Saturday, February 22, 2014

Maqaal: Ninka Xirsi la yidhaa u taga!


“Masuul Sare Oo Ka Tirsan Mid Ka Mid Ah Xisbiyada Mucaaridka Ah”
Waxa Qoray: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Mid ka mid ah madaxda sar sare ee xisbiyadda mucaaridka Somaliland oo si qarsoodi ah wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan ugu tilmaamay shakhsi wax qabad fiican oo fir fircoon isla markaana wax la qabta dhalinyarada. Wakhtigaas oo uu masuulkaasi ku sugnaa xafiiskiisa uu ku leeyahay xarunta xisbiga uu ka tirsan yahay. Waxaana uu masuulkan hadalkaasi kasoo baxay.............
mar ay koox dhalinyaro ah oo waday barnaamij guud ahaanba dalka, gaar ahaana dhalinyarada faa’iido u leh usoo bandhigayeen masuuliyiinta sar sare ee xukuumadda, xisbiyadda mucaaridka ah, xubno ka tirsan golaha baarlamaanka iyo ganacsatadda dalka. Masuulkani na uu ka mid ahaa dadkii ay u suurto gashay in ay kala kulmaan arintaas. Waxa ay dhalinyaradii waday barnaamijkani uga warameen inta uu leegyahay barnaamijkan ay wadaan iyo kaalinta uu ka gali doono bulshadda, sidoo kale in aannuu ahayn mid cid gaar ahi ay wadato ee uu yahay barnaamij ay urur dhalinyar ahi wado oo iskood iskugu xilqaamay in ay dadkooda wax u qabtaan, waxa kale oo ay u sheegeen heerka ay gaadhsiisan tahay awoodooda dhaqaale iyo xadiga lacagta ay ku qabanayaan, kala badh na hayeen oo ay iska ururiyeen iyagu qaadhaan, waxa kaliya ee ay doonayeen dhalinyaradu waxa ay ahayd talo, tusaale iyo in uu barnaamijkani hirgalo, maadaama oo uu yahay mid faa’iido iyo wacyi galin u ah dhalinyarada ku dhaqan somaliland.
Nasiib darro waxa uu markiiba masuulkaasi hadalkiisa ku sheegay in uu qaybtiisa ka qaadan doono hawsha ay dhalinyaradu wadeen, balse ma ay dhicin in uu oofiyo balanqaadkii uu u sameeyay dhalinyaradda oo ku noqotay niyad jab aannay marnaba filanaynin. Haddii aan ku noqdo intii ay dhalinyaradaasi la joogeen masuulka xafiiskiisa waxa uu balanqaadka dabadii u sheegay talo uu siinayo ka shakhsi ahaan, waxaana uu ku yidhi “waar hadaad doonaysaan in ay hawshani idiin qabsoonto, anigu waxa aan idin odhan lahaa haku meeraysanina cid kale oo xukuumada ahe, ninka xirsi la yidhaa ula taga, ninkaasaa ugu firficoon xukuumada oo wax idin kala qabanaya hawshan aad wadaane.” Cajiib! Ismaanu lahayn masuul xisbi mucaarid ayaa idiin tilmaamaya shakhsi ka tirsan xukuumadda, oo ay inta badan dhaliilo usoo jeediyaan.
Alxamdulilaah, barnaamijkii waxa uu ku dhamaaday guul, iyaga oo aannay dhalinyaradii ka helin wax taageero ah xisbiyadda mucaaridka ah ee maanta jira, Waxa aannan marnaba ilaawayn ciddii barnaamijka ka qaadatay qayb libaax oo ahayd xukuumadda maanta talada dalka haysa.
Ugu dambayn waxa aan u sheegayaa dadweynaha ku dhaqan Somaliland, waad arkaysaan halka ay ka taagan tahay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah wax la qabashada iyo taageerida hawlaha mutadawacnimo ee ay dhalinyaraddu u qabanayaan bulshada  Somaliland, waad arkaysaan in ninka beri codka idinka doonayaa uu yahay kii aan shalay waxba idiin qaban, waad arkaysaan in xukuumadda Somaliland ka go’antahay horumarinta iyo dhiiri gelinta dhalinyarada haysa fikrado horumarineed.
Waxa aan mahadnaq gaar ah usoo jeedinayaa masuuliyiintii gacanta ka gaystay barnaamijkaas, ha ahaato xag waxtar, talo, tilmaan iyo taageero maaliyadeed intaba, waxa aan leeyahay dhamaantoodba Illaahay miisaanka xasanaadka ha idiin ku daro wixii aad dhalinyarada la qabateen iyo dhiiri galintii fiicnayd ee aad tusteen ba.
Wabilaahi tawfiiq.






W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
E-mail: Mdhagocade@gmail.com ama
booqo mareegta www.bar-qoraal.blogspot.com

No comments:

Post a Comment