Friday, January 2, 2015

Maqaal: Ma Qumanna Qabyaaladdi


W/Q: Maxamed Fu’aad Xsan Dhago-Cadde
Haa, ma qumanna qabyaaladdi oo waa wax xun, waa mid aan xumaanteeda haddii la is yidhaa qora oo qalin u qaata laga gayoonayn, waan hubaa se in qofkii caqli leh maskaxda ugu suntantahay dhaxalkeeda iyo cidhib xumadda laga muto. Tusaale la igama rabo oo wax aynu taariikh ku maqalnay oo la inoo soo tabiyay iyo wax aan maanta daah inaga saarnaynba waynu ka dharagsanahay, su’aashu se waxay tahay yaa meesha ka saaraya qabyaaladda sida xun u ragaadisay dadkeenii maanta? Ma arko mana maqlayo, cidna uma maqna
ceelna uma qodna dalkana dadkii lahaa wali may dhalan ayaan u malaynayaa oo ma jirto cid ay lexejeclo ka haysaa, waayo dadka intooda badani waxay noqdeen dad cunaya hilib ay oo harag riyaad xidhan iyagoo afka ka sheegaya in ay neceb yihiin qabyaaladda hadana ku dhaqmaya iyagii. Aan isku dayo in aan jawaab u raadiyo su’aashii hore ee ahayd cidda meesha ka saaraysa qabyaaladda. Haddii aan maanta odhan lahaa guurtida oday dhaqameedyada ayaa ka saaraya waa mid aan suurto gal ahayn sababta oo ah waa dhaxlayaashii aabayaasheen ka dhaxleen iyadda waanna qaar aanay qalbigooda ka baxayn oo goob joog u ahaa meel lagu kala sareeyo qabyaaladda. Haddii aan odhan lahaa aqoonyahan iyo qof waxbartay haka saarana ilama aha in ay baabiin karayaan qabyaaladda sababta oo ah waa qaar ku kacaamay goobaha ay wax ku dhiganayaan intaasad la qolo tahay iyo cidaasad la qiimo tahay, qaarkoodna ku hammiya arrin reer iyo reerku meel ha kuu jiheeyo oo halagu magacaabo. Haddii aan odhan lahaa culimadaa ugu dhaw ee haka hadashana iyagii baan midaysnayn wallow diinta ay ka siman yihiin hadana u kala baxay dariiqooyin kala duwan oo hadii midi meel uu ka hadlo ka kalena kii hadlay un kadaba hadlayo. Haddii aan odhan lahaa siyaasi iyo baarlamaan hiil ha u noqdana ma qumana oo iyaga ayaaba kursiga ku yimid uguna fadhiya isla markaana ugu adeegaya danta qabiilkii soo doortay. Haddii aan odhan lahaa dhalinyaro ha dabar goysana wakhti xaadirkan iyagii baa loo casriyeeyay qabyaaladdii oo la yidhi waxaad tahay reer Maxamuud Haybe, adna waxaad tahay reer Axmed Dhagax, adna waxaad tahay dhalinyarada 26 juun, iyo waxyaabo kale oo la mid ah sida dhalinyaradda waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa, dhalinyaradda koonfurta, barriga iyo badhtamaha Hargeysa, dhalinyarada koonfurta Hargeysa, dhalinyaradda barriga Hargeysa iyo magac bixino badan oo lagu casriyeeyay qabyaaladdii. Waxaad arkaysaa dhalinyar soo fadhiisatay warbaahin oo leh anagu haddaanu nahay dhalinyaraddii barriga Burco ama galbeedka Burco, haddaanu nahay dhalinyaraddii gobol hebel iyo tuulo heblaayo waanu taageersanahay sidaas, oo micnaheedu cadyahay isla markaana lagu badalay un anagoo reer hebel ah. Markaa ilamaaha in ay dhalinyaradu intay sidaas ku jiraan samayn karaan isbadal wanaagsan iyo hanaan fiican oo lagu dabar jaro qabyaaladda maanta ina ragaadisay. Xukuumadda ashkhaas ka mid ah, siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah iyo dad kale oo wax garad ah ayaa iyaguna sidoo kale isticmaala kalmaddo aan haboonayn sida tabashada beelaha darafyadda, beesha dhexe ayaa waxaas isku koobtay iyo hadalo badan oo si cad u kala saaraya bulshada una kala qaybinaya beelo guud oo wax kala leh, xitaa maanta waxay noqotay wax aan lagala xishoon in lagu qoro jariiradaha iyo in lala soo fadhiisto warbaahinta qabiilka iyo cidda uu caayayo ee uu dhaliilayo ama qabiilka iyo qoloda kale ee uu wax ka tirsanayo, ama qabiilka iyo ka ay dooranayaan ama ay diidayaan.
Dhanka kale nidaam qabyaalad ku dhisan ayaa aynu ku faanaa oo aynu nidhaahnaa waxannu nahay qaran, qabiil iyo qarana waa waxaan la dafiri karayn in aanay meel wada galayn, oo maanta wasiirka xilka laga qaadaa waa wasiir reer hebel laga eryay isla markaana lagu soo badalayo reer hebelkiisii, mid walba oo dawladda ka tirsanina uu sidaas yahay haduu yahay wasiir ku xigeen, guddoomiye hay’addeed, agaasime iyo ciddii kale ee la mid ah. Waxa tusaale inoogu filan ayaan darro weyna ah in wasiirka meel xadhiga laga jarayo ama la furayo loo dirayaa noqdo wasiir kasoo jeedaa deegaankaas, iyadda oo lagu ladhayo inta badan wasiirka ay wasaaradiisu waxqabadkaas fulisay ama masuulka u sareeya kolba hay’adda hawshaas waday. Waxa kale oo dadka qaar tilmaamaan in xitaa hudheeladda xafladaha lagu qabsado lakala yeeshay oo aannuu nin qolodaas ahi ama xisbi qaran hebel ku qabsan karin xaflad hudheel hebel iyo hudheel hebel. Waxaa iyana inta badan jirta shirkaddo ama goobo badan oo la tilmaamo in ay ka shaqeeyaan qabiil gaar ahi oo qofka shaqaalaha ah ee ka tirsani uu ku yimid qaraabo kiil ama qof jeclaysi. Waxa iyana wax imika inagu soo badanaysa ah in goobihii dadku wada lahaayeen ama aasaar ha ahaato ama khayraad kale oo loo siman yahay ha ahaatee in lakala sheegto oo reerba in gaar ah sumad u yeesho, taas oo curyaaminnaysa horumarka dalka, iyada oo ay jiraan qodobo sharci oo si cad u mamnuucaya degitaanka iyo sheegashada hantida guud ee qaranku,.
Ugu dambayn, sida loo cidhibtirayo cawaaqib xumadda qabyaaladdu maaha mid cid gaar ah iyo dawlad kaliya u taala, laakiin waa wax ay tahay in aynu meel uga soo wada jeedsano sidii looga takhalusi lahaa nabaad guurka baahsan ee ay maanta qabyaaladdu inagu hayso, waa mid ay tahay in qof kastaa uu ka bilaabo naftiisa oo uu u arko qabyaaladda si xun u adeegsigeeda wax sumcadiisa hoos u dhigaysa isla markaana dib u dhac ku keenaysa hadafka iyo himilooyinkiisa mustaqbal ee uu leeyahay. Waxay qabyaaladdi baaba’aysaa marka ay dadka micno isku mid ah u wada yeelato una kala duwanaadaan Qabiilka iyo Qabyaaladdu, ay tahayna qabyaaladdu mid wuxuun dumisa ee aanay waxba dhisin, waa kii lahaa abwaankii waynaa ee Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Suldaan Timacadde “Dugsi ma leh qabyaaladdi waxay dumiso mooyaane”.
Wabilaahi Tawfiiq
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Guddoomiyaha Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)

No comments:

Post a Comment