Monday, December 29, 2014

Sheeko: Ku faan!


Ku-te: “outpatient tag.” “adeer waa maxay outpatient”? Kuba yidhi: “eeyaahe waa ka halkaa ku yaallee tag.” Ka daba gaysay. Waa kalkaaliso joogtay cusbitaal. Waabay ku qanacsan tahay weedhan qalaad ee afkeeda
ka soo baxaysa ee ay ku leedahay odaygan waayeelka ah. “adeer qof buka ayaan ahaye kaalay adigu i gee” markuu yidhina aad bay......
ula yaabtay! Inkasta oo aan markaa goobta ku sugnaa, oo aan daryeelayay qof bukaan ah, haddana waan u adkaysan kari  waayey sida ay ula hadlayso waayeelkan aabbeheed oo kale ah.
Waa oday da’ah diif badanina ka muuqato, xanuun badanina daashaday. Dushiisa ayaad dar xumo badan ka dheehanaysaa. Aragti uu arkay meeshan ay sheegaysana dhaaf e, xataa waligii ma uu maqal. Maanta ayaaba ugu horraysa. Ha kuba soo dhaqaaqo dhinacay taagnaayeen. Markaan idhi “walaal waa oday waayeel ah, mana garanayo weedhan aad ku dartay hadalkaaga, kulamana fahmayo ee inta aad leedahay out patient, waxa kaaga fiican kaagana qurux badan inaad ku tidhaa, adeer qaybta bukaan socodka tag”. Intay kor iyo hoos ii eegtay bay tidhi, “patient-kaaga ku eekow, shaqadaydana ha soo farogalin, maxaa se kaa galay adiga odaygan?”
Waabay ku sii taagan tahay weedhii qalaad, ee ka soo baxday afkeeda wali, naxariistii beri horey ka haadday. Waxabad moodaa inay askar tababarayso. “ma af-soomaali baanad ku garanayn, mise waad ka faanisaa?” Markaan ku idhina, waxay u dhawaatayba inay gacan ii qaaddo, anoo dhoollocaddaynayaan ugu warceliyey “walaal shaydaanka iska naar wax uun baan kuu sheegayee, waxba kumaan yeeline, kuna faan afkaaga hooyo, hana ka faanin”. Dad badan oo goobta ku soo ururay, baaba afka iyadii kaga booday. “Naa wax isku fal, waa ku sidee!naa naxariistii halkay kaa martay? Halkeed inanta afka ugaga booday?” Intaba waan maqlayey. Kaba soo dhaqaaqay goobtii, odaygii waayeelka ahaana soo kaxeeyey, goobtuu doonayeyna geeyey. Iiba ducee, isagoo ku celcelinaya “liibaan adeer liibaan”.
Ugu danbayntiina ka soo noqday odaygii waayeelka ahaa, anoo madaxa ruxaya hoosna iskula hadlaya oo leh,” toloow dadkani maxay afkooda uga faanaan ooy midkale ugu faanaan? Mise toloow inantu iyadaa kaa saxsan, oo waligeedba may arag meel eray bixinta weedhani ku taallo, mise waxan jirinba qaamuuska eraybixinta caafimaadka”? Iyadba waa is weydiin dadow.
Faadumo Aadan Buuni

No comments:

Post a Comment