Monday, December 29, 2014

Sheeko Gaaban: Way Irmaan Tahay!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Basiye waxa uu ahaa oday waayeel ah oo noolaa wakhtiyaddii hore, aadna ugu tilmaamnaa doqoniimo, kolka madasha shirka ay reeruhu ku tashanayaana waxba lama waydiin jirin, xitaa haddii uu hadlo ciddi dhag jalaq uma siin jirin. Oday Basiye waxa uu inta badan ku caan baxay hadalada aan micnaha lahayn oo ka dhex saartay saaxiibaddii marka ay sheekeysanayaan.
Basiye waxa uu qabay islaan fariid ah oo la odhan jiray Babiya, oo u dhashay Nuur iyo Tiriig oo...
laba gu’ kala waynaa. Nuur maalin walba waxa uu raaci jiray geella oo fiidkii un buu soo carraabin jiray, halka ay Tiriigna kambalka xaafadda u foof gayn jirtay adhiga, iyadoo dhinacna kala shaqayn jirtay hooyadeed oo ay kaligeed inan u ahayd. Basiye isagu habeenkii oo kaliya  ayuu xaafadda usoo hurdo doontaa halka uu subaxii ka jarmaado, shaqo kale ma hayo oo uu reerka ugu filan yahay, balse shax ayuu geed Marraa ah hoostii kusoo ciyaari jiray gabbalkuna uu ugu dhici jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa odaygii Basiye hal ku jirtay geelliisii u kaxeeyay sayladda, si uu usoo iibiyo. Markii uu sayladii soo istaagay isaga iyo hashii uu watay ayaa ay u yimaadeen niman ganacsato carbeed ahayd oo sayladda xoolo ka gadanaysay, nimanka waxa la socday dilaal soomaali ah oo u iibinaya xoolaha. Isla markiiba dilaalkii waa uu eeg eegay hashii, markii uu ku qancay ayaa uu ku yidhi odaygii hasha lahaa “naga iibi”. Isna “imisaan idinka siiyaa ayuu ugu jawaab celiyay”. Horta qiimo sheeg adigu ayaa uu ku celiyay Basiye, intaas ayaa aan idinka siinayaa waxa yidhi Basiye. Waayahay ee hoo lacagta ayaa uu markiiba ku yidhi ninkii dilaalka ahaa, shaw ilayn qiimaha uu sheegay waxa uu ahaa qiimo aad uga hooseeya kii saylada uu ka joogay geellu wakhtigaas. Cajiib! Odaygii oo yaaban oo islahaa marka hore ba malaha cid kaa iibsan mayso maanta ayaa farxay oo iska qaatay lacagtii uu ku iibiyay hasha, sugayna baaqi yar oo ugu hadhay nimanka. Nimankii iibsaday hashii Basiye oo haddana doonaya neefaf kale oo ay gataan ayaa u tagay nin kale oo isna hal kaliya saylada keenay oo meel la taagan, markii ay u sheegeen in ay u socdaan in uu ka iibiyo hasha uu wato ayuu ninkii ku yidhi Waayahay ee iska eega, …………ma idin qancisay ayaa uu u raaciyay, markay hashii eeg-eegeen, imisaad naga siisay ayuu dilaalkii nimanku wateen ku yidhi ninkii, waxa uu isna u sheegay qiimaha uu siinayo hasha, qiimaha uu ninkani sheegay waxa ay noqonaysaa qiime tiro ahaan kusoo liban laabmaya kii ay ku iibsadeen hashii hore ee Basiye, ku darsoo oday Basiye na waa uu ag taaganyahay nimanka oo waxa ugu hadhay baaqi, kolkii ay ka yaabeen qaalinimada hasha ayaa ay ku yidhaahdeen ninkii “waar ninyahaw intii aannu hasha Basiye siisanay naga qaad oo naga iibi hasha”, maya waanan idinka siinayn, waayo “aniga hashaydu way irmaan tahay” ayuu ku yidhi ninkii, wax ay gor-gortamaan ba waxa uu aakhirkii ka siiyay qiime ka badan kii ay ku iibsadeen hashii hore, iyaga oo ku qancay qiimaha uu ninku ku doonayo hashiisa iyo sababta uu intaas u siinayo. Waxaana ragii oo dhami ku kala tageen sidaas, Basiya na waa ay siiyeen baaqigiisii, oo waxa uu iskaga soo carraabay reerkiisii.
Waayo dambe ayaa Besiye inantiisii loo soo geed fadhiistay, ka dibna Basiye iyo odayaal ay isku reero ahaayeen ayaa qaabilay nimankii inanta kasoo doonnay. Olol oo ay Basiye walaalo ahaayeen ayaa yidhi “waar Basiyow anaa nimanka la hadlayee ii daa hadalka”, “waayahay ee xabbad haka tagin” ayaa uu isna ku jawaabay iyo waayahay. Markii inantii lakala guddoomay ee uu hadalkii dhamaadday ayaa waxa soo kacay odaygii Basiye oo ku dhawaaqay wax baa hadhay ee u kaadiya, shaw waxa uu xusuustay maalintii saylada iyo hashii irmaanayd ee lacagta qaaliga ah lakala siistay, markaasay nimankii ku yidhaahdeen haye maxaa hadhay, wuxuu ku yidhi “horta inanta iska eega oo ma idin qancisay”, nimankii waa ay yaabeen oo ay ku yidhaahdeen inankaanu inanta u doonaynaa waa iska eegay oo ku qancay xaaji, odaygii baa yidhi “hadaba ogaada oo Inantaydu waa ay irmaan tahay ee lacagta soo kordhiya!”.
----dhamaad-----
Xusid: Sheekadan waxa iiga sheekeeyay saaxiibkay cabdiqaadir Maxamuud Cumar










Waxa Qoray: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Email: Mdhagocade@gmail.com     ama            xiinfiniin_10@hotmail.com
booqo Mareegta: Www.bar-qoraal.blogspot.com

Tell: 063-4470220

No comments:

Post a Comment