Waxa qoray: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Waxay ahayd sannadkii 2007 dii markii aan ka
mid noqday ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali,
wakhtigaas oo aan ahaa fasalka koowaad ee dugsiyada sare ama form one ka loo
yaqaano. Sannad waliba waayihiisa lehe, waxa aan waxyar ka milicsan doonnaa
mahadhooyinkii taariikhiga ahaa iyo waxyaabaha xusuus qorka ah ee aan ka
xusuusto mudadii
aannu iskuulkaa wax ka baranaynay.
Iskuulka Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku yaalaa
goob waxbarashada aad ugu haboon, waxa uu leeyahay dayr ama xayndaab aad u
weyn, waxa uu ku fadhiyaa dhul balaadhan, oo ay ka dhex samaysan yihiin dhawr
garoon oo dhalinyartu ku ciyaarto, waxa kale oo uu iskuulku caan ku yahay
dhirta, weliba geedaha loo yaqaano Baxarasaafka, marka aad gasho albaabka
iskuulka waxa aad si siman u arkaysaa dhammaan fasalada uu ka kooban yahay
iskuulku, oo dhammaantood si wareeg laydi ah iskaga soo wada horjeeda.
Haddii aan ka bilaabo sannadkii aan iskuulka
soo galnay waxyaabaha aan aadka u xiisaynayay waxaa ka mid ahaa dirayska ama
balcada oo ahayd surwaal madow iyo shaadh caddaan ah, maadaama oo aan kasoo
baxnay 8 sannadood oo aan dirays isku mid ah ku imanaynay iskuulkii hoose
dhexe, iyada oo wakhtigaas aannu ku jirnay waxbarashada dugsiga dhexe ku hamiyi
jirnay sidii aannu mar un u xidhan lahayn dirayskaa madowga ah, oo waxaaba uu
noo ahaa wax aannu higsano, balse taa waxa badalay imika in ay isku mid noqdaan
balcada iskuulada sare iyo qaar ka mid ah dugsiyada dhexe ee gaarka loo
leeyahay oo aannay dawladu talaabo ka qaadin. Haddii aan kusoo noqdo markii ugu
horeysay ee aannu usoo gudubnay dugsiga sare, guud ahaan waxa is badalay habkii
markii hore wax naloogu dhigi jiray iyo weliba luuqada oo ahayd soomaali,
wakhtigan se waxbarashadu waxa ay noqotay mid ku baxaysa luuqada ingiriisida,
marka laga reebo carabida, tarbiyadda iyo soomaaliga. 2
Isbadalkan luuqada cashar
bixinta ayaa waxa uu aad ugu adkaaday ardayda badankoodii, sababta oo ah in
badan ayaan fahamsanayn in ay luuqada cashar dhigistu is badalayso marka ay ka
baxaan dugsiga dhexe, intii ay ku gudo jireen waxbarashadoodii dugsiga hoose,
dhexe na kaliya waxa loo dhigi jiray hal maaddo oo ingiriisi ah.
Waxyar markii aannu dhiganaynay sannadkii
koowaad ayaa uu maamulihii dugsiga Mudane Cali Axmed Balayax kusoo kordhiyay
maaddooyinkii aannu qaadan jirnay luuqada Faransiiska, oo uu keenay macalin
aqoon u leh maaddadaas. Soo kordhinta xiisaddaa cusub run ahaantii waxa ay
ahayd aniga shakhsi ahaan wax aad ii farxad galisay, inkasta oo ardayda
badankoodu ay ka bixi jireen marka uu macalinka dhigayaa soo galo, nasiib xumo
ma ay suurto galin in ay xiisadaasi noqoto mid sii socota, fahmi waa xaga
ardayda ah awgeed.
Waxyaabaha kale ee uu iskuulku lahaa waxa ka
mid ah qol shaybaadh (Laboratory room), kaas oo ardayda lagu tusi jiray
waxyaabaha u ardaygu u baahan yahay in toos loo tuso (practical), oo inta badan
u badnaa maaddooyinka sayniska ah sida Physics, Biology, Chemistry Iwm.
Waxa aan maskaxdayda ka bixin tartamadii uu
maamulka iskuulku u qaban jiray fasalada dhexdooda, haddii ay ahaan lahayd qaar
waxbarasho iyo qaar kubadda cagta ah oo lagu ciyaari jiray garoonka iskuulka,
waxaanna lagu kala qaadi jiray koobab.
Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali waxa kale
oo uu lahaa maktabadda akhriska buugta (Library), oo ahaa mid baaxad ahaan aad
u wayn isla markaas ay dhex yaalaan buugaag aad u tiro badan oo iskugu jirtay
buugaag diini ah iyo qaar maadi ah intaba, waxa loo kala tartami jiray madasha
wax akhriska, qof waliba na waxa uu qori jiray magiciisa iyo galaaska uu
dhigto, isaga oo raacinaya buuga uu doonayo inuu akhriyo, waxa aan odhan karaa
goob kasta oo waxbarasho waa ay fiicantahay in ay lahaato goob wax akhris, si
uu ardayga uga saaciddo heerkiisa aqoon korodhsi.
Iskuulka waxa uu lahaa joornaal ama jaraa’id
kasoo bixi jiray todobaad kasta hal mar, waxaanna soo saari jiray arday ka
tirsanayd dugsiga, waxa la keeni jiray maalinta sabtida inta galaas kasta lasoo
mariyo, qiimaha la siin jiray wakhtigaas oo ahayd muddo haatan laga joogo
sideed sanno waxay ahayd kun shillin oo 3
lacagta Somaliland ah.
Jaraa’idka ayaa waxa uu noqday mid kor u qaaday akhriskii iyo qoraalkii
ardayda, iyada oo uu arday waliba ku hamiyi jiray in mar uun maqaal uu qoray
kusoo baxo jaraa’idka.
Haddaba wakhtigii aannu usoo gudubnay
galaaskii labaad ayaa iskuulka oo la jaan-qaadaya tiknoolajiyada casriga ah,
waxa uu maamulihii iskuulu sameeyay qol lagu qalabeeyay koombiyuutaro
(Computers), xiisadihii aannu markaas dhiganaynay na waxa lagu daray xiisad
koombiyuutar ah, fasal walba waxa loo sameeyay saacaddo iyo maalmo ay ardayda
fasalkaasi dhigtaan xiisadan cusub, iyada oo loogu dhigi jiray kaliya muuqaal
(Practical), arday waliba na waxa uu qaatay kaadh u gaar ah xiisada
koombiyuutarka oo uu ku yaalo magaciisa, magaca fasalkiisa iyo xilliga uu
galayo. Xiisadan ayaa wax badan ka badashay kobcintii iyo kor u qaadidii heerka
waxbarasho ee ardayda, waxaana ay ahayd wakhti aannay dugsiyada sare ee
dawladda ka hirgalin in ay lahaadaan xiisad barashada tiknoolajiyada ah,
ardaydana waxa ay u ahayd fursad ay ku bartaan aqoonta casriga ah iyada oo loo
dhex raaciyay xiisadahoodii ay hore u qaadan jireen.
Bilo ka dib markii si fiican ardaydu ula
qabsatay isticmaalkii koombiyuutarka, waxa iskuulka lagu soo xidhay aaladda
internetka oo ardayda loogu dhex daray xiisadii koombiyuutarka, dhanka kale
internetka waxa ardayda looga dhigi jiray casharo fiidiyaw ah, isaga oo u
sahlay macalimiinta in ay si fudud u tusaan ardayda wax kasta.
Laga bilaabo maalmahaas waxa isna la keenay
iskuulka mishiinkii daabacaadda, waxbarashadiina waxa ay isku badashay in ay
ardaydii helaan waraaqaha casharada loo dhigayo iyo kuwa internetka laga soo
saaro oo ay soo koobiyaysan jireen, waxaan iyaguna meesha ka maqnayn laylisyada
(Assignments), loo dirayo ardayda isaga oo diyaarsana siin jiray macalinku.
Markii aannu soo galnay fasalkii saddexaad
ayaa waxa uu aad uga duwanaa marka loo eego labadii sanno ee hore, sababta oo
ah waxa ardaydii loo kala saaray laba qaybood oo kala ahaa Saynis iyo Arts,
labadan qaybood ee labada magac kala sita ayaa waxa u dhexeeya kala duwanaansho
xaga maadooyinka ah marka laga reebo xiisadaha qaarkood oo ay ka sinaayeen,
kala qaybintan ayaa waxa ay hormood ka noqotay in ay ardaydii isku soo fasalka
ahaa markii hore ay 4
badankoodu noqdaan kala
galaas. Dhammaan ardaydu markan waa wajiyo cusub, waxa is badalay asxaabtii
aannu labo sanno isku kursiga ahayn, xataa aan isku fasalka ahayn, wallow
iskuul un aannu wada dhiganaynay oo la is waji yiqaanay, haddana asxaabta cusub
laftooda aad la iskuma garanayo inyar oo nasiibku isku soo celiyay mooyee.
Maalmahaas kadib waxa aan noqday qof dhex galay ardaydii oo waxa aan
korodhsaday asxaab kale oo tiro badan.
Sannadkii u dambeeyay ee aannu ahayn fasalka
afaraad waxa ay wasaaradda waxbarashadu xooga saartay sidii loo tayayn lahaa
ardayda foom foorka ah ee dhigata dugsiyada dawladda, waxa ay samaysay xiisaddo
dheeraad ah oo ay dhigayaan macalimiin waayo aragnimo lihi, waxaana loosoo
noqon jiray galinka dambe.
Haddaba iskuulkaa shalay aan ka soo tibaaxay
maanta waa mid sidee ah? Maanta oo ay wax waliba ka dhaqaaqeen halkii ay hore u
taagnaayeen, una dhaqaaqeen wadada horumarka, dugsigani waxa uu la jaanqaadayaa
iskuulada gaarka loo leeyahay kuwooda ugu cadcad, waanna iskuul horseed u ah
iskuulada dhigiisa ah. Waa wax Illaahay loogu mahad naqo, inta ka sukaysana
maamulaha dugsigaas oo ah shakhsi mar walba ku dadaala horumarka iyo taaba
qaadka dugsiga. Wuu mudanyahay in la sheego e Illaahay dambigiisa ha dhaafee
waa Maamule Cali Axmed Balayax.
Macalimiinta maanta iskuulka dhigtaa maaha
macalimiintii shalay, inyar mooyee, badankoodu waa arday ka baxday dugsigan oo
jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadaba ka baxay, haddana ilaa imika isma ay
badalin heerkii aqoonta dugsigu in ay sii labanlaabanto mooyee.
Horumar kasta oo ka qabsoomaya iskuulka waxa
aan marnaba ka maqnayn oo xitaa iyagu ah kuwa bilaaba ardayda kolba wax ka
barata dugsiga iyaga oo ku tartama in ay mar walba soo kordhiyaan wax aan
iskuulka hore u oolin ama ay keeneen ama sameeyeen arday kale oo iyaga la mid
ahi. Inta badan galaasyadii wax lagu dhigan jiray waxa la wada dhigay marmar,
waxa qaar ka mid ah fasalada daaqadihii lagu xidhay nooca alamuuniyamta loo
yaqaan (Alumunium), waxa loo wada sameeyay samuuradaha caddaanka ah ee lagu
qoro qalinka, waxa loo sameeyay muuq fidiyayaal (projectors) lagu dhigo
casharadda u baahan fahanka araga, waxa la keenay sameecad (microphone) 5
lagu xidhay badhtanka
iskuulka oo lagu kala socodsiiyo hawlaha dugsiga dhexdiisa, isla markaana si
fudud loogu gudbiyo dhambaaladda ay maamulku u gudbinayaan ardayda iyo
macalimiintaba, waxa iyaguna fasalada qaarkood ardaydu ku xidheen boodhadh
nooca daabacaadda casriga ah oo sameeyay bilic, halka dusha iyo gudahana ay
rinjiga ama muuqaaladda ku xardhan lod kastaaba u badalaan si joogto ah.
Si kastaba ha ahaatee, ardaydii aannu soo wada
qaadanay waxbarashada, meel wax kusoo wada dhiganay, markii aannu ka baxnay
iskuulkii waxa ay u kala dhaqaaqeen in midiba meel kasii wado waxbarasho, iyaga
oo ku kala sugan maanta dalka gudihiisa iyo dibadiisa intaba, kuna kala sugan
waddamo, gobbolo, magaalooyin iyo dagmooyin aad u kala fog-fog, qaar kale ayaa
iyaguna waxbarashadii ka doorbiday inay shaqaystaan, qaarna ay isku dhex
wadaan, halka badhkood ay guursadeen oo ay maanta noqdeen hooyooyin iyo
aabayaal, inkale oo fara ku tiris ahina ka hadheen waxbarashadiiba.
Ugu dambayn waxaan u ducaynayaa macalimiintii
wax isoo bartay oo dhan, intii dhimatay iyo inta maanta noolba, waxa kale oo
aan salaam aad u qiimo badan u dirayaa ardaydii aannu walaalaha ahayn ee aannu
meel kasoo wada baxnay meel kasta oo ay dunida ka joogaan intaba. Waxaan idin
leeyahay saaxiibayaal iyo walaalayaal waa hubaal in la isku soo noqonayo intii
nool aduunyaddan. Allena ha idinku garab galo dadaal kasta oo aad imika haysaan
insha Allah.
Wabilaahi tawfiiq
W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Bachelor degree of development and management at
Civil Service Institute,
Imikana ah arday ka tirsan kuliyadda Sharciga ee
jaamacadda Hargeysa,
E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com
Tell: 063 4470220
No comments:
Post a Comment