ducaysanaysa Allaw wiilkaygii isoo celi isaoo nabad qaba markaas ayay dadkii iyo aabihii Xasan oo ka agdhawaana halmar ku dhawaaqen aaammmmiiiinnnn.

No comments:

Post a Comment