Saturday, January 4, 2014

Maqaal: Guuto-guutada dhalinyarada iyo Gaaf wareega bilayska



Guuto-guutada dhalinyarada iyo Gaaf wareega bilayska
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Wallee waanagan wax aragnay. Ma waxaad aragtay amaankii magaaladda caasimada ee Hargaysa oo marba marka ka dambaysa kasii daraya, cajiib!
Xasiloonidda iyo daganaanshaha dadku waa horumarka dalka, waxa kaliya ee wax lagu yahayna waa nabad gelyadda shacabka oo............................................................................
la ilaaliyo.
Qodobka 24aad ee dastuurka Somaliland oo ka hadlayaXaqa nolosha, nabad galyeynta jidhka, xurmaynta magac-samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga”faqradiisa labaad waxa ay odhanaysaa (Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.)
Iyadda oo ay sidaasi tahay ayaa taa bedelkeeda nabad gelyadii qof ahaaneed ee uu xaqa distooriga ah u lahaa guud ahaanba faraha ka baxday markaad eegto waayahan dambe oo ay kusoo badanayaan dalkeena gaar ahaan magaaladan hargeysa falalka boobka iyo baadhashadda badheedhka ah, taas oo ay samaynayaan dhalinyar isku raacaysa koox-koox.
Dhalinyaradda falalka noocan ah gaysata ayaa waxay ku hubaysan yihiin waxyaabo qofka argagax gelinaya sida: tooray/mindiyo, sil-silado, suumam, bakooraddo iyo waxyaabo qofka jidhkiisa u gaysanaya dhibaato.
Haddaba waxaa is weydiin mudan yaa xaq u leh wax ka qabashada arrintan, maxaase wax looga qaban laayahay dhibaataddan sii siyaadaysa ee kooxaha dhalinyarada ee falalkaasi wadaa ku hayaan bulshada?
Xukuumadda ayaa xil ka saran yahay inay damaanad qaado ilaalinta xuquuqaha muwaadiniinta ee distooriga ah, ha ahaato Wasaarada arrimaha gudaha oo kaashanaysa ciidamadda amaanka ayaa waxa shaqadeeda ka mid ah “Sugida aminga Gudaha iyo Deganaanshaha dadka.”
Falalka boobka iyo dhaca ayaa qaarkood sababaan dhimasho, halka qaarna waxyeelo kasoo gaadho qofka, ma aha wax maanta cusub ee waa arrin soo socotay in muddo ah ilaa imikana aannay jirin wax isbedel ah oo lagu joojinayo falalka noocaasi ah, laakiin ma hilmaamayo in bilaysku aannuu u dadaal yaraysan, wallow aanay abaarin goobaha ay falalka ka geystaan ee xaafadaha dhexdooda, iyada oo aad arkayso xaajiyaddo bilays ah weliba nooca loo yaqaano (RRU) oo keliya dhex maraya jidadka waaweyn balse aan dhex marayn goobaha xaafadaha dhexdooda oo ah halka ay inta badan falalku ka dhacaan.
Hawlgaladaa bilayska inkasta oo aannuu joogto ahayn haddana waa dhoola-tus aan dhaadhacsanayn oo aan u arko in aannay u qorshaysnany soo qabashada dhalinyarta falalka noocaasi ah wada, sababta oo ah dhamaan xaajiyadaha ciidanku wataan waxa ka buuxa boolis, sax, laakiin ma wataan gaadiid banaan oo ay kusoo guraan kolba cidda ay gacanta kusoo dhigaan. Ku darsoo weliba dhalinyartaa dadka baadhanaysaa waa guutooyin kaba badan tiradda ciidanka hawl galaya.
Haddii ay suurto gasho in la qabto qaar ka mid ah dhalinyarta falalka noocaas ah ku kacda oo bilayska loo gudbiyo, sida sharcigu dhigayo waxay ahayd in la hor geeyo maxkamad 48 saacaddood gudahood si loo xukumo qofkaa lasoo eedeeyay oo haday ku cadaato loo xukumo haddii kalena loo soo celiyo qofkaas xorriyadiisii. Haddaba inaga dalkeena ma dhacdaa sidaasi, haddii ay dhacdo se side baa loo xukumaa, maxaase lagu xukumaa?
Inta badan ma dhacdo in dhalinta loo soo qabto falal amni darro la horgeeyo maxkamad, dawlada ayaanay masuuliyadeeda tahay in ay dhaqaajiso dacwadaha ciqaabta ee ka dhanka ah qaranka/dalka, oo aanay ahayn in cidii wax lagu dhuftay ama la boobay ay daba socoto oo ay dhaqaajiso.  Had iyo goor waxa aad arkaysaa in isla marka la xidho eedaysanihii ee uu boolisku kusoo xidho saldhiga ay kaga daba imaadaan qaar ka mid ah waalidiintiisa ama eheladiisa kale ee soo dayn kara inta aan maxkamad la hor gaynin, taasina waxay sababtaa in qofka ciddi ka xidhantahay laga qaado ganaax lacageed oo aannu sharcigu bilayska u qadarin xadiga ay leedahay, halka lagu shubayo iyo cidda awooda u leh go’aan qaadashada lacagta lagu qaadayo, qofkii falka gaystayna aannuu arkayn wax ciqaab ah lacagta lagu soo daayayna aannay isaga wax laga waydiinayn talaabada noocan ah ayaa qofkii lasoo daayay ka dhigaysa caadayste dambi badanaa, ganaaxuna waxa uu ka mid yahay xukunada ay maxkamadu rido, iyadda ayaanna ka go’aan gaadhaysa nooca iyo Qodobka sharci ee loo adeegsanayo eedaysane walba.
Dhanka kale haddii qofkii la horgeeyo maxkamad, garsooraha qaadaya dacwadu waxa uu ku saleeyaa qodob sharci oo ka mid ah xeerka ciqaabta, qodob walibana wuxuu leeyahay ciqaab ha ahaato xadhig, ganaax iyo ciqaabo kale, qodobada la xidhiidha haddaba boobka, dhaca iyo tuugadu waxay leeyihiin marka aad eegto ciqaabo ah xadhig iyo ganaax is wata mid walba, maxkamaduna waxaad moodaa in ay si ka duwan sidaas u qaado dacwada iyada oo kaliya xukunta ganaax lacageed.
Ugu dambayn waxaan leeyahay waa in meel looga soo wada jeestaa sidii wax looga qaban lahaa falalka noocan oo kale ah ee ay dhalinyarada qaarkood ka sameeyaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka dalka.
Qore: Maxamed Fu’aad Xasan Dhagocadde
Arday, kulliyada sharciga jaamacada hargeysa, iyo
Kuliyadda maamulka iyo horumarinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda (CSI).
Email: Mdhagocade@gmail.com        ama booqo      Www.bar-qoraal.blogspot.com
Tell: 063-4470220


No comments:

Post a Comment