Bixinta Darajooyinka Ciidamada, Guul U Soo
Hoyatay Somaliland
Waa Qalinkii: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-Cadde)
Bixinta
darajadda ciidammadda ayaa ahayd tallaabo horumar leh oo ay qaadday xukuumadda
maanta taladda dalka haysaa, waana guul u soo hoyatay gabi ahaanba shacabka
dalkan Somaliland.
Ugu
horeyn waxaa markii u horreysay
lagu taxay oo lagu bilaabay bixinta darajooyinka; taliyayaashii ciidammadda kala duwan ee dalka iyo saraakiil sarsare oo la siiyay darajooyinka kala ahaa sarreeye-gaas iyo sareeye-guuto. Iyadoo ay ahayd arrintaasi wax ay aad u soo dhaweeyeen dadku ayaa ay haddana noqotay tallaabo horseedday ama sees u noqotay ka gun-gaadhka amma dhammaystirka inta hadhay in la bixiyo darajooyinka ciidammadda qaybahooda kala duwan.

Waxa
ay ahayd 08/08/2013 oo ku beegnayd Maalintii ciidul fidriga markii si rasmi ah
loo bilaabay bixinta darajooyinka ciidammadda, waxaana la siiyay darajooyin
kala duwan 10 kun oo askari oo iskugu jira heerarka kala duwan ee derajooyinka
ciidammadda oo ay ugu hoosayso Alifle ilaa iyo darajada ugu sarraysa oo ah
Sarreeye Gaas, iyadoo lagu salaynayay halka ay gaadhsiisan tahay aqoonta iyo
waayo aragnimada ciidannimo ee masuulka qaadanaya darajadaas.
Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana Maalmahan dambe waxaad arkaysaa marka aad marayso wadooyinka iyo goobaha ciidammadda hortooda, askartii oo ay ku dheehan tahay qurux iyo qaab ay u samaynayso darajada ku taala garabkiisa, dadkuna ay isha la raacayaan, inkastoo dadka badankoodu aanay kala saari karayn magacyada darajooyinku kala leeyihiin, hadana waxay noqotay wax aad loogu mashquulo, dhinaca kale marka aad eegto waxyaabaha ay dadku iska waraysanayaan ayaa waxaad maqlaysaa in shayga kaliya ee la hadal hayo uu yahay bixinta darajooyinka ciidammadda, magacaantoodu siday u kala sareeyaan iyo nooca ay kala yihiin astaamahoodu .

Haddaba,
waxaa marag maddoon ah in guud ahaanba shicibka Somaliland muxaafid iyo
mucaaridba laga wada siman yahay soo dhawaynta tallaabadan maanta horumarka leh
ee ay qaaday xukuumadda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay
tahayna wax aad loogu baahnaa ka dawlad ahaan, Isagoo Madaxweynaha Somaliland u
saaray guddi soo qiimaysa bixinta iyo sida ay suurto galka u tahay bixinta
derajada ciidamadu soona xaqiijisa aqoonta iyo waayo aragnimada guud ahaanba
ciidanka.
Si
kastaba ha ahaatee madaxweynahu Wuxuu Go’aansaday in uu si hagar la’aan ah u
dhamaystiro bixinta Derajada Ciidamada kala duwan ee dalka, isagoo digreeto
kusoo saaray in la dhaqan galiyo isla markaana la siiyo darajada ay mutaysteen
in ka badan 10,000 oo Askari oo u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas.
Dhanka
kale muhiimada ay leedahay bixinta derajooyinkani ayaa ah in ay korodho gunada
uu qaadanayo askari kastaa iyadoo lagu salaynayo heerka derajo ee uu
gaadhsiisanyahay amaba sito.
Mar
aan wax ka waydiiyay dareenkiisa sida uu u arko bixinta derajooyinka iyo
muhiimada ay u leedahay ciiddan ahaan mid ka mid ah xubnihii la siiyay darajada
oo iga dalbaday in aanan magaciisa qorin ayaa yidhi ‘‘ aniga iyo Xubnaha
ciidammadda kala duwaniba aad ayaanu ugu faraxsanahay in ciidammadda Somaliland
loo hirgeliyo darajadii ciidammadda kala duwan, muhiimadeeduna waxay tahay in
ay tamar-siiso isla markaana niyadda u dhisto shaqada ay shacabka u hayaan
xubnaha ciidanku, waxa kale oo askari kastaa ku dadaali doonaa sidii uu uga
dallici lahaa derajada uu maanta haysto maadaama oo lagu gaadhayo askari walba
shaqadiisa, aqoonta uu leeyahay iyo xirfadiisa ama waayo aragnimadiisa
ciidannimo.
Guud
ahaanba Somaliland oo ay tahay markii ugu horeysay ee la bixiyo derajadda
ciidamada kala duwan ee dalka ayaa ay talaabaddani noqonaysaa mid qayb ka noqon
doonta geeddi-socodkii dimuqraadiyada iyo hanaanka dawladnimo ee ay maanta
Somaliland ku faanto, waxaanay sii xoojinaysaa hawlihii xaga horumarka, difaaca
dalka iyo sii adkaynta nabad gelyada oo sumad u ah dalkan Somaliland.
Ugu
dambayn waxaan hambalyo aan kala simanahay guud ahaanba shacbi waynaha
Somaliland u dirayaa Madaxweynaha iyo guud ahaanba guddidii bixinta
derajooyinka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay taabo gelinta iyo taageerida
dhamaystirka talaabadaas wax ku oolka ah, run ahaantii waxaad qabateen wax aad
loogu baahnaa oo aan hubo inay tahay wax la idinku xusi doono oo taariikhda
idiin gali doonta Insha Allah, waxa laga hayay abwaankii C.qadir Xirsi Yam-Yam
‘‘Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu way warin.’’
Waxa
kale oo aan iyagana Illaahay uga baryayaa masuuliyiintaa iyo xubnahaa la siiyay
derajooyinka in Illaahay ku guuleeyo kuna garab galo hawlahay qaranka u hayaan.
Wabilaahi tawfiiq.
Wabilaahi tawfiiq.
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan
(Dhago-cadde),
Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, Ahna,
G/ Ku Xigeenka Bahda Hal- Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com
Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, Ahna,
G/ Ku Xigeenka Bahda Hal- Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com
No comments:
Post a Comment