Tuesday, February 18, 2014

Maqaal: Waxa aan fahmi la’yahay waxa ay isku fahmi la’yihiin!!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Maan rag waa mudacyo afkood. Dadku had iyo goor waa ay is qabanayaan oo waxa iskugu dhaw carab iyo labadiisa daan oo waa ay is qaniinaan mar-mar. Marka la is fahmi waayo, isku tanaasul, iyo tafaraaruq imaado se ayaa ay ugu daran tahay. cid is qabataa inta badan waa kolba cida iskugu dhaw ama deegaan ha wadaagaan ama dan ha wadaagaan. Waxa marag ma doon ah in khilaafka...............
aynu inta badan ku xalino is afgarad ama isku tanaasul iyada oo aanay marnaba meesha ka maqnayn oday dhaqameedyada dalkan somaliland. Dadku wuxuu kala leeyahay madax u talisa iyo dad loo taliyo oo rayid ah, mar walba madaxda ama cida hogaanka u haysa umada waxa looga fadhiyaa in ay noqdaan, qaar laga dheehan karo horumarka iyo hadafka ay dadku higsanayaan. Muranka iyo khilaafka joogtada ah ama soo noqnoqdaa waxa ay ka mid yihiin astaamaha is aamini waaga hadii la is aamini waayana waa lakala tagayaa hadii lakala tagana bur bur iyo qas un baa lakala dhaxlayaa. Haddii aan usoo noqdo baarlamaanka Somaliland oo ah wakiiladii umadu u soo dooratay waxqabadka dalka iyo danta umadii soo dooratay, ayaa noqday ayaamahan dambe madal lagu xintamo, oo shaki lagu galiyo jiritaankii Somaliland. Dhib ma leh oo xildhibaanada baarlamaanku waxa ay ka kala imaadeen xisbiyo, xisbiyaduna isku aragti ma wada aha oo mucaarid iyo muxaafid bay kala leeyihiin, laakiin waxa qurux badan in wada jir looga shaqeeyo midnimada qaranka iyo hawlaha ay bulshada u hayaan intaba. Ma taagna maanta Somaliland meel laga dhex kiciyo qas iyo qalalaase lidi ku ah nabadgalyada aynu kuwada naaloonayno. Baarlamaanku waa mid ka mid ah dhismaha dawladnimo, waa meesha ay kasoo baxaan xeerarka dalka oo dhami, waa xudunta haykalka dawladnimada. Waa in aanay iyagu horseedin qalalaase iyo in ay majarahabaabiyaan midnimada shacabkii ay ka imaadeen. Waxaanan ku talin lahayn in ergooyinka dhex dhexaadinta wada la maqlo oo la soo dhaweeyo si niyad sami ahna loola qaato kolba waxa ay danta iyo masayrka umadu ku sii jirayso. Somaliland waxa ay manta halkaa kusoo gaadhayna waxa weeye siyaasi u tudha iyo oday samo talis ah. Iska dhex saara kala qobqobnaanta dhexdiina taala, u kaca oo gacmaha isku qabsada shaqada aad umada u haysaan, xaajo walbana ka fiirsada ka hor inta aanay isku badalin isku dhac, waxa ina daawanaya cadawgeena iyo dadka danaynaya in ay Somaliland wiiqanto, waxa ay tani u noqonaysaa haddii ay sii jiitanto mid ay ka dhex faaiidaystaan oo ay jaanis ka helaan ama ku soo gabadaan khilaafka dhexdiina yaala, waxa ay kusii dari karaan waxyaabo xiisada sii kiciya iyagoo eegaya dan gaar ahaaneed, iyo mid dal nacayb intaba.
Ugu danbeyn Waxa aan ku soo  gunaanadayaa maqaalkaygan kooban waar dadku idinkuu idin daawanayaa ee sidan wax ka badala, oo heshiis iyo af-garad la yimaada.
Wabilaahi tawfiiq.
















W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa,
E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com

No comments:

Post a Comment