Tuesday, October 1, 2013

Sheeko Gaaban: Waar raggii maye!!!



Sheeko Gaaban: Waar raggii maye!!!
Afrikaan, Carab iyo Yurubiyaan waxay ahaayeen saddex nin oo saaaxiib ah, dan baddana ay iskaga xidhnayd.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay saddexdoodii kulan iskugu yimaadeen, waxaanay kawada hadleen danta ay isku qabaan iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa.
Markii kullankii gorfaynta ahaa....
dhamaaday ayaa ninkii carab istaagay oo yidhi: ‘‘inoo duceeya oo Illaahay inoo barya in…’’, markuu halkaa marayo ayuu ninkii cadaanka ahaa ka boobay hadalkii oo yidhi nin waliba kaligii hal mar ha ducaysto, haku ducaystana waxa uu jecelyahay in uu Illaahay waydiisto ileen isku dan ma nihine.
Haye, haye, ayaa ay la soo boodeen labadii kale, iyagoo raacinaya waliba Aamiinta ayaanu si wada jir ah ugu xoojinaynaa kolba keenii ducaysta, ee adigu ku horee ducada yurubiyaan.
Yurubiyaan baa ducaystay oo yidhi: ‘‘Illaahaw maskaxda ii barakee’’. Markuu intaas yidhi ayay labadii nin ee kale aamiin aamiin yidhaahdeen, kadibna ninkii yurub wuu iska tagay.
Madashii waxa iskugu soo hadhay ninkii africaan iyo ninkii carab oo kaliya, ka dibna ninkii africaan ayaa ku yidhi: ‘‘haye carab ducayso adiguna aan aamiinta kuugu daree’’.
Carab baa ducaystay oo yidhi: ‘‘Illaahaw dhulka ii barakee’’. Ninkii africaan oo kaligii ah ayaa sidii balanku ahaa aamiinta ku ladhay, ka dibna odaygii carab isna wuxuu kadaba tagay ninkii yurubiyaan oo inyar ka hor ka baxay albaabka.
Goobtii Alle bariga oo cidla ah, ayaa waxa u soo hadhay ninkii africaan oo kali ah, ku darsoo weliba haddii uu ducaysto ma haysto cid aamiinta ku deeqda, waxa la sugaaba waxay noqotay in la dhawro waxa ugu horeeya ee afkiisa ka soo baxa, illayn waxa la isku ogaa hal mar illaahay waxaad doonayso waydiiso e.
Africaan oo aan u jeedin in uu ducaysto oo aaminsan waxaa lagaala tagay aamintii,ayaa waxa isagoo amakaagsan afkiisa ka soo baxday: ‘‘Waar raggii maye’’.
Africaan illaa imika waxa uu baadi goob ugu jiraa sidii uu u gaadhi lahaa labadii nin ee kale ee kasoo hor baxay maalintaas.
Carab iyo yurubiyaana illaahay ducadii buu ka aqbalay oo midna fikirka iyo maskaxdu doonayay wuu helay kii kalena dhulkii barwaaqada ahaa ayuu helay.
Dhamaad
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-Cadde)
Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)
E-mail:Xiinfiniin_10@hotmail.com

No comments:

Post a Comment