Monday, December 29, 2014

Maqaal: Saaqidiinta Siyaasadda!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Waayadii hore markii iskuulka aan dhigan jiray waxa si isku mid ah macno noogu lahaa ereyga saaqid, wallow marar badan aanu u isticmaali jirnay siyaabo kala duwan. Si kasta oo loo adeegsado se waxay ahayd un kalmad isticmaalkeedu ku haboonyahay waxa loola jeedo markaas.
Saaqid mar waxaan odhan jirnay ardayga ka dib-jira ama ka hadha waxbarashada. Mar waxaan u aqoonsanayn ardayga aan ka adkayn isla markaana aan soo qaybin duruusta naloo dhigo. Mar kale waxaan u naqaanay.....
ardayga habsanka badan ama aan inta badan imanin iskuulka. Kaliya kuman soo koobin saddexdan tusaale ee aan sheegay balse waxa jira macnoyaal dhawr ah oo kale oo la isticmaalo marka loo baahdo.
Maqal ahaan iyo maskax ahaanba waa hubaal in qof kastaa marka uu maqlo ereyga saaqid ay maskaxdiisa kusoo dhacayso markaba goob waxbarasho iyo qof aan waxbarasho u jeedin. Waana xilliyada ay u badan tahay adeegsiga odhaahdanni.
Dhanka kale haddii aynu u nimaadno kalmadda raacsan saaqidka ee siyaasad; siyaasaddu waxay leedahay micnayaal badan oo kala duwan, tusaale ahaan mar waxaynu odhana jirnay siyaasad ayaa loo baahan yahay si loo gaadho ujeedadaas oo noqonaysa un qorshe. Mar kale waxaynu isticmaalnaa wuu ka siyaasadeeyay waxaas, oo iyana ah ah qof, qof kale wax ka qaaday isaga oo adeegsanaya xeelad iyo farsamooyin kale si uu u helo waxa uu qofkaas ka rabo. Marar badan waxa aynu nidhaahnaa hebel waa siyaasi, waana marka aynu tilmaamayno qof ku dhex jira arrimaha siyaasadda ama ka kasbaday magac iyo maamuus bulshadda dhexdeeda intii uu ku dhex jiray saaxadda siyaasadda. Micnaha guud ee ereygan siyaasad waxa uu noqon karaa xeelad ama khiyaamo.
Siyaasadda soomaalidu kama duwana maanta waxyaabahaas aynu soo tibaaxnay, waxaan odhan karaa waliba haddii uu ardayga iskuul jiray, siyaasiga waxa halkiisa u taagan xisbiga. Haddii uu ardayga saaqidka ah iyo ka aan ahaynba ka wada dhexeeyay dirays isku mid ahi, siyaasiga saaqiday iyo ka kalena magaca siyaasi ayuun bay wada sheegtaan. Haddii uu ardaygu lahaa waalid keena oo lacagta ka bixiya, siyaasiga maantu waxa uu leeyahay suldaan iyo deeq bixiye. Haddii uu ardaygu lahaa saaxiibo qaarna ay heshiis yihiin qaarna tartamaan, siyaasigu waxa uu leeyahay axsaab siyaasadeed iyo xubno ay isku aragti yihiin. Haddii ardaygu marka ay daruuri noqoto u badalan jiray iskuul kale, siyaasigu waxa uu ku biiraa xisbi kale. Haddii uu ardaygu lahaa macalin uu wax ka barto, siyaasiga wakhtigani waxa uu wax ka bartaa dadkiisa. Haddii iskuulka wasaarradi kormeeri jirtay, siyaasiga iyo siyaasaddaba waxa korka kala socda waddamo shisheeye oo u kormeerta dan iyo dulaysi daa’imana iyo dabino ay u maleegayaan.
Hadaba saaqid waxbarasho garanaye waa kuwee Saaqidiinta siyaasaddu ama se waa ayo saaqid siyaasaddeed?
Saaqid siyaasaddeed waa qof aan lahayn hadaf iyo hannaan mustaqbal oo uu hiigsado, waa qof ku fashilmay xaqiijinta himilooyinkiisa, waa qof ka gaabsadda runta, waa qof aan danaynin qarannimo, waa qof qadariya qabiilka, waa qof aan ka qoomamayn qaladka, waa qof aanay ka qasnayn xumaantu, waa qof uu u quman yahay qaloocu, waa qof ku suntan qabwayni, waa qofka quuta un qaadka, waa qof aan qirin dadaalka, waa qof qawad iyo qamuumyo leh, waa qof aan qiimaynin waxqabadka, waa qof aan ku qancin qadarka, waa qof qool ku haysta quluubta dadka, waa qof aan qaabilin xeerbeegtida, waa qof qax, qaxar iyo qaylo ku baaqa, waa qof aan ka quusan wax quus ah, waa qof qandaraas lagusoo qaatay qalbigiisa.
Rag badan ayaa maanta taytalka kaliya ee ay bulshada ku dhex joogaan yahay siyaasi, kaasi oo ay dad badani u haystaan in uu yahay nin u wada nasteex balse aanay u arkayn qof doonaya in uu siyaasad ku siyaasaddeeyo maskaxdooda isla markaasna ku majara-habaabiyo waxyaabo aan haboonayn oo u horseedaya kala qoqobnaan ay qabyaaladi wado iyo maandooriye lagu bixiyo laaluush. Dad  badan baan dareensanayn in ay raggan wada siyaasiga noqday ay ku jiraan qaar saaqidiin ah oo ka hadhay siyaasaddii isla markaana ku fashilmay in ay sii wadaan.
Ugu dambayn waxaan dadweynaha usoo jeedinayaa in aanay ku mashquulin iskuulkan Siyaasadda ee maalinba ardayga cusubi galayo maalina midi ka saaqidayo, ee ay danahooda shakhsi iyo hawlahooda kale iska qabsadaan, waayo qofka la isku dul haystaa waa adiga, ka la doonayo in la siyaasadeeyaa waa adiga, ka la doonayo in la mashquuliyaa waa adiga, ka la doonayo in uu nin kale falanqeeyaa waa adiga, ka ay wax ka xumaanayaan waa adiga, ka laga dul guurayo haday dantu idiin kala dhamaato waa adiga. Waar hooy dadkaygow ha noqon salaanka sahlaya in lagu fuullo meel sare ee hadhow la iska hoos qaado dushana laga soo eego, dhulkana wax uu isagu ka dhiibo mooyee aanay waxba ugu soo dhicin.
Wabilaahi tawfiiq.


W/Qoray: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Arday Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa, ahna;
Guddoomiyaha Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com    
Tell: 063-4470220           


No comments:

Post a Comment