Friday, January 9, 2015

Sheeko: Shalay Iyo Maanta!


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Warmooge waa wiil yar oo wakhtiga iyo waayuhu wax bareen. Waalid iyo wehel kale oo aan adeer ay aabihii ilmo adeer ahaayeen oo uu gurigiisa joogay ahayna kumuu garaadaysan. Aabihii wuxuu dhintay isaga oo hooyadii caloosha ku siddo, hooyadiina waxa ay xijaabatay isaga oo dhawr gu’ jira. Walaal ka weyn iyo ku ka yar midna ma uu haysan, waxaana uu waayay cid kale oo daryeesha, oo dugsi ama goob waxbarasho gaysa. Gabadha uu adeerkii qabay waxa ay ahayd mid aan u wanaagsanayn oo mar walba canaanata kuna caansiirisa cuntadda ay siinayso, halka wakhtiyada qaar ay u diidi jirtayba. Wuxuu inta badan ku fikiri jiray sidii uu noloshan uu ku noolyahay uga bixi lahaa, isagoo aaminsanaa in xitaa
bannaanada oo uu seexdo ay u dhaanto gurigan uu ku dhex xidhan yahay. Wuxuu ka murugoon jiray waalid la’aanta haysata isagoo xusuusan jiray marka ay gabadha adeerkii caydo hooyadii. Dhibta ka haysata Warmooge guriga waxba kalamuu socon adeerkii, waxaana uu iman jiray wakhti uu seexday, subixiina isaga oo hurda ayaa uu ka kalihi jiray. Socodka da’da qofka ee ay la socoto koboca garaadkiisu marba marka ka dambaysa waxa ay fikir san iyo ku silanba siinaysay Warmooge oo wakhtigiisa ku qaadan jiray werwer iyo walbahaar ay ugu wacantahay gabadha uu la joogaa. Waxa uu danayn jiray in uu iskuul mar un galo oo uu ka mid noqdo ardayda faraha badan ee ammin kasta kusii qulqulaya goobaha waxbarashada, waxaana uu maalin jimce ah oo uu joogay adeerkii ka dalbaday in uu ku daro iskuulka si uu wax usoo dhigto, adeerkiina waa tagi waxba umuu dhaafin. Wiilkii warmooge waxa galay hammi cusub iyo yididiilo waxaana uu subax kasta kusoo toosi jiray in iskuul la gaynayo, ciddi se hadalkiisiiba dheg jalaq umay siin oo wax kasoo qaadin.
Warmooge wuxuu la kacaamay wakhti xun oo ciyaalkii isaga la filka ahaa ay balwad iyo boob u ban-baxeen. Balo na ugamay horayn asxaabtii uu ku indho dilacsaday oo wuxuu la bilaabay wixii ay wadeen. Wixii ka dambeeyay intii uu kooxdaa raacayba waxa uu ka goostay gurigii adeerkii oo uu ku noolaa ilaa dhimashadii hooyadii kadib.
Dhawr berri ka bacdi, waxa uu noqday baalashle ka shaqaysta maqaaxiyaha magaaladda kuwaas oo ka fogaa xaafadii uu joogay, waxa uu kala soo bixi jiray quutal daruurigiisa oo isaga u ahaa balwadaha sida qaadka, sigaarka iyo xabagta, halka cuntada uu ka quudan jiray hambada hudheelada wax laga cunno kasoo hadha. Hurdada habeennimo waxa uu u hoyan jiray barandayaasha meheradaha ku yaala suuqa oo waa darbi-jiif, hu’ dhaxanta ka celiya iyo wax uu is hoos dhigo midna ma leh, waxaanna uu habeen walba ku seexdaa kartoono uu soo urursado. Dhar iyo calal uu xidhona hadalkoodaba daa oo laguma oga, welina waxa uu xidhan yahay maryihii uu xidhnaa maalintuu guriga kasoo dhaqaajiyay oo boodhka, bayhoofka iyo balanbalka haysta awgeed ay ku dul goo’geen. Hammi aan boob iyo baadhasho ahayn kuma taammo. Wakhtiyadda dambe ee habeenka waxa uu istaagi jiray isaga iyo koox ay saaxiibo yihiin huluulaha wadooyinka agtooda ah waxaana ay isku dayi jireen in ay qofkii soo mara baadhaan isla markaana ka qaadaan waxa uu sito. Fal kasta oo ay sameynayaan waxa ay u isticmaalaan middiyo iyo faashash aanay arxan iyo tudhaale midna uga galayn qofka ay wajahayaan. Wax walba waa ay ku dhiiran jireen oo samayn jireen, waxa ay isku arkayeen dad aanay noloshu wax qiimo ah ugu fadhiyin, waji iyo sumcad kale oo ay cid ka damacsan yihiina aannuu jirin.
Marar badan Warmooge iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa waxa ku dhacay xukuno tuugo ah oo loo aqoonsaday markii dambe dad caadaysteyaal ah, waxaana lagu xidhay jeelka weyn ee magaalada oo ay sannado dhawr ah ku jireen. Xabsiga lagu xidhayaa waxa uu kasii dhigi jiray dad adadag oo aan baqan, calool adayg fara badanna waa uu soo baray, sababta oo ah waxa ay jeelka dhexdiisa kuwada xidhnaan jireen niman badan oo falal dambiyeedyo kala duwan loo soo xidhay, xitaa qaar wax soo dilay, waxaana ay iskaga warrami jireen mid walba waxa lagu soo xidhay, xirfadda uu isticmaalo iyo waxa uu samayn doonno marka mudadu u dhamaato ee uu baxo, iyagoo talona isa siin jiray.
Saddex sanno oo uu xidhnaa ka dib, waa kan oo waxa uu kasoo baxay jeelkii, tollow ma isbadalay oo wax ma ku soo qaatay mudadii uu maxbuuska ahaa? Bal aan eegno halka uu wax ka bilaabo. Cajab, waxba iskamay badalin oo waxa uu halkii kasii bilaabay waxyaabihii uu hore u samayn jiray oo dhan, isagoo weliba markan jeelka ku soo dhex qaatay talooyin ku saabsan sida wax loo dhaco oo noqdayba waayo-arag aannay dhib u hadhayba jirin. Dambiyada ay sameeyaan imika waa qaar ka casriyaysan kuwii hore, dilka iyo boobka ay gaystaana waa qaar axmaqnimo ah oo aannay qofna uga tudhayn walaxda ama middida ay sitaan. Alaabta ay dadka ka qaadaan waa ay iibin jireen oo waxaabay ku xidhnaayeen niman ganacsato ah oo ay u geeyaan, lacag yarna ay ka qaataan. Inkasta oo lacagta ay ka helaan dhaca ay sameeyaan siisan jireen oo kaliya qaad, xabag iyo sigaar. Ma garanayo in ay iibsadeen iyo in kale imika waxa ay haystaan hub, oo baaskoolad ayaa aan ku arkay, waxa ay u banbaxeen baadhasho badheedh ah, waxa ay ka dhex baxeen xaafadihii oo waxa ay sidii jabhad isbaaro dhigteen duleedka magaaladda oo qofka iyo gaadhiga soo mara ayaa ay rasaasayn jireen, kadibna waxa ay sitaan ka qaadi jireen. Waxaana ay in muddo ah ku jireen halkaas oo waxa ay noqdeen duurgaleen dadka dhiba. Dawladu wakhti dambe ayaa ay ogaatay waxaanay isku dayday in ay soo qabtaan nimankaa balse suurtogal umay noqon oo waa ay ka baxsadaan kolba. Mar kasta oo meel lagu fahmo waxa ay u talaabayeen goob kale oo ay gabood ka dhigtaan. Xiliyada qaarkood waxa ay dhex gali jireen magaaladda oo ay falal argagax leh ka soo samayn jireen, kadibna u baxsan jireen miyi’adda magaaladda.
Warmooge waa hogaamiyaha kooxdan budhcadka noqotay, waa ninka ugu arxanka daran ee dilalka isagu gacantiisa ku gaysta, waa nin ay ka go’antahay in uu markasta hormood ka noqdo falka ay sameynayaan isaga iyo kooxdiisu. Maaha qof wax bartay oo ma jirto wax uu xeerinayaa, aqoon iyo aragti fiican oo uu wax ku hubsadana ma leh. Balwadihii uu isticmaali jiray hadda waxa ugu darsantay khamriga oo uu si xun u cabbi jiray. Waxa ay sabab u noqdeen in ay ajasha dhaafiyaan laba qof, halka laba iyo toban kalena ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen, si gaar ahna waxa ugu tilmaamnaa Warmooge.
Duulaan adag oo lagu qaaday aakhirkii waa la soo qabtay Warmooge iyo kooxdiisii, waxa loo dhaadhiciyay maxkamadda oo xukunno iskugu jira dil iyo xadhig badanba ku ridday dhammaantood. Maadaama oo uu Warmooge ahaa abaanduulahoodii waxa uu wanjalay laba kale oo ka mid ah saaxiibadii, intii kale oo dhammina waa ay ku marag fureen in ay labadaas nini dilka geysteen. Warmooge se waxa lagu xukumay toban sanno oo xadhig ah. Kuwii dilka lagu xukumay iyo isagiiba waxa lagu wada xidhay jeel, inkasta oo ay kala qol ku jireen.
Kadib markii uu soo dhamaystay xadhigii waxa uu dib ugu soo laabtay magaaladdii oo gebi ahaanba isbedeshay, dhismeyaal quruxbadan yeelatay, waddooyin fiican laga wada sameeyay, ganacsi, waxbarasho iyo horumar balaadhanna ka socdo. Waxa u siyaaday caqligii, waxaana uu markan ku fikiray in uu iska daayo wixii uu hore u samayn jiray, waxa uu ku noqday xaafaddii adeerkii isaga oo dadba ka garanaya xaafadaas un, waxa uu tegey aqalkii oo ciyaal miidhan joogaan wakhtigaasna wiil iyo gabadh kali ah ay joogtay, hada se waxa jooga todoba caruur ah oo kale oo dhammaantoodba dhashay intii Warmooge darbi-jiifka nolosha ka dhacsan ahaa. Waxa la hadashay gabadhii u horseeday in uu nolosha caynkaasi ah galo, oo ku tidhi Warmooge xageed ka timid edo. Isna waan joogay ayaa uu ugu jawaabay. Da’da hadda uu yahay waa ku dhawaad soddon gu’, oo cudud iyo caqliba waa uu ka buuxaa, waxaana uu rabaa imika in uu magaaladda dhinac ka galo oo shaqaysto.
Wax ma baran, mana laha xirfad kale oo ku shaqaysto, waxaanna ay dantu baday in uu noqdo xamaal. Wuxuu soo kiraysan jiray kaaryoon ama gaadhi gacan, maalintii oo dhan isaga ayaa uu wax ku qaadi jiray kana shaqaysan jiray, habeenkiina inta uu kiradii maalintaa iska bixiyo ayaa uu iska xarayn jiray. Gu’yaal badan markii uu shaqaystay lacag waxogaa ahna kasbaday waxa uu ku biiray ciidanka booliska, isaga oo lacagtiina loogu badalay qori laguna qarameeyay.
Warmooge sidii wuxuu kaga mid noqday ciidanka booliska, waxa loo qoray mushaharkii ciidannimo. Dhammaan fikiradan quman ee uu ku fikirayay intii dambe waxa ay wax badan ka badaleen noloshii uu markii hore ku jiray, waxa uu noqday qof isku filan oo naftiisa ka adag, dhacdhac iyo hungurina ay kala huleeleen, wallow intii uu askariga noqday uu dib u bilaabay qaadkii, sigaarkii iyo weliba khamriga oo uu habaar baas ku qabay, isaga oo u arkayay in aannuu ku jiri Karin ciidanka haddii aannuu maandooriye isticmaalin, in badan oo askarta ka mid ahina way kala sinaayeen mabda’aas. Habeenadda qaar wuxuu ku qornaan jiray heeganka oo habeenkaas isaga ayaa u lahaan jiray gaadhka xerada, inta kalena waxa uu u hawl gali jiray si caadiya una gudan jiray waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday. Wax uu sidaas ahaadaba kama bi’in arxan daradii oo waxa uu dadka ku dhibi jiray dirayska, marka mudaharaad loo diro ama hawlgal kale oo ciidanku fulinayaanna waxa uu ahaa qof aan naxariista aqoon, cid uu u tudhayaana aanay jirin, sababta oo ah muu soo marin barbaarin gurri, ma soo marin tarbiyad macalin, ma soo arag wehel iyo walaal maalina wax u sheega, waxase uu la kacaamay intaasna ku leekaaday tuugonimo, axmaqnimo iyo daryeel la’aan dhaxalsiisay in uu jahli ku waynaado. Maaha Warmooge oo kaliya laakiin waa marxalad hubaal ah inuu marayo qof kasta oo waaya daryeel bulsho, kuna baylaha barada uu ku noolyahay, hoosna loo eegi waayo, isaga oo hadhowna noqda qof loo taagi waayo oo hagardaamooyin u gaysta dalka iyo dadkaba sidaana la kacaama hadii uu u adeege bulshada ah noqdo iyo hadii kaleba.
“Sheekadaa ka waramaysay waayahaa Warmooge ee aynu soo tibaaxnay waxa ay maanta mid la mid ahi haysataa carruurta aadka u tirrada badan ee darbi-jiifka ah iyo kuwa agoomaha, rajada ama agoon iyo rajadaba ah ee waayay daryeel kuna nool magaalooyinka kala duwan ee dalka oo u baahan intay goori goor tahay in la daryeelo oo wax la baro, meelna lagaga war hayo noloshooda iyo waxay qabanayaan.”
Wabilaahi Tawfiiq.



W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Guddoomiyaha Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)



No comments:

Post a Comment