Saturday, December 27, 2014

SHEEKO: NINA HEER NINA U HIILI NASIIBKU!

W/Q: Mustafe Axmed Ibraahin “Jaarhiidi”.
Maya…..maya!! Ma jecli ku sii jirida duruufaha noocan oo kale ah, aniga miyaan la ii qorin in aan ka mid noqdo mar uun kuwan aan wiig ka hor wada cawaynaynay ee imikana dhex jooga Romadii bilicda iyo lacagta isku darsatay. Oo hadday dhex joogaan maxay ku hayaan Allow yaa niyaddooda kuu soo akhriya mid kasta waxaa uu hoosta ka qaadayaa heestii Axmed Mooge ee ahayd “Buuraha dhexdeeniyo badda yaa intuu dhuro......
berri laga gudbaayiyo ban cidla ah ka wada dhiga, aan dib ugu beegsado beledkaygii hooyee.” Qushigoodee aniga kaliya waxaa igu filaan lahayd in aan sawir la galo mid ka mid ah fooqyada ugu dhaadheer Roma. Waa runtaa ee noloshu kama soo hadho go’aan qaadasho kama dambays ah iyo calool adayg wada jira, ee waa in aan muddo gaaban gudaheed ku muujiyaa kartidayda iyo dhiiranaanta naftayda oo aan hankayga u diidaa hiigsiga badh tilmaameed ka sokeeya dalka Talyaniga, gaar ahaan magaalada aan aduunka ugu jecelahay in aan ku noolaado waligay ee Roma. Oo horta maxaad mar walba isaga indho tirtaa xaqiiqada ku gudban himiladaada ee kaaga dayran gaadhidda Romada aad sheegayso, miyaanad maqal maalin iyo habeen waxaa barbaar rag iyo dumarba leh ee ay noolaha badda iyo mawjadaha baaxadda lehi u balameen maydkooda. Mida kale adigu miyaanad halkan ka heli karin fursadaha ay qayrkaa il duufeen ee inta ay baylihiyeen waliba iskaga huleeleen. Walaahi mayee waa runtaa. Aaah!! Talo waa ta Illah, laakiin dad naftiisa waxaan ahayn waa maareeyaa maanta dhan uun ha ii dhaafo warwarka iyo walbahaarka aan ka qaaday duruufaha nololeed ee gayigan bariinsaday, taas oo aan ogahay in aniga iyo inbadan oo ila mid ahiba aanu ku ababnay, balse aanaan ogayn goorta iyo sida ay isu badali doonto hadiiba ay is badasho. “Dadka socodku waa u door hadii uu wadku daayo” miyaanay ahayn eraydii uu macalin geele halhayska u lahaa ee uu subax kasta nagu anqarin jiray marka uu xiisadda noo galaayo. Waa dhab laakin dee isagu ma uu jidayn tahriib iyo wax la mid ah toona, oo haddaa muxuu ula jeeday? Dee mooyi, bal adba!! Malaa waxaa uu ina hoga-tusaalaynayey waayo-aragnimada iyo indho-furnaanta uu aadamuhu ka korodhsado socdaalka, taas oo uu marka danbe ka dhigto sahay uu uga shidaal qaato maaraynta hawlihiisa.
***
Sheekadan, waydiimahan iyo jawaabahan isku dhafani waa kuwo in muddo ahba ka soo burqanayey niyadda gabadh dhalinyaro reer Hargaysa ah oo lagu magacaabo LANDA XIRSI. Landa waxaa ay ka dhalatay qoys reer magaal ah oo dhaqaale ahaan lagu tirin karo dabaqadda dhexe ee bulshada, Waxay dhamaysatay heerar kala duwan oo wax barasho, gaar ahaan heerkeeda waxbarasho waxaa uu ku sinaa illaa dugsi sare, Balse si la mid ah dhalinyarada faceeda ah, Landa waxaa ay la il-darnayn xanuun bulshada ay ku dhex nooshahay xiliyadaas si daran u saaqay una saameeyey, waa cudurka qurbe jacaylka amaba tahriibka loo yaqaano, waxaa ay in badan goob joog u ahayd sheekooyin la xidhiidha nolosha dhalanteedka ah ee taala qurbaha waxaa ay akhris iyo daawashaba ku urursatay xogo shilis oo la xidhiidha hanaanka nolosha, waxbarashada, ganacsiga iyo dhaldhalaalka indho-sarcaadka ah ee magaalooyinka waawayn ee reer yurub, gaar ahaan magaalo ay iyadu ula baxday magaca “Magaaladii himiladayda” oo ay ula jeeday magaalada rooma ee dalka Talyaaniga oo ay si gaara ugu hamiyi jirtay in ay maruun cagaha saarto oo ay dhex tamashlayso. Landa sida muuqata waxaa ay buuxdaa xiise iyo laab la kac qalbigeeda dhaamiyey oo ay ka qaaday daawashada muuq-baahiyayaasha iyo fariimaha ay u soo diraan asxaab badan oo ay isku meel iyo maqaamba ku soo ababeen, balse iyada kaga horeeyey u tahriibida qurbaha, iyagoo u maray duruufo kala duwan. Waxaa ay si dhab ah u aamintay uguna qanacday in asxaabteedan miidaamaha, mahlakada iyo maalmo-socodka kadib dhex jooga Talyaaniga ee ay habeen iyo dharaarba dhawristooda ku foogan tahay ay yihiin kuwo iyada ka habeen dhalad san, kana hoodo roon. Waxaa niyadeeda markasta ku soo degdega oo aan ka faaruqin erayo ka mid ah heestii ay sida wada jirka ah u qaadi jireen fanaaniinta Magool iyo Salaad Darbi ee “Hoodiyo ayaaniyo hibuu dad isku dhaafee, habeen dhalad ninkii ahna talo kama habawdee, hawlaha aduunkaa I hareera yaalee”. Landa wakhtigaa laga bilaabo waxaa ay u hollotay hirgalinta himiladeeda ku siman u tahriibida talyaaniga. Waxaa ay u xidhxidhatay safar aanay hubin halka uu ku idlaan doono iyo hawsha ay ka mudan doonto, waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay soo xero galinta shilimaadkii ay u qoondaysay in ay noqdaan sahayda ugu wanaagsan ee kala dabaalan karta guuraha, galabcarawga iyo jarmaadka arooryaad ee ay hubantida tahay in ay mari doonto hadii ay ku dhaqaaqdo safarkaasi ismiidaaminta iyo jar iska xoornimada ah ee tahriibka. Landa tab iyo xeelad badan oo la xidhiidha soo xero galinta kharashaadka tacabirka ka dib waxaa ay isku qancisay in inkasta oo  haynteedu aanay sidaas u sii buurnayn haddana ay hadhaw kaga kaaftoomi doonto iibinta mid ka mid ah kalyaheeda amaba ugu yaraan xubnaha kale ee muhimka u ah habsami u shaqaynta jidhkeeda. inkasta oo Landa abuur ahaan aanay u dhalan qof jecel dhibida amaba ku dirqinta dadka ee waxaa ay rabto gaar ahaan waalidkeed iyo qoyskeeda guud ahaan hadana waxaa la odhan karaa waxaa ay aad iskaga ururisay isla markaana iska dhawrtay dareen galinta waalidkeeda ee arimaha ku saabsan qabanqaabada hawsha la xidhiidha dhalandhoolka ay u gol leedahay. Waxaa ay hubtaa in haddii waalidkeed ka war helo hawsha ay ku foogantahay kahor xiliga bixitaankeeda ay taasi ku soo fatihin doonto mawjado warwar iyo walbahaar ah oo salka ku haya  cabsi uu qoyskoodu ka qaado dambaysada mustaqbalka gabadhooda iyo waxaa uu masiirkeedu noqon doono. Landa si ay taasi uga hor tagto waxaa ay ku guulaysatay in waayaheedu aanuu soo dhaafin laabteeda, isla markaana aanay gabin hawshii gabadhnimo ee ay awalba ugu xilsaarnayd qoyskooda. Waxaa ay isku lamaanaysay gudashada labada hawlood eek ala ah qabashada hawsha guriga iyo ta kale ee iyada gaarka u ah ee dhamaystirka qaybayadeeda ka horaysa safarka ay ku hawaysanayso yurub. Shan iyo toban cishu kadib Landa  waxaa ay diyaar u tahay in ay ka dhaqaajiso dhulkii awowyaasheed. Dhulkii lagu anqariyey dambarkii hooyadeed iyo dhulkii ay dabeecadiisa, cimiladiisaba iyo dhaqanka bulshadiisaba sida wayn u taqaanay. Inkasta oo aanay wax cabsi ah ka qabin safarkeeda tahriibeed hadana kama maqna warwark ay ku hayso waxaa ay kala kulmi karto bulsho ka dhaqay, caado, diin iyo diirba duwan oo ay rabto in ay martido. Waxaa ay hubtaa in ay aqoon la’aanteeda la xidhiidha luuqada iyo sooryaynta dadka taliyaanigu in ay noqon doonto caqabada ugu wayn ee ay um baahantahay in ay dagaal u gasho sidii ay u wajihi lahayd. Waxaa ay go’aansatay in kahor inta aanay u dhaqaaqin tahriibka ay aad u daraasayso ama ugu yaraan isku daydo in ay wax ka barato luuqada taliyaaniga. Waxaa ay noqatay qof hadh iyo habeenba dul yuuruta aalada internet-ka gaar ahaan mareegaha laga daalacdo lagana barto luuqadaha shisheeye iyadoo si gaar ah diirada u saartay luuqada taliyaaniga. In mudo ah oo ay Landa joogtaynaysay tacliinta noocan ah iyo ardaynimada ay dantu baday kadib waxaa ay il iskaga garatay ku hadalka iyo qoraalka luuqada taliyaaniga waxaa ay qaybtay isla markaana urusatay kalmadaha ay u arkaysay in ay ugu horaynba waajihi karto hadii ayba tagto gayiga taliyaaniga. Landa waxaa ay caado u lahayd in ay aalada internet-ka daalacato xiliyada habeenkii gaar ahaan aminta ay seexashada u holato. Sidii caadada u ahayd habeen habeenada ka mid ah ayaa ay Landa soo qaadatay Computer-keeda gacanta lana dul tagay sariirteeda si ay halkii uga sii wado wax ka ogaanshaha luuqada taliyaaniga, waxaa ay in mudo ah ku mashquushay dib ugu noqoshada casharadii ay soo dhaaftay iyo erayadii ay hore u soo baratay. Waxaa ay noqotay qof aad u xiiseeya luuqada taliyaniga, xiisaynteeda xad dhaaftaka ah ee luuqadaasi waxaa ay keentay in ay isla habeenkas fariimo aan yool iyo bartilmaadeed toona lahayn oo ku qoran afka taliyaaniga ay u dirto meelo kala duwan si ay u tijaabiso awoodeeda aqooneed ee afkani una hesho cid ay kula sheekaysato. Mid ka mid ah fariimahan ay dirtay Landa oo u dhignayd sidan “iska waran iiga sheekee nolosha Roma” ayaa durbadiiba afka ka gashay deggel internet oo uu leeyahay wiil dhalinyaro ah oo u dhashay isla dalkaasi Taliyaniga oo isaga laftiisu habeenkaas dhuuqida aalada internet-ku ay seejisay hurdadii. Iyaba waa isla doonasho Illah. Yaab iyo amakaag kadib waxaa uu wiilkii taliyaaniga ahaa si aad ah isugu hawlay in uu u kuur galo ogaanshaha halka ay salka ku hayso iyo cida ay ka soo fakatay fariintan habawga u muuqata ee uu ka dhex daalacday deggelkiisa gaarka ah. Waxaa uu xaqiiqsaday in aanay fariintani ka iman cid ka mid ah asxaabtiisa ay jaalka ku yihiin caways-yada deggalada internter-ka. Waxaa uu ahaa wiil aad ugu fogaaday dhuuqida iyo galaangalka aalada internet-ka sidaas daraadeedna waxaa uu si fudud fahmay in fariintani kasoo gudubtay baddaha waaweyn ee u dhexeeya qaaradaha Africa iyo Europe ugu danbayntiina ay isaga soo bartilmaameedsatay. Waxaa uu is waydiiyey bal waxaa ay ku qotonto nuxurka fariintan uu nasiibsaday, iyo ula jeedada uu soo dirahu ula gol lahaa. Waxaa uu is waydiiyey isla markaana isu qaban wayday xiisaha ka muuqda qoraalkan gaaban ee soo diru ku raadinayo xogo la xidhiidha xaalka magaalada uu isagu ku suganyahay ee Rome iyo fogaanta ama durugsanaanta masaafada uu soo diruhu ka soo liishaamay fariinta. Inkasta oo uu wiilkani garwaaqsaday in soo- diruhu joogo qaarada Africa haddana waxaa ku adkaatay in uu si dhab ah u ogaado halka iyo waddanka uu kaga noolyahay qaarada
Africa. Yeelkeede waxbaba iskuma uu hawlin arinkan ee waxaa uu uga gudbay u jawaab celinta farriintan, waxaana uu qoray jawaab nuxur iyo dhererba ka duwan tii uu guddoomay, oo u dhignayd sida tan “Nolosha Rome waxaa ay leedahay dhadhanka dacarta marka aad kali ku tahay nolosha, balse markaad is heshaan lammaane daacad ah waxaa ay yeelataa dhadhanka malabka waana aynu samayn karnaa”. Waxaa uu fariintiisa la beegsaday bartii ay hore uga soo dustay ee ay uga timid, waxaa uu Si xamaasad iiyo xiisayn l intii hore ka badan leh u danaynayaa falcelin kasta oo la soo sameeyo. Mudo ilbidhiqsiyo ah gudahood waxaa ay erayadii uu soo qoray oo iyaga oo aan wax isbadal ahi ku dhicin isla markaan aan kala lumin masaafada dheer ee ay soo jareen awgeed iska xaadiriyeen bartii internet-ka ee uu ku soo ganay. Landa oo goorahaaaba xiskeeda iyo dhaayaheeduba ku maqnaayeen liidka hoose ee computer-keeda gacanta halkaasi oo bixisa inshaaro fariin-sheega oo tilmaanta in loo soo diruhu uu helay fariin amaba xog cusub lagana sugaayo jawaab celin ayaa markaliya isha la heshay erayadan ay akhrintooda u xiisaha qabtay. Waxaa ay ka bogatay isla markaana dhawr jeer ku noqnoqotay akhrinta jawaabtan kooban balse iyada ku noqotay yaabka, dhaygaga iyo qaadan waaga waxaa ay is waydiisay dhabnimada kalinimada uu wiilkani sheeganayo, waayo waxaa ay cilmi dhagood ku haysatay in dhaqanka gaaladu ku salaysanyahay kaliya isla socosho sharci darro ah oo dhex mara labada jinsi ee kala duwan. waxaa ay is waydiisay “oo maxaa uu uga baahanyahay lamaane daacad ah haddiiba uu helaayo mid kula qanacsan kaliya wada socosho.” Yeelkiiye waxaa dhici karta in uu ii noqdo jaranjaradii iyo lugihii aan ku gaadhi lahaa yurub “fursaddu mar ayaa ay albaabkaaga soo garaacdaa mar labaad se maya.”  Ayaa ay niyada iska tidhi. Habeenkaas laga bilabo Landa iyo wiilkan reer taliyaani waxaa ay noqodeen sheeko-wadaag aad isugu dheer oo qofka aan hore u aqoonini u malaynayo lamaane aad isugu cindanaa oo inta uu waayuhu kala geeyey  mar labaad boodhka dib uga jafay jacayl iyo boholyow uu midba ka kale waayo badan laabata ugu kaydinayey marka aad u fiirsato habka iyo hanaanka ay durbaba  jiibta iyo jaanta isula heleen waxaa uu midba ka kale uga waramay isla markaana huluuqsiiyey taariikh nololeedkiisa iyo waayaha ku gadaaman, gaar ahaan wiilka reer taliyaani waxaa uu ugu horayn gabadha reer hargeisa u sheegay in uu u dhashay dalka talyaaniga gaar ahaana magaalada Venice balse uu ku barbaaray caasimada Rome magaciisuna yahay Antonio isla markaan aabihii oo degan Rome uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha dalka talyaaniga gaar ahaan kuwa ka hawl gala jasiiradaha talyaaniga ee ku dhereran badwaynta midetranian-ka oo u dhexaysa talyaaniga iyo waqooyiga Africa halkaas oo ah bartilmaameedka ugu horeeya ee ay ku hamiyaan isla markaana beegsadaan dadyawga ka soo hayaama Africa ee u nolol raadsada Europe, sidoo kale waxaa uu Antonio u sheegay Landa in hooyadii ay sanad iyo badh ka hor ku dhimatay shil diyaradeed oo ka dhacay madaaraka magaalada Detroit ee dalka maraykanka isla markaana uu la dhashay hal wiil oo lagu magacaabo Mario. Antonio waxaa uu ugu danbayn ka codsaday Landa in iyaduna dhankeeda ay si kooban ugu soo qorto meerto nololeedeeda si ay u kala qaataan aragti midaysan oo ay ku ebyaan is barashadooda raad-baradka ah. Landa si fudud ayey uga ogolaatay codsiga Antonio waxaana ay ku bilawday guudmarka taariikh nololeedkeeda oo kooban sida tan “Magacaygu waa Landa Xirsii, waxaa aan ku dhashay kuna noolahay magaalo lagu magacaabo Hargeisa, waa magaalada labaad ee dalkii laysku odhan jiray jamhuuriyada Somalia hadana waa xarunta jamhuriyada Somaliland, waxaa aan la dhashay wiil iyo gabadh lagu kala magacaabo Ali iyo Hibo, waxaan ahay aqoonyahanad dhamaysatay dugsigyada waxbarashada dalkayga hayeeshee ka daashay nolosha iyo sii joogista dalkan iyo dadkan ay dishoodeen fikir iyo horumar la’aantu. Dhoohanaanta ummadeed ee dadkani waa ta keentay in inbadan oo ka mid ah xoogii dalkayagu gaar ahaan dhalinyaradu ay ugu danbayn idinku martiyaan dalkiina talyaaniga kadib rafaad iyo saxariir aan qiyaas lahayn oo ay ku soo jiidhaan badwaynta inoo dhaxaysa. Aniga laftayduna kama maqni kuwa aan kor kuugu soo xusay ee soo beegsanay dalkiina, waxaa kaliya ee aan hubo in aan dheerahay waa jacayl iyo xiise saa’id ah oo aan u qabo nolosha magaalada Rome oo aan filayo in ay tahay caasimada dalkaaga. Bilicda iyo quruxda caasimadiina Rome waa ta keentay in mararka qaar aan jeclaysto in aan yeesho baalal ii suurto galiya in aan idiinku imaado Romadii himiladayda. Garcia……….” Garcia waa eray ka mid ah luuqada talyaaniga oo micnihiisu yahay mahadsanid, eraygan waxaa ay Landa ku soo gabobebaysay qormo la xidhiidha sooyaalkeeda nololeed ee uu Antonia ka codsaday in ay u soo qorto. Landa intaa kadib waxa ay maqaalkeedii u dirtay Antonio. Antonio hadda waxaa uu haystaa xogo shilis oo mudan isku halayn buuxda. Waxaa uu sadarada qoraalka Landa kala dhex baxay heerka daacadnimo- warran ee Landa. Waxaa uu kalsooni dhamaystiran ku qabaa in Landa ay tahay sir ma qabe ay ka waransiisey duruufta nololeed ee ka jirta gayigeeda. Sidaa daraadeedna sidaa xidhiidhka ka unkamay nasiibka ee kulmiyey labadooda ka sokow ay Landa tahay qof u baahan gacabqabasho aadaminimo. Waxaa uu ka codsaday in ay ugu yaraan hakiso safarkeeda tahriibka inta uu isagu u soo dhamaystirayo hab kale oo ay dalkeeda kaga soo dhoofto waxaa uu ka dalbaday in mudada uu ku gudo jiro dhamystirka shuruudaha dhoofkeeda ay lahaato dulqaadkeeda. Balse Landa uma ay muujinin wax kalsooni ah balanqaadka Antonio, waxaana ay ugu hal celisay in qorshaheeda tahriibku uu yahay go’aan kama dambays ah oo ay qaadatay isla markaana diyaar u tahay waajihida dhib iyo dheef wixii ay kala kulanto, balse waxaa kaliya ee ay isaga ka codsanaysaa uu yahay hadii ay dhab ka tahay in uu ka gacan qabto safarkeeda badda ee Liibiya maadaama oo uu aabihii yahay sarkaal ka mid ah ciidamada badda ee talyaaniga. Antonio aad ayaa uu ula yaabay go’aanka ula muuqda mid lagu deg degay ee ay Landa ku gaadhay in ay ku marto safarka badda ee saxariirta iyo saymaha nololeed ay weheliyaan.inkasta oo uu jeclaan lahaa in ay  ay helaan wakhti intaa ka badan oo ay kaga wada sheekaystaan arinkan taagan hadana uu tixigalinayo go’aanka shakhsiga ah ee ay Landa qaadatay . Waxaana uu u soo bandhigay in ay soo qorshayso goorta iyo xiliga ay imanayso xeebaha dalka Liibiya. Landa ayaa ugu jawaabtay “maalinta koowaad oo ka bilaabmaysa berri oo Axadd ah iyo maalinta labaad waxaa aan ku jiraa safarka dhinaca dhulka ah ee aan ku soo marayo dalalka Ethiopia iyo Sudan, muddo saddex cisho ah ayaanaan joogi doonaa Sudan, si aan u helo xogo badan oo la xidhiidha safarkayga iyo inta ay igu qaadan karto gaadhida xeebaha liibiya. Saddexdaas cisho wixii ka danbeeya oo guud ahaan noqonaya shan cisho oo safar ah waxaa aan joogaa xeebta Liibiya.”  Landa sidii qorshaheedu ahaa waxaa ay durbadiiba ku dhaqaaqday safarkeedii iyada oo raacday qorshahii ay hore ugu dajisay socdaalkeeda. Muddo shan cisho ah kadib ayaanay iska xaadirisay xeebaha dalka Liibiya. Landa waxaa ay isla markiiba si fudud ugu milantay dad badan oo soomaali ah oo si lamid ah Landa doonaya in ay safar tahriib ah ku galaan dalka talyaaniga. Antonio tan iyo maalintii ugu dambaysay la hadalka Landa waxaa uu tirinayey ayaamaha ay safarka ku jirto waxaa uu gidaarka makhsinkiisa si gaar ugu xardhay maalinta shanaad oo ku began maalinta khamiista ah ee ay Landa balan qaaday in ay imanayso Liibiya. Si xawli ah ayaa ay ayaamuhu isu gurayaan. Waxaana uu Antonio xiise wayn u qabaa la kulanka qof ay in muddo ah sheeko wadaag ku ahaayeen bogaga iyo mareegaha aalaada fariimaha iyo xogaha laysku dhaafsado ee Intnternet-ka. Waxaa ay maskaxdiisu habeen iyo dharaar ku foogan tahay is waydiinta su’aalo aanuu jawaab u haynin oo ku saabsan dabeecadda, muuqaalka iyo dhaqanka uu yeelan karo qofkan uu la kulankiisa ku hamiyayaa. Waxaa la gaadhay maalintii afraad waana berri balantu. Sidaas daraadeed fadhi ma yaalo. Antonio waxaa uu ka fakiray dhawr hab oo la xidhiidha sidii uu Landa u keeni lahaa Talyaaniga balse waxaa ugu danbayn muhiim ula muuqatay in aanu kaligii hawshan fulin Karin ee uu u baahanyahay gacan qabashada aabihii. Waxa uu dejiyey qorshe kama dambays ah oo uu aabihii qayb kaga noqodo hirgalinta hawshan isaga oo aan habayaraatee wax dareen ah qabin. Waxaa uu u safray jasiirada Lambidusa oo ahayd saldhiga uu badiba aabihii u joogo maaraynta iyo maamulidda hawlgalada ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka talyaaniga si uu ula kulmo aabihii una soo bandhigo khidadiisa maldahan. Kulan dheer kadib waxaa uu Antonio uu ku qanciyey aabihii qorshe ku dhisan male-awaal oo sheegaya in gebi ahaanba waxsoosaarkii beeraha ee gobolka Venice ee ay ka soo jeedaan qoys ahaan uu yahay gabaabsi sababo la xidhiidha hoos u dhac baaxad leh oo ku yimid tiradii shaqaalaha beeraha ee gobolkaasi oo uu u hayaamay magaalooyinka waayeyn ee dalkaasi awgeed. Waxaa uu u sheegay in loo baahanyahay shaqaale dhinaca beeraha ah oo degdeg ah, kahor inta aan la gaadhin xiliga soo go’ida beeraha, sidaas daraadeedna uu isagu ra’yi ahaan u arko fursad lama dhaafaan ah ka faa’iidaysiga xoogga dihin ee tahriibayasha africaanka ah ee ku sugan xeebaha dalka Liibiya, si loo soo celiyo awoodii wax soo saar ee gobolka ay ka soo jeedaan. Antonio aabihii si wayn ayaa uu ula dhacay fikirka wiilkiisa waxaana uu ka dalbaday in uu si degdeg ah u soo qoro tirada iyo magacyada shaqaalaha Africanka ah ee loo baahanyahay. Antonio maalintaas waxaa uu ku suntaday mid ka mid ah ayaamihii ugu qiimaha badnaa ee soo mara noloshiisa. Waxaa uu xaqiiqsaday in uu hore u qaaday talaabo wayn oo la xidhiidha hirgalinta himiladii uu baryahaaba ku hawoonayey hiragalinteeda. Waxaa u cadaatey in uu si fiican u iib geeyey qorshe uu si layaab leh u soo dhigay isuguna soo dubo riday, sidaas daraadeed ma filayo maanta ka dib caqabad ka hor istaagi karta in uu la kulmo Landa isla markaana keeno magaalada Rome. talaabada xigta ee uu Antonio ku dhaqaaqay waxaa ay noqotay in uu si degdeg ah ugu war celiyo Landa, una soo bandhigo qorshahiisa cusub ee uu ku guulaystay hirgalintiisa. Waxaa uu min bilaw illa dhamaad u sharaxay waxaa uu daaranyahay hindisihiisa cusub iyo sida uu aabihii u marsiiyey fikirkiisa gacankusamyska ah, waxaa uu ka dalbaday in ay ka caawiso soo qorida raxan shaqaale African ah oo ay iyada lafteedu ku jirto, si loogu daabulo xagaa iyo dalka talyaaniga. Landa kama ay labalabayn fulinta hawsha loo xil saaray waxaana si ay ka muuqato farxad iyo kalsooniyi u bilawday in ay si qarsoodi ah midh midh ula kulanto koox dhalinyaro tahriibayaal rag ah oo ku xaraysnaa xero ka kooban laba teendho oo ku yaala meel aan ka fogayn xeebta. Kooxdan tahriibayaasha ah waa kuwii qaabilay isla markaana ku gardaadiyey Landa nolosheeda cusub, waa kuwii sida aan hagrashada lahayn uga gacan qabtay laqabsiga duruufaha iyo dabeecadda aanay u baran ee uga soo horeeyey gayigan shisheeye. Sidaas daraadeedna qoraalka iyo diiwaan galinta kooxdan Landa waxaa ay uga danleedahay abaal celin, mahadnaq iyo xusuus ay u hayso sidii wanaagsanayd ee ay uga dhawreen marnaba in ay qalo ku dareento dhexdooda. Landa hawl dheer kadib waxaa ay diyaarisay liis ka kooban koow iyo lixdan qof, iyaduna ay tahay qofka kow iyo lixdanaad ee liiskan isla markaana ay tahay qofka kaliya ee dumar ah ee ku jirta kooxdan. Antonio isla markii uu helay liiska uu ka sugayey Landa waxaa uu isu dhaafiyey dhinacaa iyo aabihii oo sida aan hore u soo sheegnay ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha talyaaniga gaar ahaan kuwa sida gaarka ah uga hawl gala deegaanka. Si dhakhso ah ayaa loo bilaabay hawl galinta ciidamadii iyo agabkii lagu soo daabuli lahaa tahriibayaasha mudo gaaban ka dibna tahriibayaashii oo ay ku jirto Landa ayaa hoganaya qarqarka xeebta iyagoo sugaya goorta ay u rumoobi doonto riyadooda ku wajahan yurub. markan waxwaliba waa diyaar, balse waxaa kaliya ee Antonio iyo aabihii ka doodayaan ayaa ah nooca gaadiidka ee ku haboon safrinta tahriibayaasha. Antonio waxaa uu jeclaan lahaa in daabulidda dadkan loo adeegsado markab ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha ee talyaanigu halka uu aabihii qabo fikrad taas ka soo hor jeeda oo ah in maadaama oo aanay dadkani ahayn muwaadiniin talyaani ah oo ay yihiin tahriibayaal sharci daro ah lagu qaado doonyaha tahriibka oo ay ciidamada taliyaaniguna dusha kala socdaan hadba xaalkooda. Ismariwaa dheer oo aanu ka madhnayn tanaasul waayeelnimo kadib waxaa laysku raacay qorshihii Antonio ee ahaa in tahriibayaasha lagu qaado markab ciidan waxaa la diyaariyey markabkii oo la keenay kambalka xeebta kadibna qof qof loo yeedhiyey magacyada dadkii ku qornaa liiska, lagana codsaday in ay fuulaan markabka gudahiisa iyadoo ay Antonio iyo aabihiina ay goobjoog ka yihiin sida ay wax u socdaan. Antonio waxaa uu ku dhaganyahay lambarka kow iyo lixdanaad oo ah ka ay ku xaadiri doonto Landa. Waxaana uu isha la raacayaa raxan rag ah oo ku sii qulqulays gudaha markabka. Waxaa la soo gaadhay lambar kow iyo lixdan, indhaha ayaa Antonio waawaynaaday kuna sigtay in ay godkooda ka soo baxaan, waxaa uu kor iyo kalba daymo kala daalay gabadhan kali ah ee madiga ku ah kooxdan. Landa iyadu waa col-moog oo ma ogaan karto kamana soo saari karto Antonio saancadaalayaasha tirada badan ee hor dhooban, balse waxaa ay sugaysaa kaliya sida uu wakhtigu ka yeelo saadaasheeda laalan, waxay niyada kaga luuqaynaysaa heestii Magool ee “Allahayow dal ma aqaan Allahayo dad ma aqaan, nimuu daad wadaan ahaye dawga hayga raaridin.”  Waa hubaal in hadii la baadho niyadda asxaabteeda ku weheliya tahriibku ay iyana si lamid ah Landa ka daba jiibinayaan heesta. Madax iyo minjo, saancadaale iyo saanmadoobe, tahriibe iyo loo tahriibe dhamaan waxaa laysku cayuuqay sagxadda markabka, waxaana loo holaday safar dheer. Landa si ka duwan dadka kale dhegta ayaa taagan oo waxaa ay isha la raacaysaa ninkasta oo caddaan ah oo xaggeeda soo daymooda maadaama ay hubto in uu Antonio ku dhex jiro. Waxaa ay dhugmo feejigan u leedahay ishaaro kasta oo la bixiyo, wax uu xaalku sidaas ahaadaba mar kaliya ayaa barxadda hore ee kooxdii tahriibayaasha ahayd waxaa soo istaagay wiil dhalinyaro ah oo aad u labisan, waxaa uu isha mariyey kooxdii oo ay dhex yuururto Landa oo kali ahi, garay in ay yadii tahay iyada lafteeduna dareentay in wiilku uu leeyahay ujeedo maldahan oo ay kaligeed la fahmayso, waxaanay ka soo dhex baxaday kooxdii tahriibayaasha ahayd iyada oo u jihaysan dhankii uu kaga beegnaa wiilku. Laysa soo gaadh, ilbidhiqsiyo la kala meermeer oo xishood iyo qajilaad u badan dhinaca Landa wajiga lala kala maag. Hase yeeshee ugu danbayntii laysku soo bood oo cabaar hab laysa sii, kadibna laysla garay in la koro dusha sare ee markabka gaar ahaana qaybta loogu talo galay tamashlaha iyo sheekada. Kaftan, sheeko, duurxul, iyo isxog waraysi dheer oo uu ka muuqdo isfaham buuxaa kadib waxaa ay Landa ka codsatay Antonio in ay aad u daalantahay una baahantahay goob ay ku nasato. Intaa kadib Antonio waxaa uu u tilmaamay in ay seexato kuna nasato qaybta hurdada dumarka ee markabku leeyahay. Waxaa lagu kala tagay nabad galyo iyo nooli kulantee, cabaar kadib Landa waxaa ay gashay hurdo ka maqnayd habeeno dhawr ah, halka Antonio uu aaday qaybta lagu daawado filimada oo ku taala dabaqa hoose ee markabka. Nasiib waanaag waxaa uu Antonio ku beegmay iyada oo uu socdo film jacayl ah. Fadhisay oo cabaar indhaha ku taag shaashadda wayn ee dadka hadalkii iyo dhaqdhaqaaqiiba ka xidhay, qadar daawasho ah kadib waaba filimkii jacaylka ahaa ee “TITANIC” qudhiisii. Hoosta ayaa uu ka yara naxay waayo waxaa uu aad uga dharagsanaa qisada dhacdadii TITANIC iyo wixii la kala mutay “oo ma wax kale oo ay daawadaan ayaa ay waayeen, miyaanay ogayn in ay baduhu isu waramaan” ayaa uu iskula sheekaystay. Amintu waa saqdhexe safarkuna waa uu dheeryahay, guuraha habeenimo iyo hirarka mawjadaha ah ee uu markabku dhex muquuranayo waxaa dheer gudcurka iyo gudgudaha roob ee isgarabsanaya. Kaas oo dhibcihiisii hordhaca ahaa durbaba ku sigteen in ay jihada uu ku socdo ka lumiyaan markabka. Ileen geed la qabsadaana. Xawaaraha naf lacararka ah ee uu kabtanka markabku kula baratamaayo gudgudaha ay dhibcihiisu hayaan iyo gudcurka iyo dabaylaha isbarkani waxaa ay keeneen in la waayo xidhiidhkii isgaadhsiineed ee uu markabku la lahaa ciidamada bada ee talyaaniga. Mudo yar kadib waxa iyana meesha ka baxday korontadii markabka. khalkhal iyo is dhex yaac ayaa bilaabmay kadib markii dadkii ku jiray qaybta hoose ee markabku ka war heleen in mawjado biyo ahi ka soo butaacayaan khanka ugu hooseeya ee sagxadda markabka. Masiibada kediska ah ee dhacday ayaa sababtay in jihadii qumanayd ee markabku ku jihaysnaa si dhakhso ah isu bedesho. Waxaa uu markabkii afka saaray dhinaca jasiiradda Malta oo masaafo aan fogayn dhinaca galbeed kaga beegnayd jasiirada Lambidusa ee dalka talyaaniga. Saacad heedadow iyo naf lacaarid ah kadib waxaa uu markabkii afka ka galay guuto ka mid ah ciidamada ilaalada xeebaha ee jasiirada Malta, oo iyana dareen iyo shaki ay ka qaadeen markabka ku soo xadgudbay biyahooda awgeed rasaas iyo gantaalo la miciinsaday isla markaana raaxada kaga badalay markabkii awalba dalanbaabiga iyo daala dhaca la liitay. Dab ayaa ka huray gabi ahaanba qaybihii markabka. Waxaana goor danbe oo gurmad loogu yihi la garwaaqsaday in dhamaan dadkii saarnaa markabku noqdeen wax uu dabku leefay iyo wax ay rasaastu dambaska ka dhigtay, marka laga reebo hal gabadh oo iyadoo aanay wax dhib ahi daarin laga soo saaray qaybta hurdada ee markabka. Nasiib wanaag waa Landa lafteedii. waxaa loola cararay cisbitaal ku yaala dalka talyaaniga. Maalmo xanaanayn gaar ah kadibna waxaa looga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo in kaligeed ay  ka badbaaday shil halis ah. Warwar, naxdin iyo shoog ay ka qaaday warka dhiilada leh ee loo sheegay kadib waxaa ay go’aansatay in aanay sidaas kaga hadhin wixii dhacay, waxaa ay bilawday in ay dacwayso dawlada Malta iyada oo kaashanaysa dalka talyaaniga. Waxaa ay dacwadeeda gundhig uga dhigtay in ciidamada jasiirada Malta ay xasuuq naxariis daro ah u gaysteen qaxoonti ay sifo sharci ah dalka talyaaniga ku soo galiyen ciidamada badda ee taliyaanigu, taasna ay cadaynayso markabka dagaal ee ay qaxoontigu saarnaayeen. Dacwad dheer oo dhex martay talyaaniga iyo maalta kadib waxaa ay jasiirada malta ogaolaatay in ay bixiso magdhawga khasaaraha ay u gaysatay dalka talyaaniga iyo waliba raali galin buuxda. Maalintaas laga bilaabo Landa waxaa ay noqotay halyeyad si wayn looga tixgaliyo loogana maamuuso guud ahaanba dalka talyaniga. Hada waxaa ay kuy nooshahay Rome-tii himiladeeda…………………………………………….DHAMAAD


W/Q: Mustafe Axmed Ibraahin “Jaarhiidi”.

No comments:

Post a Comment