Friday, January 10, 2014

Maqaal: Horta yaa siyaasad ahaan ka wakiil ah dadweynaha?


Waa Qalinkii: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Guud ahaan dalku wuxuu leeyahay saddex waaxood oo kala ah:
1.    Waaxda garsoorka
2.    Waaxda sharci dejinta
3.    Waaxda fullinta.
Dhamaan waxa ay astaan u yihiin haykalka dawladnimo, laakiin.......
dadka dalka Somaliland waxa si sharciya u metela ama wakiilka u ah waa golaha sharci-dejinta ama loo yaqaano golaha wakiilada.Waa gole ay soo doorteen shacbigu si ay ugu hadlaan afkii umadda. Waa gole la xisaabtamaya xukuumadda iyadana ay dadku doorteen si ay u fuliso hawsha ay umadda u hayaan. Waa gole ka kooban xildhibaano ka kala socda saddexda xisbi qaran ee dalka.
Waaxda fulinta oo ah xukuumadda markaas taladda dalka haysa, oo iyada lafteedu na u adeegaysa shacabka, waxa ay ku timid hanaan doorasho madax-banaan, oo ay u soo gashay tar-tan, si ay talada dalka u qabsato, waxa ay kasbatay codkii shacabka. Xukuumaddu waxa ay maanta u talisaa shakhsi mucaarid ah iyo ku muxaafid ahba, kii u codeeyay iyo kii aan u codeyn. Waxa looga baahan yahay in ay dalka ku hagto horumarka iyo sinaanta muwaadiniinta oo ku dhisan hab cadaalad ah.
Marka ay noqoto wada hadaladda Somaliland iyo Somaliya u dhaxeeya, inkasta oo aan la ogayn ajandaha qodobada lagaga wada hadlayo shirka, meel uu macaarid ka qaybgalkiisu kaga taalaa dastuurka ma jirto. Xubnaha ka qayb galaya shirka waxay ku tagayaan iyagoo haysta igmasho madaxweyne, madaxweynahana waxa uu awood dastuuri ah u leeyahay sida uu sheegayo Qodobka 90aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, faqradihiisa 6aad oo odhanaysa:
”Madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay in uu saxeexo heshiisyada caalamiga ah.”  Iyo Faqradda 7aad oo odhanaysa:
Madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddii ajandaha labada dal ka wada hadlayaan ay tahay midnimo dhex marta ama kala go’o ma’ aha arrin fudud, uma maleynayo in ergada ka socota Somaliland aqbali doonto midnimada, sababtoo ah waa arrin maanta aynu wada ognahay qadiyadeedu halka ay ka taagan tahay muwaadiniinta Somaliland guddo iyo dibadba, ergaduna wax aanay dib ula soo noqon, oo aan looga wada hadal ma saxeexi karto oo awood uma laha.
Dhanka kale shacabka un baan ogayne, dawladu waa ay ogtahay ajandaha laga wada hadlayo, sababtoo ah markii la isla soo qaaday in dib loo furo wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliya iyo Somaliland waxa meesha taalay waxa laga wada hadlayo oo ah waxa loo furay. Haddii laga wada hadlayo isku biir, madaxweyne Siilaanyo kuma dag-dageen, waxaa na tegi lahaa isaga iyo wafti culus iyaddoo laga sii wada hadlay ka qayb galka shirka iyo waxa lala tagayo.
Iska daa in labada dal isku biirkooda ay go’aamiso hal xisbi e, haddii lagu biirayo ururo caalami ah ama urur goboleedo ayaa uu dastuurku sheegayaa cida kawada hadlaysa sida uu dhigayo Qodobka 38aad ee dastuurka dalka faqradiisa 6aad, xubintiisa T waxa ay ka hadlaysaa: Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin: “t- Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.”
Arrinta isku biirka labadan dal haddii xataa beesha caalamku inagu xidho ayaa ay imanaysaa in afti laga qaado shacbi weynaha Somaliland in ay doonayaan dalkaa  in ay ku biiraan iyo in aanay doonayn, kuma imanayso qasab waana arrin ka culus shir xubno madaxweynuhu diray ka qayb galeen in lagu bedelo magaca Somaliland.
Ugu dambayn waxa aan leeyahay kalmado shacbi weynaha, mucaaridka, muxaafidka iyo baarlamaanka Somaliland intaba.
Maxaa la gudboon shacbi weynaha somaliland?
Shacab weynaha waxa aan leeyahay , ma aha markii u horeysay ee shir soomaaliya lala galo, haddii mucaarid maanta laga reebay ma’aha micnaheedu in ay jiraan wax qarsoodi ah oo dadka laga qarinayaa, inagoo halkeena joogna ayaa aynu maqlaynaa waxyaabaha laga wada hadlay, isku biir aynaan inagu raali ka ahayna ma suurto-galayo oo waa hubaal in afti lagaa qaadayo, waxaanna idin la gudboon in aad sugtaan weftiga iyo waxa ay la soo noqdaan Insha Allah.
Maxaa la gudboon asxaabta mucaaridka somaliland?
Ka mucaarid ahaan waxa idiin qurux badan in aydaan hungurayn ka qayb galka shirka mar hadaan midnimo lagaga wada hadlayn, sababtoo ah si aad dhaliil ugu heshaan dawlada iyo waxyaabo ay garab martay, oo aannay xukuumadu idin odhan sawdinkii goob jooga ahaa markad wax ka sheegtaan ba, la socda un kolba halka ay wax marayaan. Ha noqonina mucaarid wax dumiya meel ay laba dawladood kuwada hadlayaan oo mucaarid laga reebay ku cabanayaanna ma aynaan maqal, u tudha dadka oo ha is necbeysiininna. Maadaama oo aanay jirin wax aad dadka u sheegaysaan xataa haddii aad raacdaan, sababtuna ay tahay dadka ayaa uu warka ka soo baxaa shirka ku soo horeynayaa. Wax idinka qarsoomayaa ma jiraan, hadday jirtana dabagal ayaa la idiinka baahanyahay si aad goor dhaw dadka ugus oo ban-dhigtaan.
Maxaa la gudboon xukuumadda somaliland?
Dawlada waxa aan leeyahay waar dadku idinkuu idin soo doortay, maamulka iyo go’aamadda ka dhiga mid cadaalad ah, dadkana usoo bandhiga waxyaabaha laga wada hadlayo ka hor inta aanay dadku ku majara-habaabin mawduuca shirka.
Maxaa la gudboon baarlamaanka somaliland?
Baarlamaanka waa wakiiladii shacabka, waanna muraayaddii ay iska dhex arkayeen dadku, waxa la siiyay xasaanad, waa ciddii daba galka iyo la xisaabtanka ku samayn lahayd xukuumadda, waa in aanay ku milmin oo aanay dadku idin kala garan waayin xildhibaan iyo wasiir wax aad tahay.
Waxa aan kusoo gaba-gabaynayaa “Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu way warin”, dadkuna waa dadkii mucaarid iyo muxaafid, mid guurti ah iyo mid wakiil ah,  uu codka ka doonayay ee wada jir haloo ilaaliyo qaranimada iyo gooni isku taaga jamhuuriyada Somaliland.
Wabilaahi tawfiiq

Qore: Maxamed Fu’aad Xasan Dhagocadde
Arday, kulliyada sharciga jaamacada hargeysa, iyo
Kuliyadda maamulka iyo horumarinta ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda (CSI).
Email: Mdhagocade@gmail.com                                      Www.bar-qoraal.blogspot.com

Tell: 063-4470220

No comments:

Post a Comment