Tuesday, December 3, 2013

Qiso dhab ah: Haye Saaxiib Waan Dhamaystayba Imikee!


 W/Q: Maxamed Fu'aad Xasan Dhago-Cadde


Waa goor habeen ah, saacaddu waxay ku beegnayd ilaa abaarro 10:30 kii, dhulku waxa uu habeenkaas ahaa qudcur, goobtuna waxay ahayd xaafad ka mid ah xaafaddaha magaaladda hargaysa oo aan marayay wakhtigaas aniga oo ka  imid madal ciyaaraha lagu daawaddo.
Intii aan soo socday waddada ayaa waxa aan la kulmay............
xaajiyad askar ah oo taagnayd meel jidka dhiniciisa ah kadib waa ay I qabteen, nasiib wanaagse waa ay I sii daayeen hanjabaad iyo baadhis ka dib.
Waxaan sii watay socodkaygii aniga oo sare u sii raacaya waddadii aan socday waxyar ka dib ayaa aan haddana arkay baabuur boolis oo askar isna saarantahay oo maraya waddada, iyaga oo socda ayaanay igu yidhaahdeen waryaa xaafaddiinu waa xagee - waa xagaa hore adeer, soco soco hore u tag waryaa ayay igu yidhaahdeen, anna waayayhay ayaan ugu jawaabay. Waa yaabbe maxaa caawa soo kordhay.
Meel aan sidaas uga fogayn goobtaas aan askarta dambe isku aragnay oo waddada dhinaceedda ah meel qarsoona ahayn ayaa waxa aan ku arkay gaadhi taagan oo ahaa nooca loo yaqaano Nooha (NOAH).
Gaadhigu waa uu bakhtiisanaa wakhtigaas laakiin goor aan ag marayo ayaa waxa aan ka dhex arkay iftiin moobil oo ka baxaya mid ka mid ah muraayaddaha dhinaca dambe ee gaadhiga noohadda ah.
Mise waxa ka socda xarakaad aannan aqoonsan cidda samaynaysa in ay yihiin jinsiyo isku mid ah iyo in ay yihiin qaar kala duwan oo waxa bakhtiyay iftiinkii meeshuna waa maddow.
Waxaan qaraacay daaqaddii gaadhiga, markiiba waxa la jiiday albaabkii noohada waxaana iga furay wiil dhalinyar ah oo ahaa kii gaadhiga watay iyo innan/gabadh kula jirta waxana uu la soo booday;
-Haye saaxiib maxaa dhacay?
-Waxan ku idhi halkan aad taagan tahay ka dhaqaaq baabuur baa soo socda oo lagu xareeyaaye.
-Wuxuu iigu jawaabay saaxiib dee habeen walba waan istaagaaye maad  I dhaafisid.
Cajiib! intaas aannu ninka wadda hadlayno waxa iyadda oo aannay ka qasnayn ku xamaam xidh xidhanaysay innan gashaanti ah oo markii hore indhahaygu qabteen iyadda oo qaawan. Subxaana laah. Ninkii baan haddana ku celiyay dhakhso waar ka dhaqaaq dee meesha, waxaannuu iigu jawaabay;
 “haye saaxiib waan dhamaystayba imikee”. Wa nacuuddu billaah.
Ka dib waa uu dhaqaaqay waxa aan sii maqlayay inantii oo leh---- guriga igu dhawee dee waa xili dambe.
Haddaba kolkuu gaadhigii tagay ayaa aan niyadda iska idhi, tallow sababma ayaa ay askartu kuugu hanjabeen adiga oo kaligaaya waxbana aan samaynayn, gaadhigan macsida iyo cadhada illaahay ka dhex socotana u eegi waayeen. Mise gaadhigan meesha taagan may u haysan in ciddi ku dhex jirto, miyaanay baadheen mise waa ay arkeenoo way iska dhaafeen, illaahay baa og.
Fiiro-gaar ah: Waa Sheeko dhab ah oo uu iiga sheekeeyay saaxiibkay Cabdalle Muxumed Cismaan.

No comments:

Post a Comment